Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo billaabay hawlgalladiisa

1 Nov 2024

Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo billaabay hawlgalladiisa

Muqdisho – Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa hawgalladiisa billaabay maanta, isagoo beddelaya Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

“UNTMIS waxa uu xaqiijinayaa sida ay Qaramada Midoobay uga go’an tahay inuu Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku garab-istaago sidii loo dhisi lahaa dal xooggan iyo mustaqbal wanaagsan – waxaan ku hanweynahay in aan si wadajir ah u wada shaqayno annagoo iskala shaqaynayna hawlgalkan kalaguurka muddada labada sanno ah ee qorsheysan, iyadoo Soomaaliya ay sii xoojinayso lahaanshaha qaran iyo isku-tiirsanaanta,” Ayuu yiri Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

UNTMIS waxaa la aasaasay ka dib markuu Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ansixiyay qaraarka tirsigiisu yahay 2753 (2024) 30kii Oktoobar.

Golaha Ammaanku wuxuu qaraarka ku asaasay UNTMIS iyadoo diiradda lagu saarayo hawlaha hortabinta leh ee muhiimka u ah baahiyaha Soomaaliya. Laga billaabo marka uu guda-galo waajibaadkiisa shaqo, Hawlgalka UNTMIS wuxuu ku dhaqaaqi doonaa fulinta kalaguurka hawllaha oo si marxaladaysan loogu wareejinayo hay’adaha Soomaaliyeed, Kooxda Qaramada Midoobay ee Ka-hawlgasha Dalka,  iyo daneeyayaasha kale.

Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2753 (2024) - Halkaan Guji