Gaalkacyo, ergayga QM oo ku booriyey hoggaamiyeyaasha gobollada in ay sii wadaan wada-hadalada siyaasadeed iyo iskaashiga

5 Nov 2018

Gaalkacyo, ergayga QM oo ku booriyey hoggaamiyeyaasha gobollada in ay sii wadaan wada-hadalada siyaasadeed iyo iskaashiga

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta booqday magaalada Gaalkacyo, shirar taxane ah oo uu la yeeshay madaxda gobolada, ayaa ku celiyey baaqiisii in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedada.

"Arrinka ugu weyn waxa weeye in Soomaaliya ay tahay waddan u baahan in dhammaan dadkiisu ay iskaashadaan, heerarka kala duwan ee dowladuna wada shaqeeyaan, hadii aan taasi dhicina ay adagtahay in aan ku guuleysano barnaamijkeena in wadanka la gaadhsiiyo xasilooni iyo barwaaqo," ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom.

"Kooxina  ma qaban karto wax kasta kalidood, mana jirto koox kaligood gaari karta ujeeddadan," ayuu raaciyay.

Ergeyga Qaramada Midoobey ayaa la kulmay hoggaanka maamulka Galmudug intii uu booqashada ku joogay magaalada Gaalkacyo. Socdaalku waxa uu dabasocday booqashooyin isbarasho  oo uu ku tagay Kismaayo, Baydhaba, Garoowe iyo Hargeysa.

Booqashooyinka ayaa ku soo beegmay khilaafka mudooyinkii dambe  ka dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka oo ergaygu dhiirigaliyey in xal waara la raadiyo.

Gaalkacyo, si la mid ah booqashooyinkii hore, waxaa ku wehelinayey Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira.

Dib-u-bilaabida wada-hadalada

Kulankan ay la yeesheen siyaasiyiinta maamulka Galmudug - oo ay ku jireen Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle 'Xaaf,' wasiirka koowaad Sheekh Maxamed Shaakir, xubno ka tirsan baarlamaanka gobolka iyo xubnaha golaha xukuumadda - labada erggey waxay ku celiyeen baahida loo qabo in hogaamiyeyaasha dawlad goboleedaddu wadahadal siyaasadeed dib ula bilaabaan dowladda federaalka.

Mudane Haysom wuxuu xusay in ay jiraan fursado badan oo dib loogu soo nooleyn karo wadahadalada, oo ay ka mid tahay dhexdhexaadinta Aqalka Sare ama gogosha uu fidiyey Madaxweynahu. "sidoo kale waxa la adeegsan karaa guddiyadii farsamo ee horay u sameeyay qaab-dhismeedka federaalka, waxa aanay taasi u baahan tahay in si wadajir ah loo abaarro ka-qaybgalka siyaasadeed iyo heshiiska," Mr. Haysom ayaa sidaas yiri.

"Dadku waxay idinka  filayaan horumarka dhammaan arrimahaas, gaar ahaan doorashooyinka gobolada in dhakhso loo xaliyo waqtigan, ka hor doorashooyinka guud ee loo qorsheeyey inay qabsoomaan 2020-ka," ayuu raaciyay.

Nabadgelyada Gaalkacyo oo la horumariyay

Magaalada Gaalkacayo, oo ku taala xudduuda u dhexeeya dowladaha xubinaha ka ah dawladda federaalka ee Puntland iyo Galmudug, ayaa waxaa horay uga soo dhacay rabshado hubaysan. Laakiin maamulka degaanka iyo shacabka ayaa muddooyinkii dambe horumar weyn ka sameeyey dhinacyada dibu-heshiisiinta iyo nabadeynta.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay wuxuu soo dhaweeyay horumarka, waxaanu ku dhiirigaliyey hogaamiyayaasha gobolka in ay sii wadaan dadaallada wax-qabadka leh ilaa geeddi-socodka midnimadda Galmudug la dhammeeyo.

"Qaramada Midoobay waxay qorsheyneysaa inay xafiis ka furato Galmudug, iyo in taageeradayada maamul goboleedkan ay noqoto mid aan ku dhiirigalinayno Soomaalida in ay si wadajir ah u shaqeeyaan, si ay qaab dimuquraadi ah u dhagaysaan fikradahooda kala duwan," Haysom ayaa sidaas yiri.

Gebbogebadii wada hadaladooda, Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele 'Xaaf' ayaa rajo weyn ka muujiyey wadashaqeyn mustaqbalka ay la yeeshaan Qaramada Midoobay. "Kulan wanaagsan ayaan la yeelanay ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, waxaana rajeyneynaa in wada shaqeyntan ay sii xoojin doonto geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta. Waxa aan rajeynayaa in mustaqbalka aan ku dhisi karno bilowga fiican ee maanta."