Ilaalinta Carruurta

Ilaalinta Carruurta

UNSOM HRPG dhexdeeda, Unugga Ilaalinta Carruurta iyaa mas’uul ka ah hirgelinta waajibaadka la xiriira carruurta iyo colaadaha hubeysan.(CAAC). Qorshaha ‘CAAC’ waaa qeyb ka mida howlgalka amniga iyo nabadda ee QM, sida lagu qeexay Qaraarka Golaha Ammaanka QM ee carruurta iyo colaadaha hubeysan ee la adeegsanayey tan iyo 1999-kii iyo dhammaan bayaanada la xiriira ee Madaxeynaheeda oo si wadajir ah u unkay sharciyad dhameystiran oo wax looga qabto dhowrista carruurta ay saameeeyaan colaadaha hubeysan.

Tan iyo markii la howl geliyey 2014, Unugga Ilaalinta Carruurta waxaa uu ka taageerayey dowladda federaalka ha ee Soomaaliya hirgelinta laba qorshe howled si loo soo afjaro loogana hortago askareynta, adeegsiga, dilka iyo naafeynta carruurta ee ciidanka amniga ee Soomaaliya. Bishii Oktoobar, 2019, waxa ay dowladda federaalka ah iyo QM meelmariyeen qorshe lagu dardar gelinayo hirgelinta Qorshe Howleedka ‘CAAC’. Unugga Ilaalinta Carruurta waxa uu sidoo kale ka taageeraa Dowladda Soomaaliya meelmarinta Habraaca Howlaha ee Rasmiga ah ee qaabilidda iyo sii gudbinta carruurta laga soo reebo kooxaha hubeysan ee Soomaaliya, kaas oo ay meelmariyeen Qaramaada Midoobey iyo Dowladda Soomaaliya bishii Feberaayo ee 2014-kii.  

Labada qorshe howled ee lagu soo afjaro loogana hortago askareynta, adeegsiga, dilka iyo naafeynta carruurta waxaa meelmariyey dowladda federaalka ah iyo QM sanadkii 2012 ka dib markii sanadkii 2006-dii loo diiwaangeliyey Ciidanka Xoogga Dalka(CXD) kaalintii ay ku lahaayeen tacaddiyo waaweynaa xuquuqda carruurta ah. Dhinacyada kale ee dagaalka ee sidoo kale loo diiwaan geliyay tacaddiyada culus waxaa ka mida Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kooxaha Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna Wal Jamaaca (ASWJ).

Iyada oo la howlgaleysa Sanduuqa Carruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF, waxa CPU wax ka hoggaamiyaa Guddi Howleedka Farsamo ee Dalka ee La socodka iyo Ka warbixinta (CTFMR), hannan lagu dhisay qaraarka 1612 (2005) ee Golaha Ammaanka ee QM si loola socdo oo looga warbixiyo lixda tacaddi ee culculus ee xuquuqda carruurta ee hoos ku tixan:

  • Dilka iyo naafeynta carruurta
  • Askareynta iyo adeegsiga carruurta
  • Kufsiga iyo nuucyada kale ee tacaddiga jinsiga ah ee ka dhanka ah carruurta
  • Afduubka carruurta
  • weerarrada ka dhanka ah dugsiyada iyo isbitaalka
  • U diidista carruurta arrimaha beni’aadannimo

Xogta ay soo uruuriyaan CTFMR waxaa loo adeegsidaa in laga wacyi geliyo dhibaatada ay wajahaan carruurta ay colaadaha saameeyaan ee Soomaaliya, si loo wargeliyo howlaha ololeynta iyo kahortagga, si tallaabo loogu qaado sidii carruurta looga reebi lagaa kooxaha iyo ciidamada hubeysan, si loola xisaabtamo kuwa geysta tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda carruurta si looga hortago iney dhacaan xadgudbyo dheeraad ah.

Xogta la soo uruuriyo waxaa si isku mida loola wadaagaa diiwaanka GHN iyo Warbixinta Sanadkala ah ee Xog-haya Guud ee QM ee ku saabsan Carruurta iyo colaadaha hubeysan (CAAC).

Si uu u hirgeliyo waajibaadkiisa, waxa uu Unugga Ilaalinta Carruurta la shaqeeyaa hay’adaha dowladda sida: Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Wasaaradda Garsoorka, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Ciidanka Xoogga Dalka (CXD), Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ciidamada dowlad goboleedyada, ururrada bulshada rayidka ah, iyo saaxiibbada kala duwan ee caalamiga ah, ATMIS, hay’adaha QM, sanduuqyada iyo barnaamijyada.

Waxa uu Unugga Ilaalinta Carruurta taageeraa iyada oo lala shaqeynayo Gudi Howleedka Qaran ee Carruurta iyo colaadaha hubeysan (CAAC), iyo Guddi-hoosaadyada Koofurgalbeed, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Galmudug,  Kooxahani waxa ay yeeshaan sanadkiiba afar kulan si ay uga hadlaan arrimaha jira iyo nuucyada xad-gudubyada oo ay ku jiraan ilaalinta iyo istiraatiijiyadaha kahortagga si waafaqsan qorshe howleedka.

Unugga Ilaalinta Carruurta waxa uu ka taageeraa guddiga heer wasiir ee Soomaaliya hannaanka isku dubba-ridka oo uu ujeedkiisu yahay in la hubiyo in tallaabooyin la taaban karo ay qaaddo Dowladda Federaalka ah si loo cirib tiro xad-gudubyada xuquuqda carruurta ee culculus iyo in lala socdo horumarka laga sameeyey hirgelinta qorshooyinka 2019 iyo sidoo kale qorshe howleedyada 2012.

Howlaha Gaarka ah ee CPU-da waxaa ka mida

  • La socodka iyo ka warbixinta tacaddiyada waaweyn ee xuquuqda carruurta si waafaqsan qaraarrada Golaha Ammaanka ee la quseeya.
  • La howlgelidda dhinacyada colaadaha iyo ka taageeridda dowladda DFS hirgelinta Qorshe Howleedyada CAAC ee Soomaaliya: dhisidda karaanka ee unugga ilaalinta carruurta ee wasaaradaha ku shaqada leh iyada oo loo fidinaayo tababbarro, sameynta shuruuc iyo howlo wadajir ah.
  • Taageerida maxalliyeynta Cahdiga Xuquuqda Carruurta iyo xoojinta shuruucda guud ee ilaalinta oo ay ku jiraan u ololeynta ansixinta Borotakoolka Khiyaariga ah ee Cahdiga Xuquuqda Carruurta  ee ku saabsan ka qeyb gelinta carruurta ee colaadaha hubeysan (OPAC).
  • Gaaris iyo wacyi gelin ku saabsan arrimaha ilaalinta carruurta oo ay ku jirto horumarinta iyo baahinta agabyo wacyigelin iyo dhiirri gelin ah oo ku saabsan ilaalinta carruurta.