Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo xusay Maalinta Xorriyadda Warbaahinta

3 May 2017

Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo xusay Maalinta Xorriyadda Warbaahinta

Suxufiyiinta ku sugan Soomaaliya ayaa si la mid ah dhiggooda ku nool daafaha caalamka xusay Maalinta Xorriyadda Warbaahinta Adduunka.

400 oo weriye ayaa isugu yimid Muqdisho, Cadaado, Jowhar, Garoowe, Kismaayo iyo Baydhabo si ay u xusaan maalinta oo halku-dhigga ahaa “Doorka Warbaahinta ee Horumarinta Bulshooyin Nabad ah, Caddaalad ah, loona Dhan yahay.”

Wasiirka Dowladda Federaalka ee Warfaafinta iyo Wacyigelinta Dadweynaha, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, ayaa kala qaybgalay in ka badan 140 weriye iyo marti-sharaf kale oo isugu yimid Beerta Nabadda si ay u xusaan maalinta.

Wasiirka ayaa u sheegay suxufiyiinta joogay munaasabadda, oo uu soo qabanqaabiyay Ururuka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, in dowladda ay ka go’an tahay kor u qaadista xorriyadda hadalka.

Wasiir Yariisow ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay dhisi doonto awoodda weriyeyaasha Soomaaliyeed iyadoo siinaysa fursado tababar si loo tayeeyo xirfadahooda iyo aqoontooda, sidoo kalena ay hagaajin doonto xiriirka u dhaxeeya warbaahinta wararka iyo hay’adaha ammaanka.

“Waxaan isku dayaynaa inaan xoojinno xiriirka u dhaxeeya hay’adaha ammaanka iyo suxufiyiinta. Waxaan rabnaa inay wada shaqeeyaan labada dhinac si midba mid kale aragtidiiisa uu u fahmo. Ka dowlad ahaan iyo ka wasiir ahaan, waxaa iga go’an inaan kor u qaado xorriyadda hadalka, waana sii wadi doonnaa samaynta taas,” ayuu xusay.

Wasiirka ayaa u ballanqaaday suxufiyiinta in dowladda ay diiradda saarayso sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka si awood loo siiyo weriyeyaasha inay xuquuqdooda u isticmaalaan si xor ah.

Xog-hayaha Guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Mucallimo ayaa ammaanay weriyeyaashii naftooda ku waayay ayagoo gudanayay waajibaadkooda.

“Ujeeddada suxufiyiinta Soomaaliyeed ay isugu yimaadeen waa inay la dabbaaldagaan saaxiibbadooda ku nool daafaha adduunka si loo xuso Maalinta Xorriyadda Warbaahinta ee Adduunka. Maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay meelaha ugu halista badan ee ay suxufiyiin ka hawlgalaan, waxaan muujinaynaa sida aan uga soo hor jeedno sii socoshada tacaddiyadan,” ayuu yiri.

Horraantii maalinta, Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa kulan quraac oo ka dhacay xarunta UNSOM ku casuumay Mucallimo, Farxiya Maxamed Kheyre, oo ah guddoomiiyaha Ururka Suxufiyiinta Haweenka Soomaaliiyeed iyo Nuurre Maxamed oo ka tirsan weriyeyaasha Telefishinka Universal.

“Waxaan xushmad u muujinayaa dhiirranaanta iyo naf hurnimada dhammaan weriyeyaasha Soomaaliyeed ee halista u aada maalin kasta kaliya si ay xirfaddooda ugu shaqeystaan,” ayuu yiri Keating. “Xorriyadda hadalka waxay aasaasi u tahay bulshooyinka dimuqraaddiyada iyo isla xisaabtanka lagu dhaqo. Xuquuqdan bini’aadan ee aasaasiga ah waa mid badanaa xannibaad ay saaran tahay Soomaaliya iyadoo dhib, cabsigelin iyo xarig aan sabab ku salaysnayn lagula kaco weriyeyaasha iyo xiritaanka xarumaha warbaahinta. 34 weriye ayaa lagu dilay Soomaaliya tan iyo 2012. Dhaqanka isla xisaabtan la’aanta ee u ogolaaday dilalkooda iyadoo laga cararayo xarig iyo dambi ku soo oogis wuxuu u baahan yahay inuu dhammaado.”

Magaalada Baydhabo, Guddoomiye Ku Xigeenka NUSOJ, Muxyadiin Xasan Maxamed ayaa hal-hal u sheegay dhibaatooyinka kala gadisan ee ay wajahayaan weriyeyaasha Soomaaliyeed oo xaddidaya xorriyadda warbaahinta iyo xaqa ay weriyeyaasha u leeyihiin inay wadaagaan xog sax ah.

“Sida aad ka war qabtaan, weriyeyaasha Soomaaliyeed waxay wajahaan caqabado badan. Weriyeyaal badan ayaa la dilay, la xiray loona  hanjabay. Iyagoo u cabsanaya naftooda, kuwo ayaa magangalyo u raadsaday dalal kale meelahaas oo ay kula kulmeen dhibaatooyin,” ayuu yiri Maxyadiin, isagoo raaciyay in sababta ay weriyeyaasha u xusayeen maalinta ay tahay inaan ku rajo wayn nahay inay maalin un heli doonaan jawi warbaahin oo xor ah.

Magaalada Kismaayo, weriyeyaasha waxaa xuska maalintan caalamiga ah kala qeybgalay xubno ka tirsan bulshada rayidka.

Farax Yuusuf oo ah weriye madax bannaan ayaa sheegtay inay jiraan weriyeyaal badan oo dhallinyaro ah oo aan lahayn waayoaragnimo ku filan, waxayna munaasabadda Maalinta Xorriyadda Warbaahinta ku tilmaamtay fursad fikrado la isku waydaarsan karo.