Ergeyga Gaarka ah Keating ayaa Soomaalida kala qeyb-qaatay xuska Maalinta-qaran ee Xuquuqul Insaanka

27 Aug 2016

Ergeyga Gaarka ah Keating ayaa Soomaalida kala qeyb-qaatay xuska Maalinta-qaran ee Xuquuqul Insaanka

WAR-SAXAAFADEED 22/2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya ay ka gaartay sii xoojinta xushmaynta xuquuqul insaanka, iyadoo dalku u xusayo Maalinta Qaran ee Xuquuqul Insaanka. Maanta oo kale saddex sano kahor,  ayaa Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay meel mariyeen Khariidaddi/Tubti ugu horreysay ee Xuquuqul Insaanka ee abid dalku yeesho, iyadoo munaasabadda sanad guuradan loogu dabbaal degi doono hal-kudhigga ah “xaqiijinta xuquuqul insaanka ee geedi-socodka doorashada” iyadoo lagu jiro waqti dalku isku diyaarinayo ka gudbidda marxalad kala guur oo taariikhi ah dabayaaqada sanadkan. 

Waqtiyadii ugu dambeeyay, Soomaaliya waxay guulo waawayn ka gaartay kor u qaadidda xuquuqul insaanka. Dowladda Federaalka ah waxay bishii Janaayo ee sanadki 2015 ansixisay Heshiiska Xuquuqda Caruurta, sidoo kale waxay la timid oo ay meel marisay qorshe-hawleedyo lagu cirib tirayo qorista, adeegsiga, dilka iyo dhaawicidda caruurta xiliyada colaadaha hubaysan. Guulaha kale ee muhiimka ah waxaa kamid ah meel marinta qorshe hawleed qaran oo lagu cirib tirayo xadgudubka jinsiga ee xiliyada colaadaha iyo meel marinta sharciga Guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka ee la meel mariyay horraantii bishan.

"Qof kasta oo Soomaali ah wuxuu doonayaa uuna mudanyahay inuu si buuxda ugu naaloodo xuquuqul insaanka,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Xushmaynta xuquuqda iyo ku dhaqanka sharciga waa asaaska ugu wanaagsan ee suurto gelinaya dib u dhiska dalka iyo abuurista kalsooni ka dhex dhalata madaxda iyo muwaadiniinta. Soomaaliya waxay samaynaysaa horumar ballaaran laakiin waxaa harsan waxqabad badan si ku-naaloonshada xuquuqul insaanku ay u noqoto wax dhab ah oo ay arkaan ragga iyo gaar ahaan haweenka iyo caruurta Soomaaliyeed.”

Xafiiska Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) wuxuu taageerayaa xuska Dowladda Federaalka ah u samaynayso Maalinta Qaran ee Xuquuqul Insaanka ee ka dhacaysa Muqdisho. UNSOM waxay markii ugu horreysay soo saari doontaa bisha soo socota warbixin shaaca ka qaadaysa xaaladda xuquuqul insaanka ee Soomaaliya, waxayna taasi qayb ka tahay dadaallada lagu taageerayo laguna xoojinayo xushmaynta xuquuqul insaanka ee guud ahaan Soomaaliya.