Booqasho macasalaameyn ahayd, ayaa Ergeyga QM waxaa ay ku amaantey sharciga la-dagaalanka Gudniinka (FGM)

12 May 2024

Booqasho macasalaameyn ahayd, ayaa Ergeyga QM waxaa ay ku amaantey sharciga la-dagaalanka Gudniinka (FGM)

Dhuusamarreeb – Iyada oo sii wadata booqashooyinkeedii ay ku macaslaameyneysey hoggaamiyeyaasha Soomaalida, ayaa sarkaalka ugu sarreeya Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxaa ay maanta booqasho ku tagey Galmudug iyada oo soo dhoweyseyna guulihii uu Dowlad-goboleedka dhowaan ka soo hooyey la dagaallanka jarjaridda saxaaxa/Gudniinka dheddigga (FGM).

“Galmudug waa Dowlad-goboleedkii ugu horreeyay ee meelmariya sharci mamnuucaya dhammaan noocyada jarjaridda saxaaxa dheddigga (gudniinka). Guushan run ahaantii waa guul aad u weyn, oo uu horseed ka yahay hoggaanka Madaxweynaha, iyadoo ay shaqo wannaagsanna ay qabteen Wasiirka Arrimaha Haweenka, iyo haween badan oo u ololeeyay arrintan oo aan maanta la yeeshay kulan qado ah,” ayaa ay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guuud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing. 

“Waa haween geesiyaal ah oo u istaagey in ay yiraahdaan waa in dhaqankan la joojiyaa, waxaanna codkooda ka muuqday soo dhoweyn oo in ay arrintani soo dhoweynayaan, waana ku faraxsanahay in aan Madaxweynaha arrintan u sheego,” ayaa ay ku dartey hadalkeeda.

Ergeyga Gaarka ah ee QM ayaa saxaafadda kula hadleysey caasimadda, Dhuusamarreeb, ka dib shirar ay la qaadatey Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, iyo sidoo kale wakiilo ka socdey bulshada rayidka ah ee degaanka. 

Shir-saxaafadeedka ka hor, waxaa ay dhammaantooda ka qaybgaleen dagaaldeg loo sameeyey sharci ay Galmudug soo saartey bishii Maarso ee sanadkan oo degaanka ka mamnuucaya Gudniinka Dheddigga (FGM).

“Kani waxaa uu ahaa mowduuc aan rabey in xagga sare uu kaga jiro hawsha aan halkan ka hayo waxaana aad ugu hanweynahay, oo  aadna ugu faraxsanahay in aan qayb ka ahaado arrintan, in aan door yar ka ciyaaro oo aan kuugu hambalyeeyo, mudane madaxeyne, Wasiirka Arrimaha haweenka, iyo dhammaan dadkii sida weyn uga soo shaqeeyey in la soo saaro sharci xaaraantanimeynaya Gudniinka Dheddigga (FGM) – run-ahaantii, waa guul aad u weyn,” ayaa ay Ms. Laing ka tiri xafladdii dabaaldegga.

Sida ay qabto hay’adda Sanduuqa QM ee Dadweynaha / UN Population Fund (UNFPA), Gudniinka Dheddigga (FGM) waa caado-dhaqameed ka jira Soomaaliya oo ay dhiirrigelinayaan waxyaabaha ay dad filayaan bulshada/qoyska iyo cabsi laga qabo in qofku ay bulshadu takoorto. Sahankii Caafiamaadka iyo tilmaamaha dadka Soomaalida / Somali Health and Demographic Survey ee 2020kii ayaa lagu ogaadey in ku dhowaad 99% haweenka iyo gabdhaha ay ‘dadoodu u dhaxayso 15-49 jir lagu sameeyey gudniin (FGM).

Haseyeeshee, si isa soo tareysey, ayaa waxaa isu-beddeleayey ku-dhaqmidda iyo fikirka lag aqabey gudniinka (FGM) gaar ahaan kan dadka dhallinyrada ah taas oo muujinaysa in ay suuragal tahay in la-dabar-gooyo caadadan – sharciga ay dejisey Galmudug ayaa rajo gelinaya dagaallada noocaas ah waxaana uu carrabka ku adkeynaya sida dowladda iyo hay’adaha u habboon loogaga baahan yahay in ay safka hore kaga jiraan dhiirrigelinta xuquuqaha haweenka iyo gabdhaha.

Arrin kale oo iyana wanaagsan, ayaa ah Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhowaan ansaxiyey wax-ka-beddel dastuuri ah ayaa sideeda u daayey in gebi ahaanba la mamnuucay dhammaan noocyada kala duwan gudniinka dheddigga (FGM), waxaana uu bixinayaa shuruuc guud oo lagu ilaalinayo haweenka iyo gabdhaha. Shuruucda mamnuucaya gudniinka (Anti-FGM laws) sida kan Galmudug ayaa si faahfaahsan u sharxaya sida mamnuucidda loo dhaqangelinayo, taas oo ay ka mid tahay taageero la siiyey dhibbanayaasha Gudniinka Fircooniga ah (FGM).

Saddex hadaf oo dad ka dhexeeya

Hadalladii ay jeedisey, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee QM waxaa ay ku sheegtey in Qaramada Midoobey iyo maamulka Galmudug ay wada dhisi doonaan koox ka wada dhaxaysa oo xaqiijiya saddex hadaf: hirgelinta sharciga, Dowlad-goboleedyada kale oo ay ku dhiirrigeliyaan in ay ku daydaan Galmudug; iyo in tusaalaha Galmudug la gaarsiiyo meelo fogfog. 

“Halkan Galmudug, sharci-dejintu waa tallaabada koowaad. Laakiinse fulinta, dabcan, way adag tahay sababta oo ah sharci-dejintu laf-ahaanteedu ma beddesho hab-dhaqameedyada, dhaqamada soo-jireenka ah, oo ay qoysasku ku dareemaan in ay adeeg u qabanayaan gabadhooda markay gudayaan, oo dabcan ah, caksigeeda. Waa khatar dhaawac iyo waxyeello leh. Marka, maanka dadka in la beddelo waqti ayay qaadataa. Laakiinse waxaan dooneynaa in aan arrinkaasi idinkala shaqeyno, iyadoo gaar ahaan loo marayo waxbarasho,” ayaa ay tiri Ms. Laing.

Hadalkeedii ayaa ay sii wadatey iyada oo sheegtey in Dowlad-goboleedyada kale ee Soomaaliya ay ku dayan karaan Galmudug, waxaana ay muujisey in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka / National Consultative Council (NCC), ee ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha Soomaalida si ay uga munaaqashoodaan arrimaha qaranka, ayaa noqon kara madal looga munaaqashoodo gudniinka dheddigga (FGM).

“Waxaa jeclaan lahaa in aan arko Madaxweynaha oo ka hadlaya arrimaha GWQ [Guddiga Wadatashiga Qaranka) – waanna codsi aan adiga kaa codsanayo, mudane Madaxweyne, – waxaa ku-xiga in GWQ ajaandahiisa uu ku darsado arrinta Gudniinka (FGM),” aya aay tiri Ms. Laing.

“Tan saddexaad, waa in aanan Soomaaliya kaliya uga tagin,” waxayna sii raacisey.  “Soomaaliya waa in ay caalamka ku hoggaamisaa arrintan – waa mid ka mid ah waxyaabo badan oo ay Soomaaliya ku muujin karto hoggaankeeda iyo horumarkeeda. Sidaa daraadeed ayaa waxaa inna horyaalla shaqo badan.”

Xafiiska cusub ee QM

Intii ay joogtey Dhuusamarreeb, Ergeyga Gaarka ah ee QM iyo Madaxweynaha waxaa ay booqdeen goobta Xero Daroogo, oo ah goobta laga dhisayo xafiiska Qaramada Midoobey.

“Waxaan saaka fursad u helnay in aan booqanno horumarka uu dhismahaasi gaarey iyo sida wanaagsan ee uu u socdo. Marka wuxuu noqon doonnaa xafiis ay UNSOM maamusho,… wuxuunna sidoo kale noqon doonnaa xafiiska Kooxda Dalka ee QM, UNICEF, Barnaamijka Cuntada Adduunka/World Food Programme iyo kuwa kale oo doonaya in ay sii xoojiyaan iskaashiga ay la leeyihiin Galmudug

Dhismayaasha cusub ee QM ayaa la filayaa in la dhammeystiro dhammaadka 2024ka. Waqtigan, QM waxaa ay xafiisyo kan oo kale ah  ku  kala leedahay afarta Dowlad-goboleed ee kale ee dalka: Jubbaland, Koonfur-Galbeed, Hirshabeelle iyo Puntland.

Ergeyga Gaarka ah ee QM waxaa ay shaqadeeda dhammaaneysaa bisha Maajo waxaana ay kulamo macasalaameyn ah la qaadaneysey hoggaamiyeyaasha Dowlad-goboleedyada Soomaaliya, iyo sidoo kale saraakiisha ugu sarreysey Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.