Tillaabo Dhanka Cimilada ah oo Lagu Badbaadinayo Dadka iyo Dhulka: Waqtigu waa soo Galay

21 Apr 2021

Tillaabo Dhanka Cimilada ah oo Lagu Badbaadinayo Dadka iyo Dhulka: Waqtigu waa soo Galay

Waxaa soo jeediyey: António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Waa sanad laf-dhabar u ah bani’aadannimada, hadda waxaa xilligii tallaabo adag loo qaadi lahaa dhinaca cimilada.

Saynisku waa mid aan dood la galin karin oo ay dunidu isla ogoshahay: Si cimilada looga hor istaago in ay Qatar jooogta ah noqoto, waxaa qasab ah in aan yareyno kululeynta aduunka oo aan gaarsiinno 1.5 degrees Celsius.

Si taas loo sameeyo, waxaa qasab ah in gaaska ka soo baxaya greenhouse-yada la gaarsiiyo heer aysan waxba ka soo bixin marka la gaaro kala barka qarniga. Dalalka saddex dalool, laba dalool soo saara dhaqaalaha dunida ayaa ballan qaaday in ay sidaas sameyn doonaan. Tani waa mid dhiirigalin ah, laakiin waxaan si deg deg ah u dooneynaa in dal walba, magaalo, ganacsi iyo hay’adaha dhaqaalaha ay ku soo biiraan isbahasyigan oo ay la yimaadaan qorsheyaal adag si gaaskaas la gaarsiiyo meel aysan waxba ka imaan.

Waxaa taas looga sii baahi badan yahay in dowladaha ay la jaanqaadaan hiigsigan waqtiga dheer qorsheyaal adag hadda, xilli lacag dhan tirilyoonis oo dollar ah la uruuriyey si looga adkaado cudurka safmarka ah ee COVID-19. Dib u soo nooleynta dhaqaalaha waa fursadeenna aan dib ugu sii ambaqaadeynno aayeheenna.

Dunida qorshe weyn oo ay tallaabo ku qaadeyso ayaa u dagsan: Heshiiskii Paris, kaas oo ay dhammaan wadamada ku qaateen in ay dajinayaan tallaabooyinkooda qaran ee ay cmilada ka qaadayaan iyo xoojintooda shanti sanaba mar. Shanteena sano ee dambe, taas oo ay caddeyn u tahay haddii aynaan tallaabo qaadin in aynu burburin doonno aduunkeena, waa goortii go’aanada iyo tallaabooyinka taabbo galka ay la qaadi lahaa xilli Qaramada Midoobay ay shir isugu yeeri doonto dhammaan wadamada magaalada Glasgow bisha Nofeembar si looga hadlo arrimaha la xiriira COP26.

Qorsheyaasha qaran ee cusub waxaa qasab ah in ay gaaska wasakhda ah ee ka soo baxa greenhouse-yada ilaa iyo 45% la yareeyo meeshii loo gaaro 2030ka marka lala heerkii barbardhigo 2010. In badan ayaa la soo jeediyey hadda, waxa ayna dajiyeen siyaasado cad cad si loola qabsado saameynta is bedelka cimilada oo sare loogu qaado helitaanka tamarta la cusbooneysin karo.

Laakiin ilaa iyo hadda, qorsheyaashaa waxa ay ku guuleysteen jaridda wasakhda gaaska ee soo baxda 1%. Tani waxa ay dhab ahaantii digniin u tahay dadka iyo dunida.

Bilaha soo socda, laga billaabo Shir Madaxeedka Hoggaamiyaasha tartamaya ee ay martigelinayaan Mareykanka iyo  dowladaha kale waa in ay si weyn kor ugu qaadaan hiigsigooda - gaar ahaan wadamada ugu waaweyn, iyaga oo ka iska indhatiraya waddamada qalalaasaha abuuray.

joojinta dhuxusha loo isticmaalo koranto ahaan waa tallaabada keliya ee ugu muhiimsan ee lagu jaangooyo  hadafka1.5-degree.

Tillaabo deg deg ah oo looga saarayo wasakhda ugu qatarsan qaybaha tamarta waxa ay siineysaa adduunkeenna fursad uu ku dagaallamo.

Isticmaalka dhuxusha caalamiga ah ee soo saarista korontada waa in uu hoos uga dhacaa 80%  heerarkii 2010 illaa 2030. Taas macnaheedu waa in dhaqaalaha horumaray ay waajib ku tahay inuu joojiyo dhuxusha sannadka 2030; waddamada kale waa in ay tan sameeyaan 2040. Ma jirto sabab kale oo dhir kale oo dhuxul ah looga dhisi karo meel kasta. Saddex meelood meel kamid ah maraakiibta dhuxusha ee adduunka ayaa ka qaalisan in in laga shaqeeyo marka loo eego dhismaha cusbooneysiinta iyo keydinta. COP26 waa in ay muujisaa dhammaadka dhuxusha.

Maaddaama adduunku u dhaqaaqayo

Hawo nadiif ah iyo tamarta dib loo cusboonaysiin karo, waxaa lagama maarmaan ah in aan hubinno kala-guur ama isbeddel sax ah. Shaqaalaha ka shaqeeya warshadaha ay saameynta ku yeelatay iyo qeybta aan rasmiga ahayn waa in la taageeraa marka ay shaqooyinka qabanayaan ama dib u cusbooneysiinayaan. Waa in aan sidoo kale, daaha ka qaadnaa awoodda ballaaran ee haweenka iyo gabdhaha si ay u wadaan isbeddelka, oo ay kamid yihiin ka qeybgalayaal loo dhan yahay oo dhanka maamulka iyo go'aan gaarista ah.

Wadammada ugu yar dhanka ka qeyb qaadashada isbeddelka cimilada ayaa ugu saameyn xun. Qaar badan oo kamid ah waddamada jasiiradaha yaryar ah ayaa jiritaankoodu su'aal geli doontaa haddii ay

Jawaab ka bixin isbeddelka cimilada.

Waddamada horumaray waa in ay ka dhabeeyaan ballanqaadkooda ah in ay bixiyaan oo ay abaabulaan $ 100 bilyan sannadkiiba:

  • labanlaabidda heerarka hadda jira ee maaliyadda cimilada;
  • nus ka mid ah dhammaan dhaqaalaha cimilada si loo waafajiyo;
  • joojinta maalgelinta caalamiga ah ee dhuxusha;
  • iyo kaabista shidaalka u beddelaya tamarta mid la cusbooneysiin karo.

Shirka G7 ee bisha Juun wuxuu fursad u yahay in dalalka hodanka ihi ay sare u qaadaan isla markaana ay bixiyaan waajibaad maaliyadeed si hubaal looga dhigo COP26.

Marka ay tahay inay dowladuhu wax hoggaamiyaan, dadka ay taladu ka go’do meel walba ha joogaane waxay leeyihiin door ay ciyaaraan.

Waxaan waydiinayaa dhamaanba bankiyada qaran iyo kuwa caalami, inay yeeshaan siyaasad cad oo ku aaddan kasoo kabashada cudurka Covid-19 si adkaysi dhaqaale ay u yeeshaan dalalka soo koraya inta lagu jiro marxaladda kala guurka ah, iyadoo xisaabta lagu darayo qaamaha culus iyo cadaadisyada badan ee saaran miisaaniyadaha qaranka.

Dowlado badan oo maxalli ah iyo ganacsiyo gaar loo leeyahay ayay ka go’an tahay in ay dabaqaan siyaasad aan diqow lahayn 2050-ka, waxayna dib u eegis wax ku ool ah ku sameeyeen qaababka ay u ganacsadaan. Waxaan dhinacyada oo idil ku boorrinayaa inay dejiyaan bartilmaameedyo iyo siyaasado han leh.

Waxaan ku boorrinayaa dhallinyaradu meel kastaba ha joogtee inay codkooda sare u qaadaan si wax looga qabto cimilada is bedelaysa, loo ilaaliyo noolaha kala geddisan, loo joojiyo dagaalka ay insaanku ku wadaan dabeecadda isla markaana loo dardar geliyo ddaallada lagu gaari karo yoolal horumarineed oo waari kara.

Waqtigu waa ordayaa, waxaana taalla howl badan oo na sugaysa, mana aha xilligii la is dhiibi lahaa. QM waxay sii walfin doontaa calanka buluugga ah ee rajada iyo hiillada. Maalintan Adduunku iyo bilaha muhimka ah ee nasoo haya, waxaan quruumaha oo idil ugu baaqayaa inay isu bahaystaan.