‘Waxqabad Wadajir ah’: Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo deeqbixiyeyaasha caalamka ayaa daahfurey Barnaamijyo cusub oo si wadajir ah uga qeyb qaadanayaan dhamaan xubnahaas iyadoo loo marayo Hanaanka Horumarinta iyo Dib u dhiska Soomaal

17 Jun 2015

‘Waxqabad Wadajir ah’: Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo deeqbixiyeyaasha caalamka ayaa daahfurey Barnaamijyo cusub oo si wadajir ah uga qeyb qaadanayaan dhamaan xubnahaas iyadoo loo marayo Hanaanka Horumarinta iyo Dib u dhiska Soomaal

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, 17 June 2015 – Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay, iyo deeqbixiyeyaasha ayaa soo dhoweeyay saxiixa lixda Barnaamij ee wadajirka ah iyada oo loo marayo Hanaanka Horumarinta iyo Dibudhiska Soomaaliya (SDRF) kaas oo qeyb ka ah Heshiiska Hiigsiga Cusub (New Deal Compact).

Barnaamijyadan wadajirka waxay si toos ah u taageerayaan Ujeeddooyinka Nabadaynta iyo Dhismaha Qaranka ee Hiigsiga Cusub, iyo si loo gaaro yididiilooyinka waaweyn ee Barnaamijka Hiigsiga 2016 ee Dowladda, iyadoo si gaar ah diiradda loogu saarayo in la gaaro natiijooyinka hanaanka dhisidda maamul goboleedyada, dib u eegidda dastuurka, teegeeridda dooroshooyinka, ku dhaqanka sharciga, shaqa abuurka dhalinta iyo hurumarinta tayada hay’adaha. Barnaamijyadani waxay si gaar ah u dhisi doonaan kartida shaqaalaha rayidka ah ee heer Federaal iyo heer maamul-goboleedba, waxay taagi doonaan bixinta adeeg cadaaaladeed oo waxtar leh, waxayna shaqo u abuuri doonaan kumanaan dhalinyaro Soomaaliyeed ah. Waxay sidoo kale taageeri doonaan hawlaha waaweyn ee ka midka ah waxqabadka Barnaamijka Hiigsiga Dowladda 2016, oo ay ka mid yihiin dhismaha dowlad goboleedyo cusub oo xubno ka ah federaalka ee laga dhiso Koonfurta iyo Gobollada Dhexe ee Soomaaliya, dib u eegid lagu sameeyo dastuurka, iyo tayo-dhiska dalka si uu u gaaro hanaan siyaasadeed oo doorasho dimuqraadi ah.

Daahfurka barnaamijyadan oo ka mid ah Hanaanka Horumarinta iyo Dibudhiska Soomaaliya (SDRF) wuxuu muujinayaa sida adag ee ay beesha caalamka iyo Dowladda Soomaaliya uga go’antahay inay iyagoo midaysan ooh al ah ka wada shaqeeyaan si loo horumariyo nolosha haweenka, ragga iyo carruurta Soomaaliyeed. "Kani waa heshiis muhim ah oo xoojin doonaa hay'adaha dowladda, sidoo kalena wuxuu guul aad u weyn u yahay iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah", ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan Cali Caynte, Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Midowga Yurub, Waaxda Deeqda ee Dowladda Ingiriiska (DFID), Sweden, Norway, Denmark, iyo Talyaaniga ayaa ballanqaaday in ka badan 106 milyan oo doolarka Mareynakanka ah muddo saddex sanno ah si loogu taageero barnaamijyadan horumarineed ee mudnaanta leh. "Saxiixa Barnaamijyada cusub ee wadajirka ah waa tallaabo weyn oo loo qaaday hirgelinta Heshiiska Hiigsiga Cusub. Wuxuu noo saamaxayaa inaan si weyn u xoojino Dowladda Federaalka iyo inaan taageerno hawlaha dowladda xudunta u ah", ayuu yiri Daria Fané, Madaxa Iskaashiga ee Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Lixda Barnaamij ee Wadajirka ah waxaa hoggaamineysa Dowladda Soomaaliya waxaana fulinaya hay'adaha Qaramada Midoobay ay ka midka yihiin FAO, ILO, UNDP, UN-Habitat, UNICEF, UNODC, UNOPS, UNSOM iyo UN Women. Barnaamijyada waxaa ka faa'iideysan doona dhammaan goobaha/gobollada dalka, oo ay ku jiraan Puntland iyo Dowlad-Goboleedyada dhowaan dhismay ee xubnaha ka ah Federaalka. "Saxiixa barnaamijyadan cusub waxay ka tarjumaysaa sida ay nooga go'antahey inaan sii tageerno hawlaha mudnaanta leh ee ay Soomaalidu hoggaanka u tahay, Soomaaliduna leedahay," ayuu yiri Philippe Lazarrini, Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya (DSRSG). "Hadda waa inaan si wadajir ah diiradda u saarnaa si loo dardargaliyo in natiijooyin la taaban karo la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed, iyo in barnaamijyada waxqabad loo bedelo, gaar ahaan heerka ka hooseeya federaalka."

Waa xuddunta taageerada ay Qaramada Midoobay siiso qorshe kala guur ah oo ay Soomaali hogaamiso, Soomaalina leedahay oo lagu gaaro nabad iyo barwaaqo.

Wixii faahfaahin dheeraad ah la xiriir Axmed Caynte, agaasimaha, ACU,ahmed.ainte@gmail.com; iyo/ama Marc Jacquand, Xafiiska Iskuduwha Qaramada Midoobay (RCO) marc.jacquand@one.un.org