BAYAANAADKA SAXAAFADDA
-
23 Mar 2021 - New York – Xoghayaha-Guud wuxuu mar kale ku celinayaa walaaca xooggan ee uu ka qabo is-mari-waaga siyaasadeed ee sii jiitamaya ee la xiriira qabsoomidda doorashooyinka Soomaaliya, in kasta oo dhowr jeer ay wadatashiyo dhexmareen jilayaasha siyaasadda ee Soomaaliya, ee heer farsamo iyo heer maamul intaba.
-
21 Mar 2021 - Muqdisho – Saaxiibada Caalamka* waxay soo dhaweynayaan imaatinka kaqeybgalayaasha shir madaxeedka Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, kaas oo lagu qaban doono aagga la ilaaliyo ee Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana lagu dhawaaqay inuu bilaaban doono 22 Marso 2021.
-
15 Mar 2021 - Imaanshaha iyo Hirgelinta Tallaalka Covid-19 Tallaaka COVID ee Oxford/AstraZeneca oo ah tiradiisa 300,000 waxa uu gaari doonaa shaqaalaha safka hore ah iyo dadka kuwa ugu nugul
-
09 Mar 2021 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeyay weerarkii maanta ee lix madfac ay kusoo dheceen gudaha xeyndaabka Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka. Ma jiraan xarumo ay leedahay Qaramada Midoobey oo waxyeelo kasoo gaartay mana jiraan shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku wax-yeeloobay hoobiyaasha.
-
06 Mar 2021 - New York - Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii argagaxiso ee ay dadka badani ku dhinteen ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.Wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dhibanayaasha, wuxuuna u rajeeyay caafimaad degdeg ah kuwii ku dhaawacmay. Wuxuuna ku baaqayaa in cadaalada la horkeeno kooxihii ka dambeeyay weerarkan.
-
02 Mar 2021 - Muqdisho – Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay soo dhoweynayaan sii socoshada wadahadalada 1dii Maarso ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha. Kadib shirkii guusha kusoo dhammaaday ee 25kii Febraayo, saaxiibadu waxay ka codsanayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh.
-
23 Feb 2021 - Muqdisho – Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay ugu baaqayaan dhamaan saxiixayaasha heshiiskii 17kii Sebtember inay si deg-deg ah isugu yimaadaan si loo dhamaystiro hirgelinta hannaanka doorashada, iyadoo laga amba-qaadayo howshii ay qabteen Guddiga Farsamada ee ku kulmay magaalada Baydhabo 15-16 Febraayo.
-
19 Feb 2021 - New York – Xoghayaha Guud wuxuu aad uga walaacsan yahay rabshadaha ka dillaacay magaalada Muqdisho. wuxuuna ugu baaqayaa dhinacyada oo dhan inay is xakameeyaan ayna is dejiyaan.
-
17 Feb 2021 - Muqdisho – Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay soo dhoweynayaan ku-dhawaaqistii 16kii Febraayo ee ahayd in Guddiga Farsamada ee matalaya Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay soo asteeyeen xalka farsamo ee loo helay arrimaha dib u dhigay hirgelinta hannaanka doorasho ee 17kii Sebtember, iyo in xalkaas farsamo loo gudbiyay Golaha Wadatashiga Qaran.
-
13 Feb 2021 - Muqdisho – Saaxiibada Beesha Caalamka* waxay soo dhoweynayaan ku dhawaaqidda in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DGXF) ay kulmi doonaan 15ka Febraayo si loo dhameystiro qabanqaabada hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17kii Sebtembar, loona sii amba-qaadi lahaa horumarkii la gaaray intii uu socday shirkii Madashii Dhusamareeb ee dhowaan qabsoomay.