War-saxaafadeed uu soo saaray Af-hayeenka Xog-hayaha Guud ee QM - oo ku saabsan Soomaaliya

6 Mar 2021

War-saxaafadeed uu soo saaray Af-hayeenka Xog-hayaha Guud ee QM - oo ku saabsan Soomaaliya

New York - Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii argagaxiso ee ay dadka badani ku dhinteen ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.Wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dhibanayaasha, wuxuuna u rajeeyay caafimaad degdeg ah kuwii ku dhaawacmay. Wuxuuna ku baaqayaa in cadaalada la horkeeno kooxihii ka dambeeyay weerarkan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxa uu mar kale ku celinaya taageerada buuxda iyo garab istaagga Qaramada Midoobay ay la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo wajahaya dembiga noocaan ah. Waxaa kale oo ka dhaadhacsan in colaadda iyo weerarrada aan loo meel dayin aysan shacabka Soomaaliyeed ka baajin doonin raadinta nabad, xasillooni iyo barwaaqo.

Stéphane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM.

New York, Maarso 6, 2021