Bayaan kasoobaxay Af-hayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ku aaddan Soomaaliya

19 Feb 2021

Bayaan kasoobaxay Af-hayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ku aaddan Soomaaliya

New York – Xoghayaha Guud wuxuu aad uga walaacsan yahay rabshadaha ka dillaacay magaalada Muqdisho. wuxuuna ugu baaqayaa dhinacyada oo dhan inay is xakameeyaan ayna is dejiyaan.

Xoghayaha Guud wuxuu ku boorinayaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka inay si deg deg ah kulan isugu yimaadaan oo ay dhameystiraan heshiis siyaasadeed oo ku saabsan sidii hore loogu socon laha doorashooyinka qaran, iyadoo la waafajinayo heshiiskii doorashada ee 17ka Sebtembar.

Xoghayaha Guud wuxuu kaloo ku baaqayaa in si buuxda loo ixtiraamo xuquuqda isu imaatinka nabadda ah iyo xorriyadda hadalka.

Wuxuu mar kale ku celinayaa taageerada buuxda ee Qaramada Midoobay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hannaanka nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada.