BAYAANAADKA SAXAAFADDA
-
04 Feb 2021 - Muqdisho – Saaxiibada Beesha Caalamku* waxay soo dhoweynayaan kulanka dhexmaraya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka oo hadda ka socda magaalada Dhuusomareeb. Waxaa muhiim ah in dhammaan ka qaybgalayaashu ay si wax ku ool ah uga qaybqaataan si loogu heshiiyo hirgelinta hanaanka doorashooyinka qaran heshiiskaasoo dhowraya qaabka doorasho ee heshiiskii 17kii Sebtember.
-
01 Feb 2021 - Muqdisho – Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si adag u cambaareynayaan weerarkii argagixiso ee lagu qaaday Hotel Afrik oo ay dad badani ku dhinteen ama ku dhaawacmeen. “Waan ka naxnay weerarkan foosha xun ee damiil la’aanta ah ee lagu qaaday goob ay si joogto ah u booqdaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan, waxaana u cambaareyneynaa sida ugu adag” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
-
31 Jan 2021 - Muqdisho – Saaxiibada beesha caalamka* waxay soo dhaweynayaan ku-dhawaaqista 30kii Janaayo uu Madaxweynaha Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ku dhawaaqay in uu shir wadatashi ah la yeelan doono madaxda Dowlad Goboleedyada, shirkaas oo lagu qaban doono magaalada Dhusamareeb inta u dhexeysa 1da ilaa 3da Febraayo. Waxaan bogaadinaynaa hogaamintiisa ku aaddan qabashada shirkaan.
-
29 Jan 2021 - Muqdisho – Saaxiibada beesha caalamku* waxay soo dhoweynayaan magacaabidda Guddiyada Heer Dowlad Goboleed ee Hirgelinta Doorashada Jubaland iyo Puntland, ee la soo bandhigay 27ka bisha Janaayo. Inkastoo ay soo daahday, tallaabadan wanaagsan waaxay gacan ka geysan kartaa abuuridda jawi degdeg loogu hirgeliyo hanaanka doorashada ee heshiiskii 17kii Sebtembar si loo wada dhanyahay oo la isku raacsanyahay.
-
12 Jan 2021 - Muqdisho – Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay aad uga walaacsan yihiin is-mari-waaga ka taagan hirgelinta hanaanka doorasho ee 17-kii Sebtember ku heshiiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.
-
18 Dec 2020 - Muqdisho – Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sida ugu adag u cambaareysay weerarkii maanta ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Gaalkacyo, kaas oo sida lasoo wariyay lagu dilay laguna dhaawacay dad badan oo isugu yimid garoonka ka-hor booqashada Ra’iisul Wasaaraha dalka.
-
15 Dec 2020 - Muqdisho – Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee dhowaa la qabtay ayaa u suurtagelisay dhammaan dhinacyada ku lugta lahayd inay si furan isu weydaarsadaan fikradaha ku saabsan arrimaha hadda ka socda dalka iyo in lagu heshiiyo Xayndaabka Isla-xisaabtanka Labada Dhinac ee 2021, kaas oo dejinaya arrimaha waaweyn ee mudnaanta leh ee siyaasadda loo dhan yahay, amniga iyo cadaaladda, iyo arrimaha bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.
-
10 Dec 2020 - Muqdisho – Iyadoo dulucda hal ku dhigga Maalinta Xuquuqul Insaanka sannadkan uu yahay ‘Si Fiican Uga Soo Kabso. U istaag Xuquuqul Insaanka,’ Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed inay si wadajir ah ugu soo biiraan si COVID-19 ka dib loo dhiso Soomaaliya oo u wanaagsan jiilalka hadda jooga iyo kuwa soo socda mustaqbalka.
-
10 Dec 2020 - Muqdisho – Xuska sannadkan ee maalinta xuquuqul insaanka, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya waxa uu ugu baaqayaa Soomaalida in ay u midoobaan meel-marinta mabaadi’da sinnaanta iyo takoor la’aanta ay gundhig u yihiin dhammaan dhinacyada nolosha.
-
09 Dec 2020 - Muqdisho – Iyadoo Soomaaliya gudeheeda lagusoo gabagabeeyay ololaha sanadlaha ah ee 16ka maalmood ee u Hawlgelidda la dagaallanka Xadgudubka ku Salaysan Jinsiga (GBV), ayaa ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka wuxuu muujiyey baahida loo qabo in lasii wado dadaalada lagu ciribtirayo rabshadaha/xadgudubyada noocaas ah iyo in adeegyada ku wajahan GBV ay noqdaan kuwo si fudud ay ku heli karaan haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed.