Maalinta Xuquuqda Aadanaha, QM waxay ay ugu baaqaysaa Soomaalida in ay ku dhaqmaan sinnaan aan takoor la'aan dhammaan qeybaha nolosha

10 Dec 2020

Maalinta Xuquuqda Aadanaha, QM waxay ay ugu baaqaysaa Soomaalida in ay ku dhaqmaan sinnaan aan takoor la'aan dhammaan qeybaha nolosha

Muqdisho – Iyadoo dulucda hal ku dhigga Maalinta Xuquuqul Insaanka sannadkan uu yahay ‘Si Fiican Uga Soo Kabso. U istaag Xuquuqul Insaanka,’ Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed inay si wadajir ah ugu soo biiraan si COVID-19 ka dib loo dhiso Soomaaliya oo u wanaagsan jiilalka hadda jooga iyo kuwa soo socda mustaqbalka.

“Sida bulshooyinka kale ee adduunka dacalladiisa oo dhan, aafada safmarka ahi waxay sidoo kale ku dhacday bulshada Soomaaliyeed waxayna saameyn ku yeelatay dhinacyada caafimaadka, bulshada, siyaasadda iyo dhaqaalaha ee nolosha dadka Soomaalida ah - taasoo ku biiraysa nuglaanta jirta ee halista weyn ku ah in xitaa dad badan laga tago, ugana sii dareysa xaaladda durbaba ba'an ee haysata dadka ugu nugul ee dalka, ka dib saameynta daadadka iyo weerarka ayaxa” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. 

“In si fiican looga soo kabsado saameynta COVID-19 waxay ka dhigan tahay in la xoojiyo ballanqaadkeenna ku aaddan xuquuqda aadanaha iyo in la gaaro ujeeddooyinka lagu dejiyay Yoolalka Horumarka Waara,” ayuu raaciyay. "Kuwaas waxaa ka mid ah wax ka qabashada sinaan la'aanta ka dhex jirta bulshooyinka kala duwan, bixinta nidaamyada caafimaadka iyo ilaalinta bulshada, wax ka qabashada nabaad-guurka deegaanka, xoojinta hay'adaha, iyo wax ka qabashada xadgudubyada xuquuqda aadanaha."
   
Iyadoo la xusayo 10ka bisha Diseembar, Maalinta Xuquuqul Insaanka ayaa loo dabbaaldegaa maalintii uu Golaha Guud ee Qaramada Midoobay meelmariyey Baaqa Caalamiga ee Xuquuqul Insaanka sannadkii 1948. Dulucda xuska sannadkan - ‘Si Fiican Uga Soo Kabso. U istaag XuquuqUl Insaanka’- ujeeddadeedu waa in la xaqiijiyo in xuquuqda aadanuhu ay saldhig u yihiin dadaallada soo kabashada iyo in lala dagaallamo saameynta uu cudurka safmarku ku hayo kooxaha nugul iyo kuwa la haybsooco.

Yoolalka Horumarka Waara waa baaq caalami ah oo lagu baaqay wax qabad si loo joojiyo saboolnimada, loo ilaaliyo meeraha dhulka, lana hagaajiyo nolosha iyo rajada mustaqbalka qof kasta, meel kasta. Yoolalka 17-ka ah waxaa meelmariyay oo isla qaatay dhammaan Dowladaha Xubnaha ka ah QM sannadkii 2015-kii, iyadoo qayb ka ah Ajendaha 2030 ee Hormarka Waara oo dejiyay qorshe 15 sanno ah si loogu gaaro Himilooyinka.
   
Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa weli ka go'an inay taageerto kobcinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha si ay uga faa'iideystaan ​​dadka Soomaaliyeed iyadoo lagu jiro waqtigan adag.