Bayaan Wadajir ah oo ka soo baxay saaxiibada beesha caalamka ee ku saabsan baahida loo qabo wadahadalka ka dhex socda madaxda Soomaaliyeed

15 Dec 2020

Bayaan Wadajir ah oo ka soo baxay saaxiibada beesha caalamka ee ku saabsan baahida loo qabo wadahadalka ka dhex socda madaxda Soomaaliyeed

Muqdisho – Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee dhowaa la qabtay ayaa u suurtagelisay dhammaan dhinacyada ku lugta lahayd inay si furan isu weydaarsadaan fikradaha ku saabsan arrimaha hadda ka socda dalka iyo in lagu heshiiyo Xayndaabka Isla-xisaabtanka Labada Dhinac ee 2021, kaas oo dejinaya arrimaha waaweyn ee mudnaanta leh ee siyaasadda loo dhan yahay, amniga iyo cadaaladda, iyo arrimaha bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.

Hase ahaatee, saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka * waxay weli si qotodheer uga walaacsan yihiin isafgaranwaaga hadda ka taagan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka 2020/21. Waxaa sidoo kale loo baahanyahay wadahadal iyo heshiis dheeri ah sida loo xaqiijin doono qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee guddiyada, ergada dhexdooda, iyo kuraastaba.

Isafgaranwaagaas ayaa u baahan in lagu xalliyo qaab ixtiraamaya heshiiskii siyaasadeed ee 17-kii bishii Sebtembar iyo hab-maamuusyada hirgelinta ee ay wada saxiixdeen madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka (DXF) 1dii bishii Oktoobar. In la billaabo hannaan is barbar socda ama in la isku qasbo guddiyada maareynta doorashada ee lagu muransan yahay ee aan buuxin shuruudihii lagu heshiiyey waxay wiiqeysaa sharcinimada hanaanka doorashada waxayna abuureysaa xasillooni darro.

Sidaa darteed, waxaan mar kale ku celinaynaa baaqii aan u jeedineyno madaxda Dowladda Federaalka iyo DXF inay si deg deg ah dib u kulmaan ayna la xiriiraan saamilleyda kale si loo xalliyo tabashooyinka ku saabsan maareynta geedi socodka doorashooyinka iyadoo lagu xallinayo isafgarad wadar ogol ku dhisan si ay dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda, daah furnaan, oo kalsooni lagu qabo oo oo ay wada aqbalaan dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyayaasha muhiimka. Si taas loo gaaro, waxaan soo dhoweyneynaa ballanqaadka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee ah inuu isugu yeero kulan ay madaxdu isugu yimaadaan magaalada Muqdisho ka dib booqashooyinka uu hadda ku marayo Dowlad-goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka.

Waxaan diyaar u nahay inaan taageero siino guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleedba marka wadahadalka lagu xallinayo khilaafka ka taagan xubnaha ay ka kooban yihiin si guul leh lagu soo gabagabeeyo. Daahfurnaan iyo niyad sami oo lagu hirgeliyo geeddi-socodka doorashooyinka sida ku xusan xeerarka lagu heshiiyay ayaa sido kale muhiim noqon doona.

Waxaan sidoo kale carrabka ku adkeyneynaa in kulammada joogtada ah ee madaxda Federaalka iyo kuwa DXF inta lagu gudajiro howlaha doorashada iyo sii wadida dareenka niyad samida ah ee Dhuusomareeb ee isu tanaasulka ah ay gacan ka geysan doonto in howlaha doorashada ay ku sii socdaan wadada saxda ah. In kulamada noocan ah ee madaxda laga dhigo kuwo habaysan waxay gacan ka geysan doontaa ka hortaga dib u soo noqoshada ismariwaaga siyaasadeed ee daba dheeraaday. Si taas loo gaaro waxaan ku boorinaynaa dhinacyada inay xusuustaan ballanqaadyadii lagu sameeyay Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee hoos imanaya Xayndaabka Isla-xisaabtanka Labada Dinac ee 2021 ee lagu ballanqaaday hannaan doorasho oo nabadgelyo ah oo ku saleysan wadahadalka hadda socda, iyo in la dejiyo qaab wadahadal laga yeesho geeddi-socodkan oo kulma ugu yaraan hal mar bil kasta.

Toddobaadyada soo socda, waxaan ku hanweynahay inaan la shaqeyno Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah si loo hormariyo go'aannada kale ee muhiimka ah ee ka soo baxay Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee u baahan dabagal degdeg ah. Kuwaas waxaa ka mid ah ilaalinta guulaha laga gaaray dib-u-eegista Dastuurka doorashada ka hor, wadatashiyo laga yeesho dejinta qorshe hawleedka tubta doorashooyinka 2024/25, saxiixidda hindise sharciyeedka hanti-dhawrka, dhammaystirka Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya, iyo u diyaar-garowga shirweynaha dhisidda ciidamada ee la qorsheeyay in la qabto bisha Janaayo 2021.

Inta lagu gudajiro muddadaas, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan daneeyayaasha inay ka waantoobaan hadal kasta ama fal kasta oo abuuri kara xiisado ama hurinta rabshado.

 

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Sweden, Switzerland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.