Bashiir Cabdulqaadir Maxamed ‘Suleey’: Dhallinyarada oo tiir-dhexaad u ah nabadaynta Gaalkacyo

previous next
21 Jan 2022

Bashiir Cabdulqaadir Maxamed ‘Suleey’: Dhallinyarada oo tiir-dhexaad u ah nabadaynta Gaalkacyo

Gaalkacayo – Ilaa dhowaantan, Gaalkacyo waxay caan ku ahayd colaado iyo barakac. Muddo tobannaan sano ah, magaaladu waxay ahayd mid ku kala qaybsantay colaad muddo dheer socotey oo u dhaxaysay maleeshiyo-beeleedyo ka soo kala jeeda Maamullada deriska ah ee Puntland iyo Galmudug.

Shan sano ka hor, taasi waxay bilowday inay isbedesho.

Odayaasha Dhaqanka, ganacsatada iyo dadka degaanka, Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Maamullada Puntland iyo Galmudug, oo taageero ka helaya Qaramada Midoobay, ayaa waxay isugu tageen sidii xal loogu heli lahaa colaadda ka taagan Magaalada Gaalkacyo. Dedaalkan ayaa ku soo idlaaday heshiis nabadeed oo ay wada gaareen labada maamul ee Puntland iyo Galmudug, waxaana heshiiskaas garwadeen ka ahaa beesha caalamka, sanadkii 2016-kii.

Dedaallada nabadeed waxaa kaalin mug leh ka qaatay dhallinyaradii magaalada oo door aasaasi ah ka qaadatay isbaddalkii Gaalkacyo, guusha iyo soo kabashada, loo maray waddooyin rasmi ah, sida dhismaha guddiga isku dhafka ah ee dhallinyarada Gaalkacyo oo galay wada hadal nabadeed oo ay hormuud ka ahaayeen odayaasha, iyo hindisayaal aan rasmi ahayn sida ololeyaal, mashruucyo iyo goobo nabdoon oo wadahadal iyo kalsooni dhis ah.

Wakiillada dhallinyarada ee isbedelka wadey waxaa ka mid ah halgamaa Bashiir Cabdulqaadir Maxamed, oo sidoo kale loo yaqaanay naaneysta 'Suuleey.'

Isbadalka

Sida ay magaaladu isu beddeshay kaddib heshiiskii nabadeed ee la gaaray 2016-kii, Mudane Maxamed waaya aragnimadii kahor 2016 ayaa isagana u beddelay dhaq-dhaqaaqe.

“Waxaan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo iska hor imaadyadii ugu qaraaraa uguna dhiig badnaa. Waqtigaasi, magaalada waxaa kala qaybinayay 'khadka cagaaran' oo jidgooyo leh kaas oo xannibay dhaqdhaqaaqa magaalada. Waxaan usoo joogey dad badan oo la diley, la dhaawacay ama la barakiciyey,” ayuu yiri 31-jirkani.

"Waxaa jirtay mar ay odayaashu isugu imaan jireen oo ay maanta ku heshiinayeen xabbad-joojin, laakiin waxay ahayd mid jilicsan oo dagaalku wuxuu billaabanayey toddobaad kaddib - xaaladdu sidan ayay ahayd muddo dheer. Way i saamaysay aniga, waxbarashadeyda iyo doorashadayda mihnadeed,” ayuu raaciyay.

Si kasta oo ay nolol-maalmeedku u adkaa, dhibaatooyinkaas ayaa sidoo kale ku dhiirigeliyay Mudane Maxamed in uu isku dayo in uu wax ka beddelo xaaladda Gaalkacyo si dadka deggani ay si xor ah isaga gudbaan magaalada iyada oo aan jidgooyo ay malleeshiyooyinku maamulayn ama xabbaddu aanay khatar gelinayn, iyo si dugsiyadii dib loogu furo carruurta degaanka si ay dib ugu bilaabaan waxbarashadoodii iyo noloshii caadiga ahayd.  

“Khasaaraha ugu badan ee dagaal kasta oo ka dhaca magaalada Gaalkacyo waxaa uu soo gaaraaa dhalinyaradeeda, marka waxaan is waydiiyay maxaa u diidaya dhallinyarada Gaalkacyo, iyada oo aan la eegaynin halka ay degan yihiin iyo qabiilka ay ka soo jeedaan, in ay isku dayaan in ay door wakiilnimo ah ka qaataan nabadda?'" ayuu yiri Mudane Maxamed. "Marka, aniga oo kaashanaya saaxiibbada qaar, waxaan la imid hindise aan ugu ololeynayo nabadda iyo wacyigelinta dhallinyarada si isla iyaga loogu beddelo wakiilladii nabadda."

"Wixii aan arkay oo aan la kulmay intii uu dagaalku socdey ayaa igu beeray riyo dheer oo aan ku aasaasay urur dhallinyaro oo ka caawin kara dhallinyarada Gaalkacyo inay isku yimaadaan oo ay ka hadlaan arrimaha khuseeya," ayuu raaciyay.

Wakiillada Nabadda

Sannadkii 2015-kii, isaga iyo toban saaxiib oo wehliya, Mudane Maxamed waxa uu bilaabay samaynta urur bulsho - Madasha Haldoor - iyada oo diiradda la saarayo sidii dhallinyarada degaanka looga qaybgelin lahaa dedaallada nabadeed ee degaanka. Madasha Haldoor waxay hirgashay 2016-kii.

Ma ahayn hawl fudud

“Waxaan la kulannay caqabado badan. Waxaan xusuustaa sidii la iigaga digay in aan dhanka kale ee magaalada u gudbin; xubnaha qoysku waxay ii sheegayeen in aan geli doono khatar. Mid kale oo ka mid ah caqabadaha jiray ayaa ahaa in la helo meel ay xubnaha ururkeennu si ammaan ah ugu kulmi karaan; waxaa jiray caqabado dhanka gaadiidka ah, sababtoo ah ma jirin wax gaadiid ah oo noo ogolaanaya in aan isaga kala gooshno xaafadaha Gaalkacyo,” ayuu dib u gocday.

Laakiin, isaga iyo asxaabtiisa, dhaqdhaqaaqayasha dhallinyarada ah waxa ka go'nayd in uu ka gudbo caqabadaha uu la kulmay ururka bulshada rayidka ah ee curdinka ah.

“Waxay naga caawisay haddaan nahay dhallinyarada Gaalkacyo, inaan aqoonsanno doorka aan ku leenahay xaqiijinta nabad kuwada noolaanshaha magaalada. Waxaan ku guuleysanay inaan isku keeno dhallinyarada ka soo kala jeedda waqooyiga iyo koonfurta Gaalkacyo,” ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Maxamed. "Waxaanu bilownay shirar, qado iyo casho isugu jirta dhinac walba oo magaalada ah si aan u abuurno kalsooni iyo wada noolaanshaha dhallinyarada Gaalkacyo."

"Gaalkacyo hadda waa nabad," ayuu xusay. “Dadku way wareegayaan, ganacsiguna si caadi ah ayuu u socdaa. Waa magaalo midaysan oo ay dadku hadba meeshii ay doonaan tagaan - tagsigu waxay kaa qaadi karaan koonfur ilaa waqooyi iyo taa lidkeeda, iyada oo aan la laba-labayn. Magaalada waxaa ka jirta xasillooni aan dhowr sano ka hor ka jirin”.

Nabadda Gaalkacyo kaddib, diiradda madasha Haldoor ayaa ballaaranaysey tan iyo 2016-kii.

"Waa madasha firfircoonida bulshada," ayuu xusay, "taas oo hadda diiradda saareysa arrimaha bulshada ee horumarka leh - sida nabadda iyo amniga iyo horumarinta dhaqan-dhaqaalaha - iyada oo loo marayo doodo iyo cilmi-baaris. Hadafkeennu wuxuu ahaa inaan gacan ka gaysanno beddelka fikirka bulshada, shaqadeennu waxay noo suurtagelisey in aan ku guulaysanno is-dhexgalka dhallinyarada Gaalkacyo."

Gurigii uu ku koray

Mudane Maxamed wuxuu ku dhashay Gaalkacyo, halkaasi oo uu ku qaatay sanadihiisii iskuulka asagoo wax barashadiisii dugsiga sare qaatay  intii u dhaxaysay 2008 illaa 2012. Waxbarashadiisa heer jaamacadeed waxa uu u wareegay Boosaaso, halkaas oo uu kaga qalin jebiyay Jaamacadda Muqdisho xarunteeda Boosaaso sanadkii 2016-kii oo uu ka qaatay shahaadada koowaad ee jaamacadda.

Qalin jebintii kaddib waxa uu dib ugu soo laabtay magaalada Gaalkacyo sanadkii 2017-kii, intii uu halkaasi ku sugnaa waxa uu shahaadada Masterka ee maamulka ganacsiga ka qaatay Jaamacada Amity ee dalka Hindiya, isaga oo si buuxda u shaqaynaya, waxaana uu dhamaystay 2020-kii.

Sannadkii 2019-kii waxa uu ku biiray shirkadda Dhulmaal Stone oo ah shirkad dhisme oo wadani ah oo ku takhasustay jarista, dib-u-qaabaynta iyo naqshadaynta dhagxaanta, isaga oo noqday madaxa fulinta.

Wuxuu is dheelli tiraa shaqadiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa, iyadoo baraha bulshadu ay siiyeen gogol faa'iido leh oo lagu gaari karo dhallinyarada Gaalkacyo iyo meelo ka baxsanba isagoo qoraya maqaallo ku saabsan xoojinta hadafyada heshiiskii nabadeed ee Gaalkacyo iyo dhiirigelinta ruuxda madaniga ah ee dadka halkaa deggan, gaar ahaan dhallinyarada.

"Warbaahinta bulshadu waxay gacan ka gaysan kartaa faafinta nabadda waxayna dhiirigelin kartaa wada hadallada dadka," ayuu yidhi, isagoo raaciyay inuu leeyahay 17,000 taageere boggiisa Twitter-ka. "Waxaan jeclahay in aan wax ka qoro arrimaha bulshada, oo aan ku daabaco maqaallo iyo farriimaha gaagaaban ee internetka iyo baraha bulshada."

Sannadkii 2017-kii, waxa uu bilaabay olole baraha bulshada ah, oo uu ku dhejiyay hashtag-ga Twitter-ka ee #IsbaaraduWaaqalbiga - oo macnaheedu yahay 'Isbaarooyin aan la arki karin' - isaga oo tixraacaya caqabadaha laga yaabo in ay maskaxda ku hayaan dadka kaddib sannado badan oo ay la qabsadeen caqabadaha jireed.

“Waxay ujeedadeedu ahayd in la niyad jebiyo kala soocidda uu sababay ‘khadka cagaaran’ ee Gaalkacyo ka dhex jira,” ayuu yiri Mudane Maxamed, isaga oo tixraacaya khadkii loo adeegsaday kala qaybinta labada maamul ee Puntland iyo Galmudug oo hadda magaalada wada maamula.

"Waxaan dadka ku dhiirrigeliyay inay tagaan meel kasta oo magaalada ah cabsi la'aan. Aniga iyo asxaabteyda waxa aan bilownay in aan dhex mushaaxno magaalada, oo aan maalin walba wax ka soo gadanno gees walba oo magaalada ah. Tani runtii way shaqeysay,” ayuu raaciyay.

Marka laga yimaado Madasha Haldoor, Mudane Maxamed waxa uu abaabulay olole kale oo ay ka faa’iidaysteen magaaladii uu ku dhashay. Sanadkii 2018-kii, waxa uu bilaabay olole guri guri iyo si qadka intarneet-ka ah lacag loogu uruurinayey si lagu caawiyo 400 oo caruur ah oo ku agoontoobay colaadda Gaalkacyo soo martay waayadii danbe.

“Waxaa jiray carruur badan oo waayay dadkii daryeelayey, aabayaashood iyo hooyooyinkood. Waxaan deeq ka soo ururiyay dadka reer Gaalkacyo, kuwaas oo ay ka faa'iidaysteen tobannaan carruur ah oo agoon ah oo aan siiyay cunto iyo dhar," ayuu yiri Mudane Maxamed.

Bandhiga Buugaagta Nabadda Gaalkacyo

Dhaqdhaqaaqa Mudane Maxamed kuma koobna dunida dhijitaalka ah. Waxa uu ka mid ahaa dadkii sida wayn u soo agaasimey bandhiggii ugu horreeyay ee buugaag nabadeed ah ee Gaalkacyo, kaasoo ay isugu yimaadeen bulshada degaanka iyo boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid gobolada dalka Soomaaliya, si ay u muujiyaan faa’iidada nabadda ee bulshada magaalada.

Munaasabadda furitaanka ayaa la qabtay bishii Oktoobar ee sannadkii hore, waxaana lagu wadaa inay dhacdo sannad walba. Waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul-goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubaland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, sidoo kale waxaa ka soo qaybgalay odayaal dhaqameed, culumaa’udiin, khubaro iyo guddiyo ka tirsan nabadeynta, aqoonyahanno, siyaasiyiin, ardaydii qalin jebisay, haween iyo wakiillo dhallinyaro, iyo saraakiil ka socota Qaramada Midoobay.

Munaasabadan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay dhallinyarada Gaalkacyo, Hay’adda Cilmi baarista Puntland iyo Hay’adda Interpeace oo taageero ka helaysa maamulada degmooyinka Gaalkacyo ee Puntland iyo Galmudug, waxaana halku-dheggeedu ahaa ‘Nabad waarta’, waxaana looga hadlayay xoojinta dedaallada nabadeed ee bulshada, kor u qaadista wada shaqaynta labada maamul, xoojinta is-dhexgalka bulshada, horumarinta fursadaha dhaqaale, iyo horumarinta heerka wax-akhris/qoris ee gudaha.

Ujeedka Bandhiga Buugaagta ayaa ahaa sidii loo dhiirigelin lahaa nabadda iyo wada noolaanshaha Gaalkacyo iyo in mar kale la aqoonsado dadkii doorka wanaagsan ka qaatay nabadeynta Gaalkacyo, waxaana ka mid ahaa Maamullada Puntland iyo Galmudug, Guddiyada Nabadda ee isku dhafka ah, Taliyeyaasha Ciidamada Booliska isku dhafka ah, Dhallinyaro iyo dumar.

"Gaalkacyo hadda waa nabad, ujeeddadeenna ugu weyn ee abaabulka munaasabaddu waxay ahayd inaan nabad ku soo dabbaalno nolosha oo aan tusno dadka in taariikhda madaw ee magaalada aan ka fogaanno oo aanay dib ugu noqon waddadii ay hore u qaadeen," ayuu yiri. “Waxay noqotay goob shaqo oo dad badan kulmisa. Kulamo wacyigelin ah ayaa labada dhinac ee magaalada lagu qabtay si loo abuuro jawi walaaltinimo iyo is raynrayn”.

QM iyo dhallinyarada

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ugu da’da yar caalamka, waxaana ku nool in ka badan 4.6 milyan oo qof oo ay da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 35 jir.

Si kastaba ha ahaatee, fursadaha ay dhallinyaradu ku heli karaan waxbarasho iyo shaqo faa'iido leh ayaa xaddidan. Dariiqooyinka lagu gaaro siyaasad, dhaqaale iyo bulsho waxa ay yihiin kuwo daciif ah ama aan jirin, taas oo ay ugu wacan tahay fikradaha khaldan iyo ceebaynta, caadooyinka bulshada iyo dhaqanka iyo hay'adaha oo aan laga qaybgelin.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, horumarinta nolosha dhallinyarada iyo u suurtagelinta doorkooda firfircoon ee bulshada ayaa muhiim u ah xaqiijinta nabad waarta ee Soomaaliya iyo hirgelinta Yoolalka Horumarka Waara (SDGs). Hadafyadani waa baaq caalami ah oo ku wajahan joojinta faqriga, ilaalinta dunida iyo hagaajinta nolosha iyo rajada qof kasta iyo meel kasta, waxaana ansixiyay dhammaan wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay 2015-kii, taas oo qayb ka ah Ajendaha 2030-ka, kaas oo dejinaya qorshe 15 sano ah si loo gaaro SDGs.

"Dhallinyarada Gaalkacyo waxay si cajiib ah u muujinayaan sida hoggaanka isbeddelka leh ee dhallinyaradu uu u gogol xaarayo nabad waarta iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya - haddii iyo marka si macno leh looga qaybgeliyo, oo ay taageeraan oo ay ilaaliyaan mas'uuliyadda saaran, odayaasha iyo hawl-wadeennada caalamiga ah," ayuu yiri La taliyaha Qaramada Midoobay ee  dhanka Dhallinyarada, Nabadda iyo amniga ee Soomaaliya, Julius Kramer.

Iyada oo sidoo kale la meel-mariyey sanadkii 2015-kii, ayuu ajandaha Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga u dabaaldegay sanadguuradii lixaad ee ka soo wareegtey bishii Diseembar ee sanadkii tegey. Waxaa lagu dhisay Qaraarka Golaha Ammaanka ee uu tirsigiisu yahay 2250, ajendaha ujeedadiisu waa in lagu taageero hoggaanka isbeddelka ee dhallinyarada iyo ka qaybgal macno leh oo siyaasadda iyo nabad-dhisidda ah, iyo ilaalinta da'yarta nabad-dhisayaasha iyo u dhaqdhaqaaqayaasha nabadda xilliyada colaadaha.

Laga soo bilaabo 2015-kii, laba qaraar oo dheeraad ah ayaa lagu ansixiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay - qaraarada 2419 iyo 2535 - oo faraya QM iyo dawladaha si loo hubiyo ka qaybgalka dhallinyarada ee hababka nabadda, ilaalinta goobaha dhallinyarada, iyo in la dhiso iskaashi lala yeesho dhallinyarada iyo nabadda iyo amniga. Iyadoo la raacayo go'aamadan, QM ee Soomaaliya waxay ku dadaalaysaa horumarinta xuquuqda iyo wakaaladda dhallinyarada iyada oo loo marayo dedaal kasta oo loogu talagalay nabadda iyo amniga, iyada oo lala kaashanayo ragga iyo haweenka Soomaaliyeed.

Toddobaadkan, hoggaamiyeyaasha dunidu waxay ku heshiiyeen Shirwayne heer caalami ah oo ku saabsan geeddi-socodyada nabadda loo wada dhan yahay ee dhallinyarada si looga wada hadlo sidii dhammaan hababka nabadda loo qaabayn lahaa loona taageeri lahaa dhallinyarada. Waxaa si wadajir ah u martigeliyay Qadar, Finland iyo Colombia, waxaana si wadajir ah u soo qabanqaabiyay bulshada rayidka ah iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, iyadoo ay ku jiraan dhallinyaro Soomaaliyeed oo nabad-abuureyaal ah oo isugu jira khudbado jeediyeyaal iyo kaqeybgalayaalba.