Bayaan uu soo saaray afhayeenka xoghayaha guud oo ku saabsan Soomaaliya

12 Jan 2024

Bayaan uu soo saaray afhayeenka xoghayaha guud oo ku saabsan Soomaaliya

New York – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii shalay ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay dhimashada xubin ka tirsan ciidamada Yugaandha, ee ilaaliya xarunta Qaramada Midoobay. 

Wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday dhibanaha iyo Dowladda iyo shacabka Yugaandha.

Xoghayaha Guud waxa uu xasuusinayaa in weerarrada ka dhanka ah shaqaalaha iyo xarumaha Qaramada Midoobay uu mamnuucayo sharciga caalamiga ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxa uu si buuxda u muujinayaa garab istaagga iyo taageerada buuxda ee ay Qaramada Midoobay u hayso dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, waxana uu xaqiijinayaa in ay ka go’an tahay Qaramada Midoobay in ay ku taageerto socdaalkooda ku aaddan waddan xasilloon, oo ah ammaan iyo barwaaqo.

Stéphane Dujarric, Spokesman for the Secretary-General