Bayaan uu soo saaray Isuduwaha Hawlaha Bani'aadanimada Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo nu aaddan Maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada

12 Aug 2014

Bayaan uu soo saaray Isuduwaha Hawlaha Bani'aadanimada Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo nu aaddan Maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada

 

Muqdisho - Halkudhiga sanadkan "Maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada" waa "Caafimaad dhalinyaranimo iyo mid maskaxeed". Waxaa jira dalal kooban oo caafimaadka maskaxeed uu ka yahay arrrin ahmiyad leh sida Soomaaliya uu uga yahay. Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed waxay ku koreen dal ay si joogto ah uga dhacaan xadgudubka iyo fal-dembiyeedka. Qaar badan oo kamid ah waxaa lagu khasbay in ay ku biiraan kooxaha hubeysan ama si iskood ah ayey (dhalinyaradu) ugu biireen kooxahaas maadama aanay helin wado kale oo ay kasab/lacag ku helaan. Qaar kale waxay ku koreen jidadka amaba waxay waalidkood ku waayeen colaada.

Waayo-aragnimada noocaan oo kale ah ma ahan mid uu xamili karo deegaan kasto, laakiin waxayba kasii adagtahay in (arrimahaasi ka dhacaan) wadan aan aarinta adeega caafimaadka maskada lagu siinin mudnaan amaba ay hooseeyso (heerka mudnaanta). Inta badan, shakhsiyaadka maskaxiyan ay wax u dhimanyihiin ayaa laga faquuqaa qaabaynta iyo hirgelinta siyaasada ay ku dheehantahay horumarka iyo qorshooyinka kae. Dadkaani xataa waxaa loo diidaa xanaanaynta asaasiga ah waxayna ku dambeeyaan in ay noqdaan dadka ugu faqrisan ama dagaalka galo, bulshadane laga takooro, oo ay cadow u noqdaan umadda si guud.

In kasta oo ay jiraan dhamaan caqabadaha aan soo sheegnay, dhalinta Soomaaliyeed waxay weli muujinayaan in ay leeyihiin rajo aad u weyn ee la xiriirito aayaha ama mustaqbalka wadankooda. Waxay doonayaan in ay helaan fursado ay ku aadaan iskuulka kuna biiraan cududa shaqeysa. Waxay doonayaan in la dhageysto kana qeyb galaan siyaasada iyo dib udhiska qarankooda. Waxay doonayaan in ay ka qeyb qaataan qaabeynta mustaqbalkooda hadii la siiyo fursad, dhalintu waxay leeyihiin awoodi ay garwadeen uga noqon lahaayeen arrimaha nabadda iyo xasiloonida.

Maanta oo aan u dabaal degeeyno Maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada 2014, waa in ay noo cadaataa in aan u baahannahay in isbedel muuqdo laga sameeyo dhinaca siyaasadda iyo dareen la xiriiro dowrka dhalinyarada si loo awood-siiyo ayna fursad ugu helaan in ay noqdaan halbowlaha qorshe howleedka horumarinta. Calaamadihi u horreeyay ee horumarka leh loona qaaday jihada aan soo sheegnay ayaaba la arki karaa: Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa waqtigan ku howlan sidi ay ula imaan lahayd qorshe howleed siyaasadeed oo aad u baaxad weyn oo khuseeyo dhalinyarada, sidoo kalane, Somaliland iyo Puntland ayaa ansixiyay 2011 qorshe siyaasadeed oo khuseeyo dhalinyarada. Booqashadii uu dhowaan ku tegay dalka Mareykanya ayuu, Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay tallaabooyin cusub oo khuseeyo dhalinyarada kuna aadan, awood-siintooda, wax barashadooda iyo kaqeybgal ay ka qeybgelayaan arrimaha siyaasadda. Qorshihii Hiigsiga Soomaaliyeed ee la ansixiyay bishii September 2013 ayaa ahaa isaguna tallaabo loo qaaday dhinaca hagaagsan kaas oo xambaarsanaa shan ujeedo oo waaweyn oo ku aadanaa nabadeynta iyo xasilinta dakla, si gaar ahne uga hadlaayay dhalinyarada.

Tallaabooyinkaan aan soo sheegnay ayaa noo xaqiijinaya in wixii shaqo ah ee loo baahnaa heer qaran ay diyaar noo yihiin. Qaramada Midoobay waxay taageeri doontaa Dowladda Soomaaliyeed ayada oo u mareeyso laba arrimmood oo muhiim ah oo hadda socdo: istiraatiijiyad baaxad leh oo ku saabsan dhalinyarada iyo qorshe holwleed loo wada dhanyahay oo ku saabsan awood-siinta dhalinyarada.

Waxaa hadda la joogaa waqtihii qorsheyaasha loo bedeli lahaa ficil. Dadka dhalinyarada ah ayaa ah kuwa dhaxlayo Soomaaliya waxayna doonayaan in ay ka qeyb qaataan habkii uu u ekaan lahaa mustaqbalkooda. Waxa ugu yar oo aan u sameyn karno waxay tahay in aan uga banayno miiska kursi.

Damaad.