Bayaanka kulankii Xoghayaha Guud uu la yeesha Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

29 Mar 2015

Bayaanka kulankii Xoghayaha Guud uu la yeesha Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Sharm el-Sheekh – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta la kulmay Madaxwaynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay ka qayb galeen Shirka Dowladaha Jaamacadda Carabta. 

Xoghayaha Guud ayaa madaxweynaha uga tacsiyeeyay dadkii ku waxyeeloobay weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Moqdisho.

Xoghayaha guud ayaa soo dhoweeyay hogaanka madaxwaynaha ee ku aadan geedi socodka dhismaha maamulada oo ay ka mid yihiin dhismaha madasha hogaanka Qaranka. Waxaa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in haweenka, dhalinyarada, dadka laga tirada badan yahay iyo bulshooyinka tabarta daran  lagu daro dhismaha dowladnimada.

Waxaa ay ka wada hadleen arinta daneeyaasha Soomalida si loo gaaro hiigsiga 2016-ka si loo dhamaystiro dhismaha geedi socodka Federaalka si dib u eegis loogu sameeyo dastuurka Kumeel gaarka ah.

Xoghayaha Guud iyo Madaxwayne Maxamuud waxaa ay sidoo kale ka wada hadleen xaaladda adag ee bani’aaadanimada iyo welwelka laga qabo xuquuqda aadanaha dalka ayagoo sidoo kale isla soo qaaday hormarinta gobalka.