Booqasho ay Ergeyga Gaarka ah ee QM ku tagtey magaalada Baydhabo ayaa looga wada-hadley Qaran-dhisidda iyo doorashooyinka

2 May 2024

Booqasho ay Ergeyga Gaarka ah ee QM ku tagtey magaalada Baydhabo ayaa looga wada-hadley Qaran-dhisidda iyo doorashooyinka

Baydhabo – Iyadoo sii wadata kulamadeedii ambabixista ee ay la yeelanayso madaxda Soomaaliya, Sarkaalka ugu sarreysa QM ee Soomaaliya ayaa maanta booqasho ku tagtey magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay kula kulantey Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ‘Laftagareen’ si ay ula yeelato munaaqashooyin ballaaran oo ku saabsan arrimo badan oo khuseeya dowlad-goboleedka iyo qaranka.

“Munaaqashadeenna maanta waxaa diiradda lagu saarey laba arrimood oo waaweyn. Tan koowaad waxaa ay la halmaashey geeddi-socodka qaran-dhisidda, arrimaha la halmaala Dastuurka, doorka Golaha Wadatashiga Qaranka iyo doorashooyinka, waxaana uu Madaxweynuhu ii xaqiijiyey in ay ka go’an tahay in la yeesho wada-hadallo loo dhan yahay,” ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing. 

Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale u xaqiijiyay Ms. Laing “hawsha uu qaban doono si uu isugu dayo oo uu Madaxweyne Deni ee Puntland ugu dhiirrigelinayo in uu dib ugu soo noqdo Golaha Wadatashiga Qaranka si uu u hubiyo in uu ra’yigiisa uu halkaa ka sheego marka ay ka doodayaan oo ay dib u milicsanayaan heshiiska la xiriira afarta cutub ee ugu horreeya Dastuurka iyo, dabcan, ayna u diyaar-garoobayaan doodda laga yeelan doono cutubyada kale ee dhiman.”

Ergayga Gaarka ee QM ayaa la hadashey saxaafadda iyadoo uu wehliyo Madaxweyne Maxamed ka-dib markii ay kulan ku yeesheen madaxtooyada.

Hadalladeeda, ayay Ms. Laing waxay ku sheegtay in qaybta labaad ee munaaqashadooda ay uga wadahadleen arrimaha doorashooyinka – waxayna Madaxweynaha ku amaantey howsha la qabtey ee lagu dhisay golayaasha degmooyinka ee Dowlad-goboleedka. Waxay gaar ahaan xustay “xaqiiqda ah in tiro wanaagsan oo wakiillo haween ah ay ku jiraan lix ka mid ah golayaashiisa degmooyinka markaa taasi ayaa ah horumar aad u wanaagsan oo ku dayasho mudan.” 

Iyadoo eegaysa hannaanada doorashooyinka mustaqbalka, Ergayga Gaarka ah ee QM waxay sheegtay in ay ka munaaqashoodeen muhiimadda ay leedahay doorasho ‘hal qof, iyo hal cod ah’ oo ka dhacda degmooyinka.

“[Waxaan ogsoonahay] in weli hawl badan ay harsan tahay sida in la diyaariyo shuruucda loo baahan yahay, in la diiwaangeliyo cod-bixiyeyaasha iyo waxyaabo kale – laakiin waxay ila tahay in labadeennaba aan isla oggolaaney in heer degmo ay tahay halka ay dimuqraadiyadda bulsho kasta ay ka hana-qaaddo sidaa daraaddeedna taas ayaa ah arrin muhiim ah mustaqbalka dhow,” ayay tiri Ms. Laing. 

Arrimaha amniga iyo bani'aadamnimada 

Marka la eego arrimaha amniga, dadaallada dowladda ee ka dhanka ah kooxda argagaxisada ee Al-Shabaab ayaa si weyn loogu soo hadalqaadey wadahadalka.

“Waxaan ka wada-hadalney dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo muhiimadda ay leedahay in uu ololahaas sii socdo, laguna sii xijiyo xasilin si loo muujiyo doorka uu qaranku ku leeyahay degaannada laga xoreeyo Al-Shabaab. Intaa ka dibna, arrinta kale waxaa ay iyana la xiriirtaa amniga, waxaan ka hadalney joogitaanka ciidamada ATMIS [Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya]  iyo sida ay muhiim ugu ahaayeen helidda deegaan amni uu ka jiro oo lagu shaqeyn karo,” ayay tiri Ms. Laing. 

“Waxaana, inta aan ku jirno muddada kala-guurka ah ee looga sii gudbayo hawlgalka cusub ee Midowga Afrika, muhiimadda ay leedahay in la helo amni dad ku filan, taas oo ay ka mid tahay iyada oo la adeegsanayo Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya, kuwaas oo door aad muhiim u ah horey uga soo qaatey.” 

Marka la eego xaaladda bani'aadamnimo, caqabadaha ay Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed wajahayso ayaa laga wada-hadlay, iyo sidoo kale dadaallada muddada dheer ee arrimahan wax looga qabanayo.

“Waxaana labadeenaba naga go’an in aan isku dayno in wax-ka-qabashada dhibaatooyinka bani’aadamnimada looga sii gudbo dhisidda adkeysiga iyo horumarinta, taas oo ay ka mid tahay in Baydhabo ay hesho maaliyadda loogu talogaley cimilada ee dhowaan soo gaari doonta Soomaaliya,” ayay tiri Ms. Laing. 

Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed waa mid ka mid ah Dowlad-goboleedyada Soomaaliya ee ay sida aadka ah u saameeyeen meertooyinkan soo noqnoqda ee gilgilaadaha dabiiciga ah ee ay dalka la soo gudboonaadeen. Gilgilaadahan waxay keeneen in barakacayaal tiro badan oo amni raadinaya in ay ku soo barakacaan magaalada Baydhabo iyo qaybaha kale ee dowlad-goboleedka. 

QM iyo bah-wadaagta arrimaha bani'aadamnimada ayaa waxay maamulka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed kala shaqeynayaan wax-ka-qabashada baahiyada degdegga ah ee bani'aadambimada ee kuwa ay dhibaatadu saameysay. Tani waxaa ka mid ah taageeridda dadaallada dowladda ay wax kaga qabanayso fatahaadda ka jira Shabeellaha Hoose, iyadoo la qorsheeyay qiimeynta hay'adaha QM in laga sameeyo degmooyinka Aw-Dheegle, Marka iyo Qoryooley si loo go'aamiyo baaxadda xaaladda bani'aadamnimada iyo waxqabadka loo baahan yahay. Waxaanna ka mid ah in la iska kaashado xakameynta dillaaca cudurrada duumada iyo daacuunka.

Toddobaadkii hore, Ergayga Gaarka ah ee QM waxay booqasho ambabixin ah ugu tagtey madaxda kale ee Dowlad-goboleedyada: ee kala ah Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ee Galmudug iyo Cali Guudlaawe Xuseen ee Hirshabeelle. 

Madaxweyne Qoorqoor, ayaa waxay ka wada-hadleen hannaanka dib-u-eegista dastuurka Soomaaliya iyo dhisidda dhismayaasha QM ee laga dhisayo magaalo-madaxda Dowlad-goboleedka Galmudug, Dhuusamareeb. Waxay sidoo kale ugu hambalyeysay sharciga Dowlad-goboleedka Galmudug ee mamnuucaya dhammaan noocyada jarjaridda saxaaxa dheddiga/gudniinka fircooniga ah. Madaxweyne Cali Guudlaawe, ayaa sidoo kale waxay ka wada-hadleen hannaanka dib-u-eegista dastuurka Soomaaliya, ka-qaybgalka Golaha Wadatashiga Qaranka, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, dadaallada xasillinta iyo hannaanka dib-u-heshiisiinta Hirshabeelle.