Booqashodeedi Soomaaliya, Ku-xigeenka Madaxa Qaramada Midoobay waxay dhiirrigelisay horumarka laga gaaray ka qeybgalka haweenka ee siyaasadda, Iyo doorashooyin si nabadgelyo ah ku dhaca

The UN Deputy Secretary-General Amina Mohammed (foreground right) meets women leaders in Mogadishu, Somalia.

15 Sep 2021

Booqashodeedi Soomaaliya, Ku-xigeenka Madaxa Qaramada Midoobay waxay dhiirrigelisay horumarka laga gaaray ka qeybgalka haweenka ee siyaasadda, Iyo doorashooyin si nabadgelyo ah ku dhaca

Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Amina J. Mohammed, ayaa booqatay Soomaaliya maalintii Axadda, si ay u muujiso sida ay u garabtaagantahay baaqyada haweenka Soomaaliyeed ee la xiriira in ay si siman oo buuxda uga qeybgalaan siyaasadda, iyo taageerada beesha caalamka ee doorashooyin waqtigooda ku dhaca, loo dhanyahay, kuna dhaca si nabadgelyo ah, oo lagu kalsoonaan karo.

Kulamadeedii kala duwanaa ee Muqdisho, waxay si gaar ah u muujisay in doorashooyinka baarlamaaniga ah ee dalka ka socda ay noqon karaan fursad lagu dul dhisi karo horumarka laga sameeyay ka qeybgalka haweenka ee siyaasadda.

Waxay sidoo kale carrabka ku adkeysay in haweenka oo lagu soo daro dhammaan qeybaha waxqabad ee bulshada ayna kaalin ka geysan karto adkeysi ballaaran, nabad iyo xasillooni ka hanaqaadda dalka ku yaalla Geeska Afrika

Miraha nabadda lama guran karo haweenka la’aantood’

Haweeney ayaa codkeeda ka dhiibaneysa doorashooyinkii Puntland ee 2016 (galka), UNDP Soomaaliya

Haatan, Soomaaliya waxay qabaneysaa doorashooyinka Aqalka Sare, waxayna u diyaargaroobeysaa doorashooyinka Aqalka Hoosse, oo loo yaqaano Golaha Shacabka. Qaramada Midoobay iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah ee Soomaaliya waxay si weyn ugu lug lahaayeen taageeridda dadaalada qaran ee lagu horumarinayo doorashooyinka, iyagoo inta badan u muujinayay taageerada ka qeybgal intii hore ka ballaaaran oo haweenka si weyn looga qeybgelinayo saaxadda siyaasadda ee dalka kuna boorinayay hoggaamiyayaasha in ay ilaalliyaan qoondo ugu yaraan 30 boqolkiiba ah.

“Soomaaliya waxay guul ka gaartay doorashooyinkii ugu dambeeyay ee 2016/17 iyadoo boqolkiiba 24 kuraasta baarlamaanka ay haweenku buuxiyeen, waxa aan rajeynayaa in dalku ku dul dhisi doono arrintan iyada oo weliba intaa laga sii ballaarinayo ka qeybgalka haweenka” ayay tiri Marwo Aamino.

“in la xaqiijiyo in la gaaro qoondada 30 boqolkiiba ayaa waxay noqoneysaa tallaabada ugu horeysa oo muhimka ah oo loo qaaday metelaad buuxda iyo bulsho loo wada dhanyahay. Miraha nabadda lama guran karo haweenka la’aantood,”

Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxay Muqdisho kula kulantay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’.iyo sidoo kale Ra’sal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Wada-Tashiga Qaranka, kaasoo ay xubno ka yihiin hoggaamiyayaasha Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka, una xilsaaran inay si guud u hagaan doorashooyinka.
 

“Ra’isal Wasaare Rooble iyo xubnaha kale ee Golaha Wada-Tashiga Qaranka waxa ay muujiyeen hoggaamin weyn iyo ka go’naansho ay ku horumarinayaan ka qeybgalka haweenka ee siyaasadda, taasoo loo marayo tallaabooyin gaar ah oo ay ka mid yihiin dhimista lacagaha musharaxnimada ee labada gole, iyo in la magacaabo Danjireyaasha Niyad Wanaagga, iyo dad horyaal ah oo u ololeeya ka qeybgal intii hore ka weyn,” ayay tiri Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

“Waxaa sidoo kale muhim ah in la isku raaco hannaan gaar ah oo ku saabsan sida saxda ah ee go’aanka ugu yaraan qoondo boqoliiba 30ka ah loogu xaqiijin karo doorashooyinka soo socda,” ayay sii raacisay.

Amni darro iyo xiisado siyaasadeed

Marwo Aamina kulamadii kale ee ay Muqdisho ku yeelatay waxaa ka mid ahaa shir ay la yeelatay odayaasha Soomaaliyeed iyo weliba hoggaamiyayaasha haweenka iyo dad u ololeeya xuquuqda aadanaha oo ka kala socday qeybo kala duwan, oo ay ka mid yihiin guddiyada maamulaya doorashooyinka, danjireyaasha niyad wanaagga, dad horyaal ah iyo hoggaamiyayaasha bulshada rayidka ah. Waxay tibaaxday is-barbartaaggeeda dadaalladooda lagu keenayo ka qeybgal intii hore ka ballaaran oo haweenku ka qeybgalaan xeyndaabka siyaasadeed ee dalka iyo weliba dhaqaalaha,  waxayna xustay walaaca la xiriira xaaladda guud ee haweenka Soomaaliyeed ku suganyihiin, oo ay ku jirto heerka rabshadaha iyo amaan-darida ay haweenka waajahaan iyo weliba sida ay arrintani saameynta ugu leedahay ka qeybgalkooda siyaasadda.

Doorashooyinka iyo xiisadihii siyaasaded ee dhowaanta kacsanaa ayay ka tiri, “Soomaaliya waxay sameysay xawaare la taaban karo la xiriira geeddi-socodka doorashada, waxaana i dhiirrigeliyay in aan ka maqlo dhammaan dadkii aan la kulmay sida ay uga go’antahay in xawaarahani la sii joogteeyo iyo in doorashooyinka muhiimka ah ay hore ugu sii socdaan sidii loo qorsheeyay.  

“Waxaan ku kalsoonahay in hoggaanka Soomaaliya ay qaboojin doonaan xiisad kasta ayna ka fogaan doonaan ficil kasta oo horseedi kara rabshad iyo dib u dhac hor leh oo ku yimaada doorashada ama wiiqi kara kalsoonida lagu qabi karo,” ayay raacisay.

Walaaca laga qabo maqnaanshaha Ikraan Tahliil Faarax

Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya waxay dhowaan walaac ka muujyeen in khilaafka ka dhashay maqnaanshaha Ikraan Tahliil Faarax, oo ahayd sarkaalad Dowladda u shaqeysa, uu abuuray xiisado siyaasadeed oo saameyn ku yeelan kara shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana carqaladeyn kara geeddi-socodka doorashada.

Hadal ay si wadajir ah u soo saareen, ayay ku baaqeen in xiisadda la dejiyo, waxayna xuseen inay sii wadi doonaan inay la shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed si ay ugu booriyaan in xal degdeg ah loo helo khilaafka, taasoo ay ku jirto baaritaan lagu kalsoonaan karo oo lagu sameeyo maqnaanshaha Ikraan Tahliil Faarax iyo dhameystirka geeddi-socodka doorashada iyadoo aanu jirin wax dib u dhac ah.

Mar wax laga weydiiyay kiiska, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxay sheegtay in sarreynta sharciga iyo helitaanka caddaaladda ay muhiim u yihiin ka hortagga rabshadaha waana xuquuqda haweenka oo dhan.

Isha: wararka QM.