Saaxiibada caalamiga ah oo Baydhabo booqday si looga tashado doorashooyinka qaran

previous next
16 Sep 2021

Saaxiibada caalamiga ah oo Baydhabo booqday si looga tashado doorashooyinka qaran

Wefdi ka socdey dalalka saaxiibka la ah Somalia ayaa booqday Dowladda Koonfur Galbeed Somalia si ay ula kulmaan Madaxwaynaha, Maamulka Doorashada iyo Bulshada Rayidka ah si looga arrinsado doorashada soo aaddan ee Golaha Shacbiga, iyagoo xaqiijiyey inay taageerayaan qabashada doorasho leh geeddi socod la isku hallayn karo.

“Wada hadalkeennii aan la yeelannay Madaxwaynaha iyo kooxdiisa waxaannu diiradda ku saarnay sidii loo qaban lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacday KG Somalia. Waxaan ku heshiinney in doorasho noocaa ihi ay asaas adag u tahay sharciyadda dowlad kasta, waxaana ku faraxsan ahay inuu Madaxaynuhu uu taageerayo sidii loo qaban lahaa doorasho leh geeddi socod daah-furan,” ayuu yiri Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, James Swan, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo, caasimadda KG.

“Isku hallaynta doorashada lagu xugmin karo maalinta codaynta oo qura, dabcan. Geeddi socodka keenaya doorashadaas laftiisa ayaa isna muhim ah,” ayuu raaciyey. “Markii taa la eego, waxaa sidoo kale jira heshiis ku salaysan muhiimadda in la hubiyo in masraxa siyaasiga ihi uu cid walba u furan yahay, iyadoo xorriyadda hadalka iyo agaasinka siyaasadeed ay iyaguna muhim yihiin.”

Md. Swan ayaa shirka jaraa’id waxaa kala qayb galay MW KG Somalia, Abdiaziz Hassan Mohamed ‘Laftagareen,’ isagoo ka wakiil ah saaxiibbada caalamiga ah ee Somalia.

Waxaa sidoo kale Md. Swan booqashada ku wehlinayey Ergayga Gaarka ah ee AU, Ambassador Francisco Madeira; Midka Midowga Yurub ee Somalia, Tiina Intelmann; iyo ku simaha Safaaradda Norway, Haakon Svane.

Intii ay halkaa joogeen, marka laga yimaado la talinta Maamulka KG Somalia, waxay wefdigu ay sidoo kale la kulmeen Guddoonka Guddiga Doorashada KG (SEIT), Yussuf Abdulkadir Mohamed, iyo xubnaha kale ee Guddiga Doorashada.

Waxay booqdeen xafiisyada SEIT iyo sidoo kale 3 meelood oo loo diyaariyey inay codayntu ka dhacdo marka loo tartamayo xildhibaannada Aqalka Hoose, iyagoo sidoo kale la kulmay dad metelaya Bulshada Rayidka ah.

Geeddi socodka doorashooyinka

Isagoo ku hadlayey codka saaxiibadda caalamka, Md. Swan ayaa hoosta ka xarriiqay in KG Somalia ay horrumar la amaani karo ka samaysay diyaarinta doorashada, iyagoo ka mid ah labada gobol ee qura ee doorashada Aqalka Sare kusoo afjaray waqtigii iyo jadwalkii la siiyey.

“Tani waa mid aad noo dhiirri gelinaysa, waxaana rajaynaynaa in aannu aragno horumarro noocaasi oo kale ah oo ku qotoma dhanka diyaarinta doorashooyinka Golaha Shacabka,” ayuu yiri Md. Swan.

Dhowaantanba, qaybo ka mid ah Somalia ayaa qabanayey doorashada Aqalka Sare, iyadoo uu dalku sidoo kalena isu diyaarinayo doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka. QM iyo saaxiibbada Somalia ayaa si wayn ugu howllanaa taageerada dedaalladan qaran ee lagu qabanayo doorashada dalka.

“Saaxiibbada caalamiga ah ee Somalia waxaa ka go’an taageerada KG Somalia si ay u qabato doorasho la isku hallayn karo, sidoo kale si loo sii xoojiyo hadafka la wadaago ee dhismaha mustaqbal wanaagsan oo loo sameeyo KG Somalia,” ayuu yiri Ergayga QM.

Amaanka KG Somalia

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM wuxuu tusmeeyey in MW Abdiaziz uu wefdiga xog ka siiyey xaaladda amaan ee Maamulka KG iyo caqabadaha uu wajahayo maamulkiisu. 

“Waxaa nala ogaysiiyey dedaallada ay Al-Shabaab sida joogtada ah ugu go’doominayaan meelo ka tirsan KG si qoto dheer baanna uga walaacsan nahay taas,” ayuu yiri Md. Swan.

Wuxuu sheegay in wefdigu uu soo hadal qaaday dedaallada ciidamada amaanka KG Somalia, Xoogga Dalka Somalia iyo AMISOM ay kaga hor tegayaan halista xag-jirka, isagoo ku daray in naf-huraalka ay ciidamadani sameeynayaan aan abid la illaawin.”

Xiisad qaran

Marka ay timaado xiisadaha saamaynaya hoggaanka qaran, Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM wuxuu hoggaamiyaha KG ku amaanay dedaalka uu ku dhexdhexaadinayo MW Mohamed Abdullahi Mohamed ‘Farmajo’ iyo RW Mohamed Hussein Roble.

“Waxaannu si daacadnimo leh u rajaynaynaa in dedaalladiisa, iyo kuwa hoggaamiyeyaasha kale ee maamullada iwm, ay gacan ka gaysan doonaan xallinta faraqyada weli harsan,” ayuu yiri Md. Swan. “Baahida loo qabo wada hadal, samadoonnimo iyo hormarinta baahida Soomaalida oo idil ayaa hadda si gaar ah muhim ugu ah Somalia si loosii ambaqaado kusii socodka jidka xasilloonida iyo isbeddelka.”

Qaar badan oo ka mid ah saaxiibbada caalamiga ah ee Somalia ayaa soo wada saaray war saxaafadeed horraantii bishan kaasoo madaxda Soomaalida ku boorrinayey inay dejiyaan xiisadda isla markaana ay wada shaqeeyaan si loo hirgeliyo heshiiskii 27-kii Maajo ee qabashada doorashada.

 Qoondada dumarka ee 30 boqolkiiba

Arrinta ku saabsan hubinta in ugu yaraan ay dumarku qoondo dhan 30% ku yeeshaan baarlamanka ayaa sidoo kale la iftiimiyey. 

Md. Swan ayaa xusay sida Xigeenka Xoghayaha Guud ee QM, Amina J. Mohammed, ay dhowaantan Somalia usoo booqatay si arrintan loo adkeeyo iyo sida MW Abdiaziz uu kulanka ugala qayb qaatay markii moowduucan laga hadlayey.

Wuxuu mar kale ka dhawaajiyey hadalkii Xigeenka Xoghayaha Guud ee ahaa in qabashada doorashada baarlamanku ay tahay fursad lagu sii dhiso horumarkii la sameeyey iyo in ay dumarku ka qayb galaan howlaha bulshada dhamaan inay gacan ka gaysanayso adkaysiga, nabadda iyo xasilloonida dalkan dhaca Geeska Afrika.

“Arrintan ka qaybgalka haweenku waa mid muhim u ah Somalia – doorashada oo qura se ma aha, balse nuxurka guud ee ah in tillaabo muhim ah loo qaado dhanka ka metelaad buuxda ee bulsho loo dhawan yahay,” ayuu yiri Md. Swan.

Booqashada maanta ayaa daba socota wadatashiyo horraantii toddobaadkan ka dhacay Muqdisho oo dhex maray Madaxweyne Axmed Cabdi Kariye ‘Qoorqoor’ ee Galmudug iyo saaxiibbada caalamiga ah.

Ergeyga Gaarka ah ee QM ayaa sheegay in saaxiibada caalamiga ah ay filayaan in wadatashiyo dheeraad ah ay la yeeshaan madaxda Maamul-goboleedyada kale ee xubnaha ka ah DF Somalia toddobaadyada soo socda booqashadan kaddib.