Bulshada Caalamka oo ugu hambalyaysay Baarlamaanka Galmudug Doorashooyinka

5 Jul 2015

Bulshada Caalamka oo ugu hambalyaysay Baarlamaanka Galmudug Doorashooyinka

Muqdishu - Qaramada Midoobay, Urur-goboleedka (IGAD), Ururka Midowga Yurub,(EU) iyo Ergada Ururka Midowga Afrika ee joogta Soomaaliya (AMISOM), Iyo Dowladda Maraykanka ayaa soo wada dhoweeyay sida guusha leh ee maanta loogu soo gebagebeeyay doorashooyinka Maamulka Ku-meelgaarka loogu samaynayay Galmudug, (Bulshada caalamka) waxaa kale ee ay hambalyo udireen Madaxwaynaha Cusub ee la doortaty, Mr. Cabdikarim Xuseen Guuleed iyo Madaxwayne Ku-xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi.

“Waxaan u hambalyeynaynaa Musharixiintii guulaysatay, (sidoo kale) waxaanu boogaadinaynaa sida hufan/ama wanaagsan ee Guddiga Doorashada Baarlamaanka u agaasimay doorashooyinka, gaar ahaan sida cad ee tooska ah ee ay habka doorashooyinka ooga soo baahiyeen Qalabka war-baahinta sida, TVG iyo Raadiyayaasha.

Waxaan ku guubaabinaynaa Madaxwayne Guleed iyo Madaxwayne Kuxigeenka Cabdi in ay soo magacaabaan maamul-loowada dhanyahay oo ay kawada muuqdaan dadka (ku nool) Gobalada Dhexe, waana in ay xaqiijiyaan sidii haweenka ooga helilahaayeen maamulka wakiilo kufilan.

Waxaan garwaaqsannahay doorka ay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ka qadatay (geedi socodka), waxaana oogu hambalyeynaynaa sida muuqatay ee ay ooga shaqaysay ka mira dhalinta geedi socodka. Waxaa kale ee aan boogaadinaynaa Musharixiintii ka qayb-gashay doorashada, ogolaatayna natiijada ka soobaxday.

Waxaa si dhakhso leh loogu baahanyahay in wax laga qabto arrimaha muhiimka leh ee ka dhashay geedi sodocka, waana in si gaar ah wadahadal loo furaa si wax looga qabto dhibaatada iyo sheegashada dhinacyada la doonayo in ay ku soo biiraan geedi socoddka. Waxaan ku guubaaninaynay in uu Maamulka Cusub noqdo mid loo wada dhanyahay, aadna u soo dhoweeyo dib-uheshiisiinta, si niyad wanaag ku dheehantahayna wadahadal u la furo dhamaan dhinacyada ay arrintu khusayso. (Sidoo kale), waxaan waydiisanaynaa dhamaan dhinacyada ay arrintu khusayso in ay si waxtarleh/ ama wax dhisid- leh ula howlgalaan Maamulka Cusub, xaliyaana khilaafaad Jira.

Waxaan oogu baaqaynaa Maaamyulka Galmudug iyo Dowladda Federaalkuba in ay wada hadal lafuraan Buntland si loo xaliyo khilaafaadka ku saabsan xuduudaha, anaga oo ogsoon in Arrimaha la xiriira Sharciga ee ka dhashay Dhismaha Maamul-goboleedyada marka ugu dambaysa la xalindoono ayada oo la adeegsanayo Guddiga Xuduudaha iyo Arrimaha Federaalka, (sidoo kalena) la iswaafajindoona Dastuuradda Jira.

Waxaan oogu baaqaynaa Dowlada Federaalka iyo Buntland in ay xurmeeyaan Heshiisyadii ay ku wada xasiixdeen Garoowe iyo Muqdisho kuna saabsanaa xuduudada. Sidookale, waxaan hoosta ka xariiqaynaa in maamul kasta ee soo socda, uu wax u dhimin Maamulda jira.

Waxaan diyaar u nayay in aan wax dhexdhexaadino, kun taageerno dhamaan dhinacyada dadaalka ay wadaan si ay u xaliyaan khilaafaadka.”

DHAMAAD