Caasho Cabdulle Siyaad - Sare u Qaadidda Kaalinta Haweenka Soomaaliyeed

19 Oct 2016

Caasho Cabdulle Siyaad - Sare u Qaadidda Kaalinta Haweenka Soomaaliyeed

Caasha Cabdulle Siyaad waxaa u banaanaa in ay ku sii noolaato waddanka ay joogtay ee Canada halkaas oo ay ku haysatay nolol raaxo badan. Caasha waxaa ay ahayd macallin sharciyeysan oo xaafadaha wax ka barto. Hasa yeeshe, noloshaasi iyo shaqadaasi ma ahayn mid ay ku qanacsan tahay. Waxaa ay ku hammineysay in ay la midowdo qoyskeeda oo ku nool Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, sanadkii 2014, waxaa ay isaga tagtay shaqadii ay ka haysay Ontario oo ay mushaar fiican ka qaadaneysay, waxaa ayna ku soo laabatay Soomaaliya si ay u oofiso ballantii ay la gashay hooyadeed oo waayeel ah ee ku nool Buulo Burte ee koonfurta dhexe ee gobolka Hiiraan.

“Waxaa aan hooyaday ka ballan qaaday in aan guri u dhiso oo aan dib ugu soo laabto waddanka si aan ugu wada noolaanno gurigaasi.”

Dagaalka sokeeye ee Soomaaliya oo muddada dheer socday saameyn gaar ayuu ku yeeshay Caasho. Waxaa billowgii dagaalkaasi sokeeye ee 1991-kii qarxay lagu dilay sayigeeda ee Cusman Jeyte.

Caasho iyo qoyskeeda waxaa ay horaan ku noolaayeen magaaladda Jidda ee dalka Sacuudiga halkaas oo uu sayigeeda, Cusmaan, ku lahaa ganacsi ah iibinta cagaha baabuurta iyo qalabka baabuurta. Kaddibna waxaa ay go’aansadeen in ay ku soo laabtaan Soomaaliya kaddib markii ay Caasho shaqo cusub ka heshay Hay’adda Mareykanka ee Horumarinta Caalamiga (USAID).

Xilliga uu dagaalka qarxay, Caasho waxaa ay joogtay dalka Talyaniga. Sayigeeda waxaa uu kula taliyey in aysan ku soo laabanin dalka maadaama xaaladda ay sii xumaaneysay. Tani waxaa ay ahayd ismaqalkooda ugu dambeeyay.

Maadaama dagaalka uu sii xoogeysanaayey, Cusmaan waxaa uu go’aansaday in asaga iyo qoyskiisa dalka ka qaxaan. Balse, maalinta uu ku waday in uu dalka baxo, waxaa la joojiyay dhammaan duulimaadyadii Soomaaliya. Siyaasiyiinta dalka ka wada qaxaayey ayaa buuxiyay dhammaan kuraasta ka banaana diyaaraddii ugu dambeysay ee Soomaaliya ka duulaysey. Cusmaan iyo qoyskiisa halkaas ayay ku xayirmeen.

Hase ahaatee, Cusmaan ma uu rajo beelin. Waxaa uu go’aansaday in uu dalka cagahiisa uga baxo. Asaga iyo qoyskiisa waxaa ay illaa iyo 30km u lugeeyeen Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose, halkaas oo ay magan-gelyo ka heleen qaraabadiisa. Kaddib asaga oo suuqa adeeg cunno u doontay, ayaa waxaa toogtay askar suuqa bililiqo ka wadday.

 “Sayigeyga waxaa la dilay bisha Janaayo ee 1991, balse dhimashadiisa waxaa aan ogaaday muddo seddax bilood kaddib waayo ma jirin wax isgaarsiin ah,” ayay tiri Caasho.

Waxaa ay ku qaadatay muddo seddax sanno in ay la midowdo carruurteeda, muddo yar kaddibna waxaa ay u wareegtay Canada si ay halkaas kula noolaato walaalaheeda.

Markii ay ahayd 2014, Caasho waxaa ay ku laabatay Soomaaliya, waxaana ay Wasaarradda Waxbarashada ee Federaalka ka noqotay La Taliyaha dhanka Farsamada,waana shaqo oo ay aad ugu qanacsaneyd. Laakiin waxaa ay goor dambe ogaatay in dhaqanka iyo caadada ay ka reebeysay haweenka in ay gaaraan himiladooda.

Waxaa ay tiri, “Kaliya dhowr haween ayaa hoggaanka meel ka gaaray, halka intooda badan ay ka ganacsadaan qudaarta ama ay ka shaqeeyaan beeraha.”

Maadaama ay ahayd qof aaminsan in ragga iyo dumarka ay u siman yihiin fursadaha, waxaa murugo ku dhaliyay in gabdho badan ay helin waxbarasho. Gabdhaha nasiibka u yeeshay in la geeyo dugsiyada, waxaa aad u yaraa tirada kuwa dugsiyada heer ka gaara. “Haddii carruurta dugsiyada la geynin, waxaa ay ugu dambeyntii qabtaan shaqooyinka ay hooyooyinkooda sameeyaan, taas oo ah in ay waddooyinka shaah ku iibiyaan. Arrintani waa in wax laga beddelo,” ayay tiri Caasho.

Waxaa ay aaminsan tahay in kaalinta haweenka ay ka ciyaari karaan dib u dhiska qaranka ay ku xiran tahay waxbarashadooda. Fikirkani waxaa ay ku saleysaneysaa in haddii waxbarashada gabdhaha mudnaanta la siiyo ay yaraan doonto saboolnimada ka jirto Soomaaliya ee saameysay kumanaan qoys.

Markii ay ka shaqeyneysay Wasaaradda Waxbarashada ee dowladda Federaalka, Caasho waxaa ay ku dadaaleysay in ay sare u qaaddo dowrka haweenka gaar ahaan dhanka go’aan qaadashada.

Caasho oo la kaashanayso haween kale ayaa bisha Juun 2014-kii waxaa ay aasaaseen Ururka Hoggaanka Haweenka Soomaaliyeed (SWLI). Markii ay ka joogsatay shaqadeedi Wasaaradda, waxaa ay SWLI ka noqotay xubin buuxda oo si lacag la’aan ah u shaqeyso, waxaana ka go’neyd in ay isbeddel sameyso.

Ugu dambeyntii 2015 waxaa ay la wareegtay mas’uuliyadda isuduwidda howlaha SWLI ee guud ahaan dalka.    

Maanta, waxaa ay tahay Isuduwaha Sare ee Ururka, waxaa ayna kala shaqaysa haweenka Soomaaliyeed guud ahaan dalka iyo hay'adaha caalamiga ah si loo taageero kaalinta haweenka dhanka siyaasadda iyo howlaha kale.

Sanadka 2015 Caasha iyo dumarka kale ee u ololeeya haweenka, waxaa ay ka qeyb qaateen geeddi-socodka wadatashiga ee hordhaca ee lagu gogol-xaarayey dowrka haweenka ee hannaanka dooraashooyinka 2016. Waxaa ay haatani si firfircoon ugu ololeysaa hirgelinta qoondada haweenka ee 30% ee kuraasta aqalka hoose iyo aqalka sare ee baarlamanka federaalka sida ay isla meel-dhigeen Madasha Hoggaanka Qaranka.         

Marka laga soo tago kaalinta ay ka ciyaarto ururrada haweenka, waxaa ay sidoo kale talo bixin dhanka hoggaaminta siisa ardayda jaamacadaha. Sidoo kale Caasho waxaa ay ku lug leedahay barnaamijyo la xiriira u ololeynta dhallinyarada iyo arrimahooda, si ay u dhisto kalsoonidooda ayna ku ballaariso aqoontooda la xiriirta adduunka.

Waxaa ay ogtahay in ka qaybgalka haweenka arrimaha siyaasadda ay ahayn arrin sahlan laakin ay tahay arrin u baahan halgan joogta ah oo ugu dambeyntii guul laga gaari doono. Waxaa ay bulshada ugu baaqaysa in ay aqoonsato qiimaha iyo dowrka haweenka ay ka ciyaari karaan dib u dhiska waddanka Soomaaliya.

Howlgalka Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa loo igmaday in uu taageero Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS) si horumariyo awood-siinta haweenka.

Howlgalka waxaa uu in muddo ah uu dardar galinaayay wada hadallada u dhaxeeya ururrada rayidka ee haweenka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si loo taageero ka qayb ahaanshaha haweenka Soomaaliyeed ee arrimaha siyaasadda, haddii ay ahaan lahayd mid deegaan, gobol iyo tan qarankaba.