Cabdinaasir Nuur, oo u ol’oleeya xuquuqda aadanaha: Difaacidda dadka taagta daran

19 Jun 2018

Cabdinaasir Nuur, oo u ol’oleeya xuquuqda aadanaha: Difaacidda dadka taagta daran

Noloshii uu carruurnimadiisii ku soo maray ayaa ku dhalisay Cabdinaasir Nuur dareen xoog leh oo ah in uu difaaco xuquuqda aadanaha.

Markii uu arday ahaa, Cabdinaasir ayaa waxaa uu wax ka baranayey dugsi u dhow xerada dadka barakacayaasha ah ee ku taallo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. In badan ayuu booqan jiray xerada, waxaana dareen ku abuuray dhibaatooyinka ay la darsayeen dadka ugu nugul.

“Waan la socday waxa ka dhacayay agagaarkeyga, waxaana indhahayga saaray xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ee ka jiray xerada. Waxaan jecleystay in aan difaaco xuquuqda dadka taagta daran,” ayuu xusay Cabdinaasir.

Wiilkan 32 jirka ah, waxaa uu haatan u shaqeeya Ururka Ilaalinta Soomaalida iyo Horumarinta (OSPAD) oo ah urur aan dowli ahayn oo u ol’oleeyo xuquuqda haweenka iyo carruurta. Cabdinaasir oo ah qof diinta si weyn ugu xiran ayaa waxaa uu rumeysan yahay in ficilkiisa uu ugu dambeyn ajar ka kasban doono Allaah.

“Waligay waxaan hiigsanayay in aan noqdo qof difaaco xuquuqda aadanaha, in aan u hadlo dadka la dulmiyay, waayo waxaan jeclahay in aan dadka caawiyo,” ayuu yiri.

Hay’adda OSPAD marka uu joogo, Cabdinaasir waxaa uu si dhow ula shaqeeya dhibbanayaasha xad-gudubka galmada, kuwaas oo si degan hooy ku-meelgaar ah ama xerooyinka barakacayaasha. Sida caadiga ahba, Cabdinaasir waxaa uu maalintiisa ku bixiyaa haweenka iyo gabdhaha, asaga oo ka caawiya in ay helaan adeegyada iyo taageerrada ay u baahan yihiin sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Urur ahaan, ma haysanno qaar ka mid ah adeegyada ay u baahan yihiin dhibbnayaasha, sida sheybaar lagu sameeyo baaritaanno. Waxaan kiisaska noocaasi ah u dirnaan goobaha kale sida Isbitaalka Madiina,” ayuu ku faahfaahiyay Cabdinaasir.

Shaqadiisa waxaa ay u dirtaa Muqdisho oo dhan iyo meelaha ka baxsan, iyo sidoo kale gobollada Shabeellaha Hoose iyo Galgaduud.

“Waxaan tababar ka bixinnaa gudaha iyo dibadda xerooyinka barakacayaasha si aan haweenka uga caawinno in ay iska ilaaliyaan xad-gudubka galmada,” ayuu yiri Cabdinaasir, asaga oo intaasi raaciyay in fal-dembiyeedkan uu halis ku yahay nabad ku noolaanshaha bulsho kasto.

OSPAD waxaa ay sidoo kale adeegyada ambalaaska degdegga ah iyo taageerrada la talin  u fidisaa dhibbanayaasha xad-gudubka galmada, iyaga oo la kaashanaya hay’adaha dowladda iyo hay’adaha kale ee aan dowliga ahayn.

Cabdinaasir ayaa xusay in mid ka mid ah taageerrada ugu muhiimsan ay tahay Ceebla Crisis Line, oo fidiya rug la talin ah isla markana maamula lambar xaaladda degdegga ah ee loogu talagalay dhibbnayaasha kufsiga.

“Qaar ka mid ah dhibbanayaasha ayaa waxaa nala soo gaarsiiya kaddib markii ay wacaan 5555 si ay caawimaad u helaan,” ayuu yiri Cabdinaasir. “Celcelis ahaan, muddo bil gudaheed waxaa na soo gaaraa shan kiis iyada oo loo marayo lambarka xaaladaha degdegga ah.”

Wax-qabadyada kale ee OSPAD waxaa ka mid ah in ay ka hirgeliyeen Baraawe iyo Marka oo ku yaal gobolka Shabeellaha Hoose hooy ammaan ah, halkaas oo ay magangelyo ka doontaa dhibbanayaasha kufsiga ka hor inta aan dib loogu celin bulshada.

“Dadka kufsiga loo geystay waxaa qalqal ku abuuraa xaaladda ay soo mareen. In kastoo intooda badan ay garanayaan dadkii dhibka u geystay, haddana waxaa ay ka baqayaan in ay ka hadlaan ama ay farta ku fiiqaan. Si aan u siinno hooy ammaan u ah inta ay ka soo kabsanayaan shoogga ay la kulmeen, waxaan siinnaa hooy iyo cunno bilaash ah ilaa muddo ugu badnaan seddax bilood,” ayuu yiri Cabdinaasir.

Cabdinaasir ayaa sheegay in dhibbanayaasha kufsiga ay u baahan yihiin caddaalad si la mid ah sida ay u baahan yihiin taageero, waxaana uu sheegay in uu aad uga xun yahay ciqaab la’aanta dadka geysta falalka xad-gudubka galmada la xiriira. Waxaa uu soo dhaweynayaa dadaallada la wado oo Soomaaliya looga soo ajfarayo xad-gudubka galmada colaadaha la xiriira, waxaana uu ku dhiirran yahay in uu gacan ka geysto in la sameeyo jawi ammaan ah si ay gabadhiisu haddan toban bilood dhalan ay ku noolaato cabsi la’aan.

“Rajo wanaagsan oo weyn ayaan ka leeyahay. Ka aabe ahaan, waxaan jeclaan lahaa in Soomaaliya ay nabad noqoto si ay gabadheydu ku korto jawi xasilloon,” ayuu yiri.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan qaadday tallaabo wax ku ool ah oo ku wajahan soo afjaridda ciqaab la’aanta dadka geysta falal-dembiyeedka xad-gudubka galmada ayada oo soo saartay Xeerka Xad-gudubka Galmada, kaasi oo ciqaab adag u dejiyay dadka geysta xad-gudubka galmada iyo kuwa gacan ka siiya. Xeerkan oo uu ansixiyay golaha wasiirrada, waxaa uu haatan sugaya in ay ansixiyaan baarlamaanka iyo madaxweynaha dowladda federaalka. Haddii la meelmariyo, xeerkan cusub waxaa uu ka awood sarreynayaa nidaamka caddaaladda ee xeer-dhaqameedka, kaasi oo sanado badan gacan siinayay dadka geysta xad-gudubka galmada, maadaama uu xukun fudud ku fulinayay dad geystay falal-dembiyeed culus sida kufsiga.

Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) waxaa ay taageereysaa dadaallada Dowladda Federaalka ah ee ay ku soo afjarayso xad-gudubka galmada la xiriira colaadaha, isaga oo si dhow ula shaqeeya Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha si loola shaqeeyo bulshada iyo sidoo kale odayaal dhaqameedka iyo culimada si loo yareeyo baahsanaanta fal-dembiyeedkan.