Cabduladir Maxamed Cabdullaahi: “Waxaan ku haminayaa inaan wax ka qabto baahiyaha dadka aragga naafada ka ah aniga oo u maraya waxbarashada”

24 Apr 2022

Cabduladir Maxamed Cabdullaahi: “Waxaan ku haminayaa inaan wax ka qabto baahiyaha dadka aragga naafada ka ah aniga oo u maraya waxbarashada”

Muqdisho - Cabdulqaadir Maxamed Cabdullaahi waxa uu ku dhashay miyiga gobolka Mudug ee Puntland, Soomaaliya, sannadkii 1992-kii, waxa uu ka dhashay qoys xoolo-dhaqato ah.

Waxa uu dhashay isagoo araggiisa caadi yahay.

Waxaa la keenay magaalada Gaalkacyo isagoo shan sano jir ah si uu wax uga barto dugsiyo diini ah iyo mid maadi ah, balse, markii uu fasalka 4aad ka soo baxay dugsi ku yaalla deegaanka sannadkii 2001, noloshiisii ​​way is beddeshay.

"Waxaa dareemey xanuun indhaha ah, waxaana isla markiiba la ii qaaday dhakhtarka indhaha si la daweeyo - dhakhtarku wuxuu igu sameeyay qalliin indhaha ah, laakiin waxaan waayay aragga," ayuu Cabdulqaadir dib u gocday.

Waxbarasho Raadis

Arag la’aanta ayaa Cabdulqaadir ku riday niyad-jab. Wuxuu u maleeyay in uusan sii wadan karin waxbarashadiisa, maadaama xilligaas Soomaaliya aysan ka jirin nidaam wax lagu baro dadka aragga naafada ka ah.

Sanadihii xigay, Cabdulqaadir wuxuu iskaga aruuray guriga waalidiintiisa 

Intaa kadib, sanadkii 2008, ayey noloshiisa markale isbeddeshey. Wuxuu iska diiwaangeliyey Machadka  Basar ee camoolayaasha dhawaantaas laga furay magaalada Garowe ee maamulka goboleedka ka dhisan waqooyiga bari Soomaaliya ee Puntland. Dugsigan wuxuu bixiyaa waxbarashada aasaasiga ah oo ay dhigayaan macalimiin tayeysan oo ka soo qalin jebiyey dugsiyada kala duwan ee waxbarashada dadka araga la’ iyagoo sidoo kale ku takhasusay  barnaamijyada kale ee loogu talagalay carruurta iyo dadka waaweyn ee araga dhimman.

Sida xusan Sarahiisa Bulsho, barnaamijyad machadka waxaa loogu talagalay in lagu soo celiyo "kalsoonida naftooda ku qabaan iyo in dadka indhoolayaasha ah iyo kuwa aragga naafada ka ah ay qaab cusub oo ka duwan dadka kale u qabtaan hawlo la yaqaan oo ay fahmaan xuquuqda ay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda."

“Farxad ayaan la ilmeeyay, markii aan saddex sano ka dib ku laabtay dugsiga dhexe ee Machadka Basar, anigoo xiran darayska ardayda. Waxay ii ahayd maalin qaas ah, farxaddaydana waxaan la wadaagay asaageyga,” ayuu Cabdulqaadir dib u gocanayaa.

Si kastaba ha ahaatee, markii uu waxbarashadiisa ka bilaabay dugsigii sare ee Cumar Samatar ee magaalada Gaalkacyo sannadkii 2009-kii, Cabdulqaadir ayaa mar kale la kulmay caqabado.

Waxa uu wax la baran jirey arday aan aragga naafo ka ahayn, taasina waxa ay keentay in uu dareemayo in waxbarashadiisu ay dhibaato badan soo food saartay, maadaama aysan jirin goobo lagu caawiyo ardayda aragga naafada ka ah, sida qalabka wax lagu baro dadka aragga naafada ka ah iyo macalimiin loo tababaray hagidda ardayda aragga yar.

“Maadaama aanan waxba arkin marka fasalka la joogo, waxaan ka codsan jiray ardayda ila dhigata inay i caawiyaan oo ay ii qoraan casharrada. Laakiin, nasiib darro, inta ay ii qorayaan inta badan sabuuradda waa la tirtiri jiray, sidaas darteed waxaan ku qasbanahay inaan guryaha u raaco ardeyda asxaabteyda ah si aan usoo qorto casharadii lasoo dhigay," ayuu yiri.

“Dhibaatooyin kale oo badan ayaan la kulmi jirey marka imtixaanada la gaaro. Imtixaan afka ah ayaa leyga qaadi jirey, waqti ku fillanna layma siin jirin si aan jawaab uga fakaro oo aan su’aasha uga jawaabo, iyadoo sidoo kale imtixaanada leyga qaadi jirey xafiisyo inta badan aad iyo aad u buuq badan. Sidoo kale, macalimiinta qaarkood wax su’aalo ah fasalka iguma weydiin jirin maxaa yeeley waxay ii maleyn jireen in aanan casharkaba si fiican u fahmin.”

Si kastaba ha ahaatee, nafsad ahaantiisa wuu dadaaley oo wuxuu awooday inuu ka gudbo caqabadahaas isaga oo garab ka helaya ardayda saaxiibadiis ah - wuxuu dhammeeyey dugsigii sare waxuuna ku baasey natiijooyin aad u fiican. Talaabada xigta waxay ahayd waxbarasho jaamacadeed.

Heebsigiisa tacliin sare ayaa waxay u baqoolisay magaalada Muqdisho.

“Waxaan iska diiwaan geliyey Jaamacadda Somaville ee magaalada Muqdisho sannadkii 2014-kii si aan shahaadada heerka koobaad ee jaamacadda uga qaato oo aan ku takhasusayo xiriirka caalamiga ah. Si kastaba ha ahaatee, intii aan jaamacadda ku jiray waxaan la kulmay caqabado la mid ah tii aan ku soo maray dugsiga sare,” ayuu yiri Cabdulqaadir.

"Dhibka ugu weyn wuxuu ahaa inaan helo macalimiin fahmi kara baahiyahayga gaarka ah, maadaama aan loo tababarin inay ardayda sidayda oo kale wax baraan," ayuu raaciyay. “Laakin, aniga oo kaashanaya qaar ka mid ah asxaabteyda iyo tiknoolajiyada, waan u adkaystay - waxaan taleefanka ku kaydsan jiray codadka macallimiinta iyo casharrada qaab maqal ah, qaar ka mid ah ardayda aan isku fasalka ahayn ayaa iga hubin jirey, iyaga oo is barbardhigaya casharadeyda iyo wixii sabuurada ku qornaa, ka dibna guriga ayaan ku dhegaysan jiray, si aan uga gudbo caqabadaha. Nasiib wanaag, waxaan qalin-jebiyey 2018-kii oo aan ehelkeyga iyo asxaabteyda la dabbaal degay.

Macallinnimadeyda

Waa horeba, waaya-aragnimadii Cabdulqaadir ee markuu arday ahaa ayaa ku qasbtay inuu tallaabo qaado. Isaga oo doonaya in uu caawiyo dadka kale ee ay xaaladdan oo kale haysato, waxa uu waxbarid ka bilaabay Xarunta Naafada ee Gaalkacyo, Puntland, ka hor inta uusan dugsiga sare dhamayn.

“Sannadkii 2010-kii, waxaan ka shaqo bilaabay xarun wax lagu baro dadka baahiyaha gaarka ah qaba, sida kuwa aragga naafada ka ah iyo kuwa dhegaha la’. Waxaa la ii shaqaaleysiiyay in aan noqdo macalin waxbarashada gaarka ah ee afka Soomaaliga iyo xisaabta. Waxaan halkaas ka shaqeeyay muddo sannad ah; waxay ahayd markii iigu horaysay ee aan ku shaqeeyo macalinnimo,” ayuu yiri Cabdulqaadir.

Isagoo waxbarashadiisa ay barbar socota, xirfadda macalinimo ee Cabdulqaadir way sii horumareysay. Sannadkii 2014-kii, markii uu jaamacadda dhiganayay, wuxuu ka shaqo billaabay mid ka mid ah iskuullada dalka ugu caansan ee wax lagu baro dadka aragga la’ – Dugsiga indhoolayaasha Al-Nuur – oo ku yaalla caasimadda dalka ee Muqdisho. 

Markii uu 31 jirkan dhammaystay waxbarashadiisa rasmiga ah, waaya-aragnimadiisa ardaynimo – iyo macallinimaba – way soo ifbaxday ilaa xad uu go’aansaday inuu kasii shaqeeyo waxbarasho isagoo ujeeddadiisu tahay inuu caawiyo kuwa xaaladdan oo kale ku sugan tahay.

“Hadda waxaan dhigaa maadooyin ay ka mid yihiin xisaabta iyo Af-Soomaaliga oo aan ahay macalin buuxa, waxaana aad uga helaa maadooyinkaas inaan baro wiilasha iyo gabdhaha Soomaaliyeed maadaama aan ogahay dhibka ka dhalan kara, mana rabo inay soo maraan dhibkii aan soo maray oo kale,” ayuu yiri, isagoo sii raaciyey "Mar walba waan fahansanahay baahida ardaydan, maadaama aan wax kusoo bartay duruufo la mid ah."

Laakin kolka uu Cabdulqaadir ku mashquulsan yahay macalinimo, wakhtigiisa ardaynimo ma aha mid weli dhamaaday. Waxa uu qorsheynayaa in uu qaato waxbarasho heerka labaad ee jaamacadda oo uu ku takhasuso cilmiga dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyada oo yoolkiisa fog uu yahay in la dhiso nidaam si fudud waxbarasho dhameystiran loogu heli karo qof kasta oo Soomaali ah oo aragga naafada ah – taas oo faa’iido u ah dadka aragga la’  ​​​​iyo Soomaaliya oo dhan.

“Waxaan aaminsanahay in waxbarasha dadka naafada ah ay ka qayb qaadan karto horumarka dalkan. Anigoo aqoonsan in dad badan oo naafo ah oo aniga oo kale ah ay u baahan yihiin in dalka uu wax badan noo qabto, waxaan ku kalsoonahay in waxbaridda iyo taageerada dadka naafada ah aysan noqon doonin mid lagu khasaaro," ayuu yiri Cabdulqaadir.

Fikradaha Baahsan ee Khaldan

Cabdulqaadir ayaa aaminsan in Soomaaliya ay weli wax badan ka dhiman tahay sidii loo buuxin lahaa baahida waxbarasho iyo xuquuqul insaanka ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba. 

"Dad badan ayaa aaminsan in dadka baahiyaha gaarka ah qaba aysan samayn karin wax walba sida bulshada inteeda kale. Taasi waa khalad, oo aan ku salaysnayn xaqiiqda,” ayuu yiri. "Fikirka noocan oo kale ah ayaa keenaya in waalidku rumaystaan ​​​​in caruurtooda baahiyaha gaarka ah qaba aysan waxba baran karin taasina run maaha. Waxaa la gaaray waqtigii aan wajahi lahayn xaqiiqada: bulshada waa in hadda ay dadaal dheeri ah galisaa sidii ay wax u bari lahaayeen dhalinyarada baahiyaha gaarka ah qaba ee u baahan dugsiyo, in ka badan sidii hore.”

Waxaa macallinnimadiisa barbar socda, Cabdulqaadir wuxuu sidoo kale ka shaqeeyaa saxaafadda oo waa saxafi, doorkaas oo uu isku dayo inuu beddelo fikradaha khaldan iyo sidoo kale u doodista xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

“Waxaan ka soo shaqeeyay dhowr warbaahin oo gudaha ah, oo ay ku jiraan Goobjoog FM, Maandeeq FM, Star FM iyo Rugsan 2014 ilaa bilowgii 2021 — waxaa shaqooyinkayga ka mid ahaa soo saarista warbixinno iyo barnaamijyo ka hadlaayo dadka baahiyaha gaarka ah – waxaa gaaray ilaa heer noqdo tafaftirah barnaamijyada,” ayuu yiri.

"Waan ku raaxaystaa la shaqaynta warbaahinta iyo macallinnimadaba: wax-baridda iyo saxafinimada waa laysku wadi karaa, maadaama ay isku mid yihiin oo ay isla jaanqaadi karaan," ayuu raaciyay, isaga oo xusay in dagaalka uu ku raadinayo aqoonsiga baahiyaha dadka baahiyaha gaarka ah uu sii socdo.

Cabdulqaadir waxa kale oo uu hibada faneed ee uu leeyahay u adeegsada ujeedooyinkiisa. Wuxuu sameeyay heeso iyo gabayo si weyn looga baahiyo qaar ka mid ah warbaahinta dalka, sida Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed iyo Idaacadda Goobjoog.

"Weligay waxaan jeclaa suugaanta. Muhiimadda ay leedahay waan la socdaa, gabayo badan iyo heeso wacyigelin ah ayaan tiriyey – oo u badnaa dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Waxaan rabaa in codkooda la maqlo, sidoo kalena aan kor u qaado doorka muhiimka ah ee fanku ku leeyahay bulshada,” ayuu yiri. 

Tirada dadka aragga naafada ka ah

In kasta oo aysan jirin tirokoob rasmi ah oo laga haayo tirada dadka la nool indho la’aanta, haddana Dr. Mustafa Kalaayci, oo ah dhaqtarka indhaha oo jooga Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista ee Muqdisho-Turkiga Recep Tayyip Erdogan (Ex-Digfeer), ayaa maqaal uu ku qoray Joornaalka Barashada Indhaha ee Turkiga ee soo baxay 30kii Oktoobar 2020. "Heerka indho la'aanta guud ee Soomaalida da’da ah waxaa la ogaaday in uu yahay 9.8 boqolkiiba."

Natiijooyinka dhakhtarka ayaa ka yimid cilmi-baaris Isbitaalka laga sameeyey oo ujeedadiisu ahayd in lagu qiimeeyo sababaha iyo tirada indho la'aanta dadka qaangaarka ah ee Soomaaliyeed, marka loo eego shuruudaha Ururka Caafimaadka Adduunka ee Qaramada Midoobay. 2,605 kii bukaan - 1,251 dumar ah iyo 1,354 rag ah - 256 bukaan ayaa la go'aamiyay inay la’yihiin aragga hal ama labada indhood, sida ay xustay daraasadda. Daraasada ayaa lagu sheegay in dhaawaca maskaxkaxeed (trauma) uu yahay sababta ugu badan ee indho la’aanta taasoo ay sababto xaaladaha amni darro ee dalka ka jira.

Qaramada Midoobay ayaa sanad walba 3 December xusta maalinta caalamiga ah ee naafada. Xuska ujeedadiisu waa in kor loo qaado fahamka arrimaha naafada iyo in taageero la abaabulo si loo ilaaliyo sharafta, xuquuqda iyo badqabka dadka naafada ah. Waxa sidoo kale ujeedka xuska yahay in la kordhiyo ka warqabka iyo is-dhexgalka dadka naafada ah haddii ay ahaan lahayd dhinac kasta oo siyaasadeed, bulsho, dhaqaale iyo dhaqan.