Codsi araaji Qaramada Midoobay Soomaaliya – Guddiga la talinta dhallinyarada

25 Oct 2018

Codsi araaji Qaramada Midoobay Soomaaliya – Guddiga la talinta dhallinyarada

Codsi Araaji Qaramada Midoobay Soomaaliya – Guddiga La Talinta Dhallinyarada!

Fursad u furan Dhallinyarada Soomaaliyeed!

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka dadkoodu ugu da’da yaryihiin adduunka, waxaana ku nool dad ka badan 4.6 milyan oo da’doodu u dhexeyso 15 iyo 35. Hase ahaatee, waxaa kooban siyaabaha lagu heli karo fursadaha ay dhallinyaradu ku heli karaan waxbarasho iyo shaqo dakhli ka soo gala, waxaana weli liita ama aan jirin fursadaha lagu helo ka qaybgal siyaasadeed, dhaqaale ama bulsho. Baaxadda iyo fursadaha u furan gabdhaha iyo haweenka da’da yar ayaa weliba intaa ka sii ciriirisan.

In la hagaajiyo nolosha dadka da’ yarta ah awwodna loo siiyo inay kaalin firfircoon ka qaataan bulshada ayaa lagama maarmaan u ah hirgelinta Yoolasha Horumarinta La Joogtayn Karo iyo xaqiijinta nabad iyo xasillooni waarta oo ka dhalata Soomaaliya.

Sidaa darteed, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay haddan raadinaysaa dad da’ yar ah oo ka mid ah ururrada dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka kala socda gobollada kala gedisan ee dalka inay si ay uga mid noqdaan Guddiga La Talinta Dhallinyarada QM, ayna si toos ah Qaramada Midoobay ugala taliyaan siyaasadaheeda iyo barnaamijyadeeda la xiriira dhallinyarada.

Guddiga La Talinta Dhallinyarada wuxuu gacan ka geysan doonaa hagaajinta qiimaha, abaabulka iyo xiriirka ay barnaamijyada kala duwan ee Qaramada Midoobay ay ka dhex wadaan dadka da’ yarta ah ee jooga Soomaaliya, wuxuuna Qaramada Midoobay gacan ka siin doonaa sare u qaadidda sida ay uga jawaabayso baahiyaha dhallinyarada.

Guddigu wuxuu yeelanayaa dowr talo-bixin, wuxuuna si dhow ula shaqayn doonaa Koox-Hawleedka Ka Dhexeysa Hay’daha Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Dhallinyadara, si uu talooyin u siiyo Madaxda Sare ee Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya, wuxuuna gacan ka geysan doonaa kordhinta heerka iyo tayada ka-qayb-galka dhalinyarada ee qorsheynta, fulinta iyo kor-joogteynta siyaasadaha iyo barnaamijyada QM.

Wuxuu ka koobnaan doonaa 12 xubnood oo da’doodu tahay 15 ilaa 35 sanno, kuwaa oo la shaqeeya ama la hawlgala dhalinyarada iyo ururrada xirfadleyda maxalliga ah si loo helo matalaad isku-dheeli-tiran ee sooyaalka bulshada kala duwan iyo danaha dadka da’ada yar ee Soomalaiyeed. Lix waxaa soo magacaabi doona dalladaha ururrada dhallinyarada gobollada, lix kalena waxaa lagu soo asteyn doonaa wicid furan oo lagu salaynayo shaqadooda ku aaddan mid ka mid ah lixda mowduuc ee mudnaanta leh:

1. Shaqaaleynya & Hal-abuurka Ganacsi

2.Ilaalinta Xuquuqda iyo Ka-qaybgalka Hawlaha Madaniga ah

3. Ku-qaybgelinta Siyaasadda

4. Waxbarashada & Horumarinta Xirfadaha

5. Caafimaadka

6. Nabadaynta

Xubnaha Guddigu waxaa lagu soo xuli doonaa hab ku saleysan inay ka soo baxaan halbeegga soo socda:

  • Muwaddinimada Soomaaliyeed
  • Da’da u dhexeysa 15-33 waqtiga la magacaabayo
  • Caddeynta ah inay metelaan urur dhallinyaro, koox ama shabakad hadda ka shaqeysa ka hawlgala Soomaaliya ee u adeega danaha oo taageera dhallinyarada iyo dadka da’ yarta ah, xuquuqul insaanka dadka da’ yarta iyo ka qaybgalka dhallinyarada.
  • Ay metelaan kala duwanaanshaha sifooyinka jinsiga, da’da, isirka iyo juqraafiga iyo isku dheellitirnaanta guud ee jinsiga.
  • Kartida afka ay tayo u leeyihiin inay fahmaan fikradaha horumarinta iyo inay si cad ugu qeexaan (Af Ingiriis). Waxaa mudnaanta la siin doonaa kuwa leh karti isgaarsiineed iyo abaabul oo xoog leh si loo xaqiijiyo in la helo codad xoog leh ee dhallinyarada iyo ka qaybgal firfircoon ee kulamada.
  • Inay u heellan yihiin taageeridda dabagalka kawlaha iyo talooyinka ka soo baxay natiijada doodaha Guddiga.
  • Rabitaanka ah inay shakhsi ahaan ugu heellan yihiin shaqada Guddiga iyo inay leeyihiin dabacsanaanta iyo u diyaar ahaanshaha inay ka qaybqaataan kulamada iyo hawlaha kale ee khuseeya shaqada Guddiga.
  • Rabitaanka ah inay ku shaqeeyaan si mutadawacnimo (iskaa wax u qabso) ah.
  • Inay ogolaadaan ayna saxiixaan heshiiska ilaalinta xogta kalsoonida ah (sirta) iyo xeerka anshaxa.

Ma jiri doonto cawilcelin maaliyadeed oo lagu bixiyo ka qaybqaadashada Guddiga La Talinta Dhallinyarada.

Haddii aad danaynaysid, fadlan soo codso adigoo adeegsanaya arjigan:

https://goo.gl/forms/iL0iaHVMlTxcV14E3

Qabashada araajida waxay socod doontaa ilaa iyo 10ka Nofembar 2018.