Dawladda Talyaaniga oo $2 Milyan oo dheeri ah ugu deeqday barnaamijka horumarinta qaybaha wax-soo-saarka (PSDP) oo loogu talagalay shaqo abuurka, helitaanka fursadaha dhaqaale ee dhalinyarada iyo haweenka, dhiirigelinta horumarinta shirkadaha yaryar

15 Jul 2021

Dawladda Talyaaniga oo $2 Milyan oo dheeri ah ugu deeqday barnaamijka horumarinta qaybaha wax-soo-saarka (PSDP) oo loogu talagalay shaqo abuurka, helitaanka fursadaha dhaqaale ee dhalinyarada iyo haweenka, dhiirigelinta horumarinta shirkadaha yaryar

Muqdisho – Dawladda Talyaaniga ayaa ku kordhisay $2 milyan doollar oo tabarucaad ah si loogu maalgeliyo Barnaamijka Horumarinta Qaybaha Wax-soo-saarka (PSDP) kaasoo lagu doonayo in lagu kobciyo shaqo abuurka, helitaanka fursadaha dhaqaale ee haweenka iyo dhalinyarada, horumarinta iyo xoojinta dowladnimada si loo kobciyo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.

Arbacadii Xurmadle Danjire Alberto Vecchi, Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, ayaa saxiixay heshiis lagu bixinayo tabarucaad labaad oo loogu talagalay barnaamijka PSDP intii lagu gudajiray munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho. Barnaamijkan, Talyaanigu wuxuu ku bixin doonaa maalgelin iyadoo loo marayo Sanduuqa Amaanada Saaxiibad badan ee Qaramada Midoobay Soomaaliya.

Barnaamijka Horumarinta Qaybaha Wax-soo-saarka (PSDP) ee loogu talagalay  Soomaaliya waxaa lagu hirgeliyay iyadoo loo marayo Hay’adda Horumarinta Warshadaha ee Qaramada Midoobay (UNIDO) oo kaashanaysa Hay'adda Cuntada iyo Beeraha (FAO) iyo Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO).

Barnaamijkan waxaa fuliyay iyadoo ay iska kaashadeen Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dawladda Federaalka, Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dawladda Federaalka, Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dawladda Federaalka iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dawladda Federaalka.

Xiliga daahfurka, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladda Federaalka, Xurmadle Khaliif Cabdi Cumar, ayaa bogaadiyay tabarucaadda Dawladda Talyaaniga. Wuxuu kusii daray, gaar ahaan, tabarucaadan dheeraadka ah ee Talyaanigu siiyay barnaamijkan waxay gacan ka gaysan doontaa ballaarinta shabakadda UNIDO iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee ay taageerayaan shabakadaha Unugyada Horumarinta, kordhinta tirada shirkadaha yaryar, helitaanka xalalka maaliyadeed iyadoo sidoo kale la xoojinaayo doorka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee lagu taageerayo horumarinta qaybaha wax-soo-saarka.

“Dhab ahaantii shaqada barnaamijka PSDP waa mid ay bogaadisay Dawladda Soomaaliya, maadaama ay tahay mid lagu taageerayo shacabka iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya,” ayuu raaciyay Wasiir Khaliif.

Dhawrkii bilood ee la soo dhaafey, tan iyo markii ay bilaabatay hirgelinta barnaamijka, shaqadii kooxda barnaamijka PSDP ee ku aaddanayd taageeridda wasaaradaha kale ayaa ahayd mid cajiib ah. FAO iyo ILO oo la shaqeeya Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda iyo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa gacan ka geystey, meelaha ugu muhiimsan ee khibradda iyo waajibaadka loo igmaday, si ay u taageeraan horumarrada sii kordhaya ee dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay. qayb ka qaadashada horumarinta Soomaaliya qaybaha wax-soo-saarka ee shaqo abuurka iyo kor u qaadista nolosha dadka Soomaaliyeed oo dhan.

Intii ay socotay munaasabada saxiixa, Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, Xurmadle Alberto Vecchi, ayaa sheegay in bixinta dhaqaalaha dawladda Talyaaniga ee hoos timaada barnaamijka PSDP ay waafaqsan tahay istiraatiijiyadda Dawladda Talyaaniga ee horumarinta caalamiga ah ee la xiriirinta saaxiibada dhinacyada badan.

Wuxuu kusii daray in Shirkadda Talyaaniga, oo ah garabka horumarinta ee Dawladda Talyaaniga, uu doonayo inuu dhiirrigeliyo fikradda shaqada oo ah aalad la taaban karo oo lagu xoojinayo wadajirka bulshada, nabadda iyo xasilloonida oo shardi u ah horumarka aadanaha si fursado loogu abuuro dhallinyarada iyo kuwa kale ee kooxaha nugul.

“Iyadoo loo marayo istiraatiijiyad lagu horumarinayo goobaha gaarka loo leeyahay, mas'uuliyiinta Soomaalida iyo dhiggooda caalamiga ah runtii waxay ciyaari karaan door wax ku ool ah oo wax soo saar leh oo muhiim u ah kordhinta helitaanka fursadaha shaqo, helitaanka shaqooyinkaas, gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada,” ayuu yiri Danjire Vecchi.

Intaas wuxuu ku daray "Abuurista shaqaalaynta iyo wadahadalka joogtada ah ee u dhexeeya dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah federaalka oo ku saabsan arrimaha la taaban karo waxay matalaysaa qodobo muhiim ah oo lagu taageerayo Soomaaliya si loo gaaro himilooyinka sida horay loogu sii dejiyey Ajendaha Horumarka Waara ee 2030".

Ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Isuduwaha Deegaanka iyo Bani'aadamnimada, Xurmadle Adam Abdelmoula, ayaa xusay in barnaamijka PSDP uu gogol dhigayo horumarka dhaqaale ee Soomaaliya ayna qayb muhiim ah ka tahay Ajandaha Horumarka Waara ee QM. Barnaamijku wuxuu si buuxda ula jaanqaaday Qaabdhismeedka Iskaashiga Horumarinta Waara ee Soomaaliya ee 2021-25 iyo Qorshaha 9aad ee Horumarinta Qaranka (NDP 9) ee guud ahaan Soomaaliya.

Hadafka AJendaha Horumarka Waara ayaa ku jira kuwa kale, in la dhameeyo saboolnimada noocyadeeda kala duwan, kor loo qaado sugnaanta cunnada, kor u qaadida ganacsiga iyo shirkadaha yaryar, in la gaaro sinnaanta jinsiga iyo awoodsiinta haweenka iyo gabdhaha. Dadaalladaas waxay abuuri doonaan koboc dhaqaale oo loo wada dhan yahay oo waara iyo shaqo hufan oo loo wada dhan yahay. 

“Soddonkii sano ee lasoo dhaafay, Soomaaliya waxay diiradda saartay gargaarka bani'aadamnimada. Iyadoo la hagaajiyay xasilloonida siyaasadeed iyo dhaqaale, waxaa loo baahan yahay isbeddel ku yimaada ujeeddooyinka gargaarka ee ku aadan gaaritaanka himilooyinka horumarinka. Hadda waa waqtigii la furi lahaa dadaallada horumarineed, ”ayuu yiri Abdelmoula.

Xurmadle Adam Abdelmoula oo sii waday "Waxaan ku gaari karnaa himiladaan kobcinta hab-nololeedka waara, abuurista shaqaalaynta, helitaanka barnaamijyada horumarinta xirfadaha, kor u qaadida silsiladaha wax-soo-saar leh, taageerida dadaallada baahida ganacsiga, iyo fududeynta helitaanka dhaqaalaha ee shirkadaha."

Isagoo u mahadcelinaya Dawladda Talyaaniga maalgelinta wejiyada koowaad iyo labaad ee barnaamijka, wuxuu ku casuumay daneeyayaal badan iyo deeq-bixiyeyaasha inay ku soo biiraan barnaamijka oo ay taageeraan UNIDO, FAO iyo ILO sida ay uga go'an tahay inay gacan ka gaystaan horumarinta qaybaha wax-soo-saarka Soomaaliya.

Isagoo ka hadlaya xarunta dhexe ee UNIDO ee magaalada Vienna, Agaasimaha Waaxda Ganacsiga-Beeraha ee UNIDO, Dejene Tezera ayaa sheegay in hay'addu door ka qaadan doonto isku dubaridka barnaamijyada horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

“Dhacdadan maanta waxay marqaati u tahay wada shaqeynta hay’adaha ka dhexeeya ay leeyihiin suurtagalnimada lagu gaari karo Iyadoo loo marayo barnaamijka PSDP, oo ay hoggaan u yihiin UNIDO, FAO iyo ILO, saddexda hay'ad ayaa ka faa'iidaysanaya qaybahooda muhiimka ah ee farsamada iyo khibradda gaarka ah si wax looga qabto caqabadaha shaqo-abuurka iyo helitaanka fursadaha dhaqaale, gaar ahaan haweenka, dhallinyarada, iyo kooxaha kale ee nugul ee ka tirsan bulshada Soomaaliyeed.”

UNIDO, 30 sano kadib, waxay furtay barnaamij iyo xafiiska ku matalad Soomaaliay, oo ay hogaamineyso Ygor Scarcia. Iyadoo xasilloonida wadanku ay muuqato billawga sannadkii 2019, UNIDO waxay qaadatay waajibkeeda in ay taageerto kobaca dhaqaalaha Soomaaliya. Gaar ahaan, ka shaqeynta barnaamijka wadajirka ah ee QM, UNIDO waxay keentay khibradeeda farsamo si loo hagaajiyo awooda shaqo ee dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoona loo marayo Talyaaniga oo maalgeliyay mashruuca ‘Tiknolojiyada Beeraha’ (Agrotechnology) ee loogu talagalay Kobaca Dhaqaalaha iyo kadib barnaamijkan PSDP si ay uga shaqeeyaan dhismaha waaxda wax soo saarka ee dalka, xoojinta awoodaha maxalliga ah si ay u taageeraan bixinta adeegyada horumarinta Shirkadaha  Yaryar (SME) iyo dhiirrigelinta maalgashiga gudaha iyadoo loo marayo tikniyoolajiyadda iyo marin u helidda suuqyada Shirkadaha yaryar (SME) maxalliga ah.

Hay’adda ayaa ka qaadatay dadaallada mashruucyadeeda lasoo bandhigi karo ee ku saabsan dhisidda iswaafajinta hay'adaha kale ee Qaramada Midoobay iyo Wasaaradaha Federaalka.

“Habka qaybtaan oo dhan waxaa looga golleeyahay in lagu hagaajiyo adkeysiga nidaamyada wax-soo-saarka cunnada ee gudaha Soomaaliya iyadoo la yaraynayo ku tiirsanaanta cunnada dibadda laga keeno iyo in la ogaado kobaca la taaban karo ee dhinacyada sida cunnada daruuriga ah iyo dalagyada kaashka ah, wax-soo-saarka khudaarta iyo sinnaanta ee kalluumeysiga bulshada maxalliga ah, Etienne Peterschmitt, wakiilka FAO ee Soomaaliya.

Wakiilka UNIDO ee Soomaaliya isla markaana ah khabiir dhanka horumarinta warshadaha mudane Ygor Scarcia ayaa uga mahadceliyey dawlada Talyaaniga maalgalinta barnaamijkan, wuxuu amaan balaaran u soo jeediyey Wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha Dowlada Federaalka oo uu ku amaaney hogaaminta iyo hay’adaha kale ee qaramada midoobey wadashaqeynta dhow.

"Barnaamijka ayaa abuuri doonaa jawi u sahlaya ganacsatada Soomaaliyeed, xoojinta awoodda dawladda una rogi doonta fursado shaqo oo dhammaan ah iyo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya," ayuu yiri mudane Ygor Scarcia, Wakiilka UNIDO ee Soomaaliya.

Fadlan halkan ka aqriso war-saxaafadeedka barnaamijka PSDP: bit.ly/2ThkZ78