Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo boogaadiyay dhamaystirka dhismaha baarlamaan goboleedka Galmudug

28 Jun 2015

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo boogaadiyay dhamaystirka dhismaha baarlamaan goboleedka Galmudug

Muqdisho – Ergayga Gaarka ah ee Xoghayahay Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaalia Nokolas Kay, ayaa soo dhoweeyay doorashada Afhayeenka Baarlamaan Goboleedka Galmudug, kaas oo 27 Juun ay doorteen Xubnaha Baarlamaanka ee jooga magaalada Cadaado, Ergayga waxa uu hambalyeeyay Afhayeenka cusub ee la doortay, Cali Ga’al Casayr. (Sidookalena), Ergayga wuxuu muujiyay sida uu raali ooga yahay dhamaystirka marxaladaan muhiimka ah ee khusaysa dhismaha Dowlad Goboleedka Goboladda Dhexe.

“Waxaan ku boogaadinayaa Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka, Gudiga Farsamada, iyo Xubnaha Baarlamaanka Gobolkuba, sida guusha iyo hufnaanta leh ee ay u maareeyeen doorashada Afhayeenka iyo labadiisa kuxigeen. Baarlamaanka Gobolka ayey hadda hortaalaa howsha muhiimka leh ee ku saabsan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug. Waxaan ku guubaabinayaa (xubnaha baarlamaanka) in ay howshan muhiimka leh u maamulaan si hufnaan iyo kalsooni ku dheehantahay, (lana mid ah sidii hore), kuna soo gunaanadaan habka Dowlad Dhisidda guul,” ayuu yiri Ergayga, Kay.

Ergayga waxa kale ee uu hambalyeeyay doorashada kuxigeenada Mudane Casayr, kuwaas oo kala ah Xareed Cali Xareed, iyo Maxamed Sheikh Axmed Macalin.

Doorashada Afhayeenka Baarlamaanka iyo Ku-xigeenadiisa waxay calaamad u tahay dhamaystirka Galaha baarlamaan Goboleedka Galmudug. UNSOM waxay si buuxda u sii wadi doontaa taageerideeda ku aadan geedi socodka Dowlad Dhisidda, arrintan oo hada maraysa wajigii oogu dambeeyay, kuna dhamaanayay Doorashada Madaxwaynaha, taas oo qorshaysan in ay dhacdo 4 Juulay.

Dhamaad.