Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo hambalyo u diray Dadka Soomaaliyeed munaasabada 55 Guurada Madaxbanaanidooda

1 Jul 2015

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo hambalyo u diray Dadka Soomaaliyeed munaasabada 55 Guurada Madaxbanaanidooda

Muqdisho - Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa hambalyo u diray dadka Soomaaliyeed iyo Dowladooduba, taas oo ku beegan 55 Guurada Madaxbanaanidooda. Wuxuu ammanay dadaalka ay wadaan dadka Soomaaliyeed, kaas oo ay xalinayaan labaatameeyo sanno oo degenaansho la’aan ah, iyo horumarka hadda ka socda (dalka) kaas oo lagu soocelinayo nabadda, laguna dhisayo Qarannimadaba.

“Waxaan oogu sacbinaynaa dadka Soomaaliyeed dadaalka ay wadaan ee ku aadan dhisida Soomaaliya oo aad u xasiloon”, ayuu yiri Ergayga Kay. (Sidoo kale, waxaan ku amaanayaa dadka Soomaaliyeed}, tallabboyinka ay u qaadeen dhinaca Qaran Dhisidda, sida dibueegista Dastuurka, iyo samaynta Shuruucda Muhiimka ah si loogaaro Hiigsiga dadka Soomaaliyeed ku qotoma 2016.
Ergayga wuxuu soo dhoweeyay horumarka laga gaaray Maamul-dhisidda Goboladda, sida kan kumeelgaarka ah ee Jubbaland (IJA), Kan kumeelgaarka ah ee Koonfur-galbeed (ISWA), iyo kan Galmudugba. Intaa, waxaa dheer, dhismaha hayadda (dowliga ah) ee ka jira Puntland.

Asaga oo garwaaqsan horumrka laga sameeyay shuruucda muhiimka leh ee lagu horumarinayo Hiigsiga 2016, ayuu hadana Ergaygu ku baaqay in si ded-ded ley loo dhamaystiro shuruucda muhiimka leh ee harsan sida, Guddiga Qaran ee Madaxbanaan ee Doorashada, iyo Guddiga Xuduudaha iyo Federaalaynta.

Ergayga wuxuu kaloo aad u amaanay geesinimada iyo naftiihurinimada ciidamadda Qalabka sida ee Soomaaliyeed, Booliska, iyo Ciidadma AMISOM ee Jooga Soomaaliya, ku waas oo ku howlan ladagaalanka argagixisinimada xooga ku dhisan iyo soocelinta nabadda iyo amniga qaranka.

“Maadaama ay Soomaaliya gelayso sannad-guuradeedi 56 ee ku aadan Madaxbanaanideeda, waxaan rajaynaynaa in si nabad iyo xasilooni ku dheehantahay ay oogu guurto/ wareegto Higsiga Siyaasadeed Cusub ee 2016,” ayuu yiri Ergayga.

DHAMAAD