Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo ammaanay dhismaha Maamulka Hirshabelle

22 Oct 2016

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo ammaanay dhismaha Maamulka Hirshabelle

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) Michael Keating, ayaa u hambalyeeyay dawladda Goboleedka cusub ee Hirshabelle oo dhamaystirtay qariidadda federaalka Soomaaliya.
Isagoo ka hadlayay xafladdii caleemasaarka oo ka dhacday caasimadda maamulka ee Jowhar, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dhismaha dawlad-goboleedka Hirshabelle lagu gaadhay geedi-socod wada-xaajood ku dhisan.

"Waxaan halkaan ku soo gaarney waa samirkeenna. Cidna lagama soo tagin. Dhammaan intii wax tirsaneysey waa la qanciyey, waxayna qayb ka yihiin socdaalka. Samir iyo adkeysi ayaa na gayeysiiyey in aan halkan soo gaarno.  Markii  qof  walba rajo dhigay waan samarnay", ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo intaas kudaray: "Waa samirkeenna iyo kalsoonida aan isku qabnay waxa noo sahlay dhismaha Maamulkaan”.

Madaxweynaha maamul goboleedka cusub, Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa ballanqaaday in Hirshabelle tixgelin doono  xuquuqda haweenka, maadaama kaalin weyn ku leeyihiin horumarka bulshada. 

"Waxaan ku jirnaa  xilli doorasho. Hirshabelle lagama tagayo. Waxaan ku dooran doonnaa mudaneyaasha Aqalka Sare ee Baarlamaanka si wada-xaajood ku dhisan. Waxa kale oo aanu  beelaha kala shaqayn doonaa si loo doorto xildhibaannada Aqalka Hoose", ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle ah.
Ergeyga Gaarka ah ee Q.M. ayaa ka sokow hambalyada uu u jeediyey Madaxweynaha Cosoble, wuxuu sidoo kale sheegay in munaasabaddu ahayd mid muhiim ah, maadaama Hirshabelle ay ka mid noqotay dowlad goboleed  xubnaha ka ah  federaalka.

“Manta waa tillaabo weyn oo horay loo qaaday. Qariidadda Soomaaliya haatan wey is  buuxisay. Mashruuca federaalka ayaa la xaqiijiyay ", ayuu yiri Keating.  
Mr. Keating wuxuu dadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ku tartansiiyey in ay si degdeg ah uga heshiinsiyaan wixii khilaaf ah, maadaama odayaasha qaar ay ka biyo diideen qaabka dhismaha dawlad-goboleedka loo wajahay.
Ergeyga Gaarka ah wuxuu sidoo kale sheegay in ay dowlad goboleedka muhiim u ahayd gobolka in qorshe adagu sameyso dadka labadan gobol ee maamulkan ku bahoobay.

"Jowhar waa aag dhexe oo beeraha  hodan ku ah, laakiin waxyaalaha qaar sidii la bay ma ahan, waxyna su’aashu tahay in maamulku uu meel dhigay ajande horumarineed oo faa’idooyin u soo jiida dhammaan dadweynaha maamul goboleedkan cusub hoos yimaad", ayuu Keating ku daray.

Waxa uu u mahadceliyay Afar ka mid ah Lixda dowlad goboleed ee federaalka Soomaaliya oo soo dooraty 23% ka mid ah musharaxiinta Aqalka Sare. Wuxuuna sheegay in wajiga xiga uu yahay doorashada xubnaha Aqalka Hoose.

Keating wuxuu xusay in doorashada Aqalka Sare iyo kan Hoose ay noqoto mid loo dhanyahay, islamarkaana ku qotonta go’aamadii ka soo baxay Madasha Hoggaanka Qaranka (NLF).

Hirshabelle waa maamulkii shanaad ee lixda dowlad goboleed ee uu ka kooban yahay federaalka ka hanaqaaday Soomaaliya. Kuwa kale waxay kala yihiin: Jubbaland, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug. Waxaa weli taagan masiirka magaalada Muqdisho iyo gobolka goonida u go’ay ee  Somaliland.