Ergayga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay oo cambaareeyay xariga wariyeyaasha Soomaaliyeed

4 Oct 2015

Ergayga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay oo cambaareeyay xariga wariyeyaasha Soomaaliyeed

Muqdisho - Ergayga- gaarka ah ee Xoghayaha Guudd ee Qaramada Midoobay, Nikolas Kay ayaa cambaareeyay xariga laba wariye ee telefishinka Universal iyo sida xooga leh ee loo xiray xafiiska Telefishinka Universal ee Muqdisho 02 Oktoober 2015.

“Waxaa aad muhiim u ah in ay warbaahintu ahaato mid xor ah, madaxbanaan, kalana duwan”, ayuu yiri Ergayga gaarka ah, Nikolas Kay. “Xuriyatul Qoolka waxa ay ka midtahay xuquuqda aasaasiga ah, waxayna muhiim u tahay sidii lagu abuuri lahaa jawi horumariya dooda ama afkaarta dadka iyo sidii ay dadwaynaha ooga qaybqaadan lahaayeen geedi socodka doorashada 2016 iyo habka qaran iyo dhowlad dhisid eek a socda Soomaaliya.

Xiritaanka labada wariye wuxuu la xariiraa doodii laga sii daayay Telefishinka Universal 30kii Sebtember 2015.

Eryaga Gaarka ah Kay wuxuu oogu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay si dhakhso leh talaabo u qaado so loo xaqiijiyo amaanka iyo Xuquuqul-insaanka wariyayaasha.

DHAMMAAD