Ergayga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaablisan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Hoteelka Central ee Muqdisho

20 Feb 2015

Ergayga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaablisan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Hoteelka Central ee Muqdisho

Muqdisho - Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaablisan Soomaaliya, Nikolas Kay, ayaa si kulu u cambaareeyay weerarkii maanta lagu qaaday Hoteelka Central- Dhexe- ee ku yaala Muqdisho, weerarkaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo ay ku jiraan saraakiil sar sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Al-shabab a yaana sheegatay weerarka.


“Waxaan si aad ah u cambaareeynayaa weerarka naxdinta leh ee lagu qaaday dadka rayidka ah iyo saraakiisha Dowladda, kuwaas oo intooda badan halkaas utagy gudashada salaadoodi jumcaha aheed”, ayuu yiri Ergayga Gaarka ah.

“Weerarkan arxan la’aanta ahi ee lagu qaaday Dadwaynaha Soomaaliyeed waa fal cadowtinimo leh, waana dembi aad u fool xun/ culus, lana doonayo in lagu baabi’iyo rajada dadka Soomaaliyeed ee ku qotonta gaaritaanka mustaqbal wanaagsan,” ayuu raaciyay Ergaygu.

Waxaa naga go’an in aan taageerno dadka Soomaaliyeed. In kasta oo ay jiraan falalkan arxan la’aanta ah, hadana dadka Soomaaliyeed waxay si guul leh u dhisihayaan Hayadahooda Dowliga ah iyo Ciidamadooda, ka dib markay Dowlada la’aan iyo colaadka ku dhexjireen in kabadan labaatameeyo. Qaramada Middobay waxay sii wadi doontaa howsheeda ku aadan kaalmeenta dad ka Soomaaliyeed si ay u gaaraan rajada iyo hamigga ay u leeyihiin in ay mar un gaaraan mustaqbal nabad iyo xasilooni ku dheehantahy.”

Ergayga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaskii iyo saaxiibaddi naftooda ku waayay weerarkan waxashnimadda leh, iyo dhamaan dadka Soomaaliyeed iyo Dowladooda Federaaliga ah.