Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan soomaaliya oo ka hadlay Ciidul-Adhaaga

4 Oct 2014

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan soomaaliya oo ka hadlay Ciidul-Adhaaga

Warsaxaafadeed 44/2014

Muqdisho - Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG) Nikolas Kay ayaa hambalyo kal iyo lab ah u diray dhamaan Umadda Soomaaliyeed ee dabaaldegaysa munaasibadda Ciidul- Adh-xaaga .


“Maadaama ay Umadda Soomaaliyeed u dabaaldegayso Ciidul- Adh-haaga, waxaan leeyahay dhamaan dadka Soomaaliyeed iyo Qoysaskooduba Ciid Mubaarak. Manta waa maalin ay haboontahay in si heer caalami ah loo muujiyo qiimaha iyo muhiimadda ay leeyahiin Nabadda, xasiloonidda, iyo Midnibada. Waxaan rajaynayaa dareenkan kudhisan dib-uheshiisiinta, iyo iskaashiga uu wax ku kordhindoon Nabadda Guud ee Soomaaliya. Ciid wanaagsan!" ayuu yiri SRSG Kay.

Dhamaad.