Ergayga Gaarka ah oo soo dhoweeyay ansixinta uu baarlamaanka ansixiyay 9ka xubnood ee Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka

6 Jul 2015

Ergayga Gaarka ah oo soo dhoweeyay ansixinta uu baarlamaanka ansixiyay 9ka xubnood ee Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka

Muqdisho – Ergayga-gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaalia, Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay ansaxinta uu baarlamaanka Federaalka ansixiyay, sagaalka xubnood ee Guddiga Maddax Banaan ee Dooroshooyinka Qaranka.

“Magacaabista Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka waaa guul aad muhiim u hah (kuna qotonta) ujeedooyinkii lagu gaari lahaa Nabada iyo Qaran dhisiduba- Ujeedooyinkaas oo ku qorn barnaamijka Hiigsiga Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ergayga Gaarka ah. “Baarlamaanka Federaalka wuxuu ka ciyaaray door muhiim ah sidii Lagu dhisi lahaa Guddiga Maddax Banaan ee Doorashooyinka Qaranka taas oo waafaqsan Dastuurka Federaalka ee Ku-meelgaarka ah. Waxaan si dhakhso leh ooga dhursugaynaa in Guddigani si dhakhso leh loo dhiso, korna loogu qaado awoodiisa waxqabad, sida dhisidda Xoghayta guddiga.”

Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay in ay kala shaqayso Dowladda Federaalka Soomaaliyeed sidii gudigan loogu suurta gelin lahaa in uu howshiisa u bilaabo si dhakhso leh.

DHAMAAD.