Ergayga Qaramada Middobay oo Cambaareeyay weerarka lagu qaaday Hoteel ku yaala Muqdisho

28 Mar 2015

Ergayga Qaramada Middobay oo Cambaareeyay weerarka lagu qaaday Hoteel ku yaala Muqdisho

Muqdisho - Ergayga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Middobay u Qaabilsan Soomaaliya SRSG Nikolas Kay ayaa aad u cambaareeyay weerarkii argagixisinimo ee shalay lagu qaaday Hoteel ku yaala caasimada Mugdisho, weerarkaas oo sababay in ay dad badan oo rayidah ku dhintaan sida Xog-hayihii Joogtida ahaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed u fadhiyay Xarunta Qaramada Midoobay ee Jeneva, Mudane Yusuf Bari- Bari.


“Waxaan si adag u cambaaraynayaa weerarkii argagixisinimo ee shalay ka dhacay Muqdisho. Waxaa aad iiga yaabiyay sida argagixisada ay u qiima daraynayso nafta bani-aadanka ee aan waxba gaysanin. Waxaa kale ee aan ka xumaaday in aan ogaado in Xog-hayihii Joogtada ahaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed u fadhiyay Xarunta Qaramada Midobay ee Jeneva, Mudane Yusuf Bari- Bar iuu ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weeraka, kadibna u dhintay dhaawicii soo gaaray xalay. Waxaa (marxuumka) aad loogu xasuusanaan doonaa sidii ay ooga go’aneed in uu u difaaco una horumariyo Xuquuqul Insaanka Guud- ee baniaadamka.”

“Wakhtigan murugada leh, waxaan doonayaa in aan tacsi kal iyo lab ah u diro Dowlada Federaalka Soomaaliyeed, Qaysaskii iyo Saaxiibaddii dadkii ku dhintay amaba ku dhaawacmay weerarkan.”

Dhamaad.