Ergayga Qaramada Middobay u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii loo gaystay xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed

24 May 2015

Ergayga Qaramada Middobay u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarkii loo gaystay xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed

Muqdisho - Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliaya Nikolas kay, ayaa cambaareeyay weerarkii shalay lagu qaaday labo xildhibaan oo Soomaaliyeed iyo wadihii gaarigooda, wuxuuna ku soo celiyay sida ay Qramada Midoobay uga go’antahy sii wadidda la shaqaynta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed.

Mudane Yusuf Mohamud Dirir iyo shufeerkiisiiba waxaa lagu dilay weerar lagu qaaday shalay ayaga oo maraya waddada. Sidoo kale, waxaa lagu dhaawacay weerarka Mudane Cabdalla Boos Axmed. Waxaana weerarka sheegtay Al-shabaab.

“Dilka ladilay Mudane Yusuf Maxamed Dirir waa fal argagaxisinimo oo aad u fool xun, “ ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah. Dilka la dilay Mudanaha Baarlamaanka wuxuu u dhiganyahy fal la doonayo in lagu handado waxna loogu dhimo dadka doonaya in ay Soomaaliya u dhisaan mustaqbal fiican. Dadkii dilay xildhibaanka ma gaarayaan u jeedadaas.”

“Waxaan u rajaynayaa Cabdalla Boos in uu si dhakhso leh u soo biskoodo, sidoo kalena waxaan ku amaanayaa dhamaan xildhibaanada Soomaaliyeed geesinimada ay muujiyeen iyo sida ay uga go’antahay inay sii wataan hawshooda inkasta oo weerar joogto ah lagu hayo. Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay sii waddo taageerada ay siinaysoo shaqada muhiimka ah ee uu hayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah.

Ergeyga Gaarka ah wuxuu tacsi kal iyo laab ah u diray qoysaska iyo saaxiibada dadki ku waxyeeloobay weerarkaas, iyo xubnaha Baarlamaanka.

Dhamaad