Ergayga Qaramada Midoobay oo booqday Somaliland, wuxuuna ballan qaaday taageerada Qaramada Midoobay ee nabadda iyo horumarka

18 Aug 2014

Ergayga Qaramada Midoobay oo booqday Somaliland, wuxuuna ballan qaaday taageerada Qaramada Midoobay ee nabadda iyo horumarka

Hargaysa – Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaliya (SRSG) Nicholas Kay ayaa saakay gaaray Hargeysa, caasimadda Somaliland, wuxuna ballan qaaday in la kordhinayo taageerada Qaramada Midoobay.

Inta uu booqashada ku joogo Somaliland SRSG Kay wuxuu la kulmi doonaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Wasiirka Arrimaha Dibedda, Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, Dr. Sacad Cali Shire si ay uga wada hadlaan fursadaha lagu kordhin karo waxqabadka Qaramada Midoobay ee dhinacyada nabadda, xasiloonnida, iyo horumarka dadka reer Somaliland.

“Sanadihii ugu dambeeyay, Somaliland waxay ku tallaabsatay horumar baaxad weyn leh kaas oo Xukuumadda iyo dadkuba mudanyihiin in aad loogu amaano. Waxaan ka mahad celinayaa fursaddan la ii siiyay in aan booqdo Somaliland si aan u daraaseeyo qaabka aan usii kordhin karno una xoojin karno wada-shaqaynta ka dhexeyso UNSOM iyo maamulka Somaliland, taas oo dan u ah dadka” ayuu yiri Md. Kay.