Ergayga Qaramada midoobey ee arimaha Soomaliya Keating ayaa booqday gobolka Hiiraan kuna baaqay gargaar bani, aadnimo si looga hortago abaarta

5 Jan 2017

Ergayga Qaramada midoobey ee arimaha Soomaliya Keating ayaa booqday gobolka Hiiraan kuna baaqay gargaar bani, aadnimo si looga hortago abaarta

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobey arimaha Soomaliya Michael Keating ayaa booqday magaalada Baladweyne khamiistii si uu u qiimeyo saameynta abaaraha gobolka Hiiraan.

Sida ay sheegtay xafiiska qaramada midoobey ee isku duweynta arimaha bani,aadnimada (UNOCHA) qiimaha xoolaha ayaa hoos u dhacay waxayna sababtay in qoysas badan awooda iibsigooda hoos u dhac ku yimid.

Qiyaastii 180,000 qof ayaa khatar ugu jira macluul cunto yari. Meelaha ay sida xun u saameysay ayaa ah Buulo burde, Jalalaqsi iyo Baladweyne, goobahas ayaan helin roobabkii labadii xilli ee lasoo dhaafay.

Ergayga qaramada midoobey ee arimaha Soomaliya Keating ayaa la kulmay madaxda ugu sareysa gobolka sidoo kale wuxuu booqday suuqa xoolaha, isagoo codsaday in deg deg loo gaarsiyo gargaar, si looga badbaadiyo kumanaanka isagu jira dadka iyo xoolaha abaarta daran.

“Qaramada midoobey waa idin garab taaganyihiin. Waa inaa hor kacdaan howshan waa idin garab taaganahay si aysan abaartan isagu rogin musiibo weyn,” Keating ayaa u sheegay madaxda gobolka kadib markii uu la kulmay ganacsatada suuqa xoolaha.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan ayaa ka warbixiyay caqabadaha soo wajahay gobolka.

“Waxa jira abaar, khilaafyo, waxbarasho la,aan iyo adeeg daryeel caafimaad la,aan; iyo biyaha oo aad u yar. Ayuu u sheegay ergayga QM Keating.

Ergayga QM ayaa balan qaaday taagerida QM dadka ay saameysay abaarta sidoo kale wuxuu xooga saaray kuna booriyay in dadka deegan soo faragaliyaan arinta.

“Waxan rajeynaa inaad weydiin doontan xubnaha baarlamanka cusub waxa ay rabaan iney ka qabtaan gobolka Hiiraan, waxa ay ka qabanayaan abaaraha,” ayuu yiri.

Ergayga QM Keating ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeledka sababy barakaca dad lagu qiyaasay 6,000 oo qof gobolka labadii bile ee lasoo dhaafay.

Wuxuu ka dalbaday madaxda ururada bulshada iney la shaqeeyan odayaasha si loo fududeeyo wadahadalka iyo dib-u-heshiisinta qabaa,ilada.

“Sameyntii maamulka HirShabelle ma aheyn howl fudud, laakin waa fursad waana taageri doonaa maamulka cusub si uu howshisa u guto, dadkana u siiyo adeeg bulsho,” ayuu yiri.

Ergayga QM Keating ayaa sidoo kale la kulmay madaxda gobolka sida Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.