Ergaygga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammadda Middobay u qaabilsan Soomaaliya oo ku baaqay in ay haweenka door-wayn ka qaataan dhismaha Qaranka

8 Mar 2014

Ergaygga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammadda Middobay u qaabilsan Soomaaliya oo ku baaqay in ay haweenka door-wayn ka qaataan dhismaha Qaranka

Muqdisho – Ergaygga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammadda Middobay u Qaabilsan Soomaaliya, Nikolas Kay ayaa la dabaaldagaya maatna dadwaynaha soomaaliyeed, ku was oo u dabaaldagaya maalinta caalamka ee Haweenka Addunka. Sidoo kale, waxa uu Ergaygga ku guubaabiyay Dowladda Federaalka in ay balaariso fursadaha ay haweenka Soomaaliyeed ooga qayb-qaadan lahaayeen habka nabadaynta iyo dib-udhiska Qaranka Soomaaliyeed.

“labaatankii sanno ee la soodhaafay ee aadka u adkaa, waxay haweenka soomaaliyeed muujiyeen adkaysi iyo awood aad u sareeysa oo ay ooga qayb-qaadanayeen Arrimaha dib-uheshiisiinta, waxna ooga qabanayeen Baahidda baniaadinimo ee kadhexjirtay bulshada Soomaaliyeed, ha ahaato baahidaas mid heer gobol iy ama qaranba leh”, ayuu yiri Nikolas kay. Inkasta oo ay door-aad u mujiim ah ka qaadanayaan dibudhiska Soomaaliya, hadana, Haweenka weli waxay u halgamayaan sidii lagu maqli lahaa codkooda, waxaana weli xadaysan sidii ay ooga qaybgeli lahaayeen arrimaha siyaasadda”.

“Haweenka waxaa dhibaato aad u wayn weli ka soogaaraysaa dhinaca galmadda iyo xadgudubyo ku aadan haweennimadooda. Waxaana weli aad u yar tiradda haweenka ee laqoro iskuuladda,” ayuu yir Mr. Kay.

“Haweenka Soomaaliyeed waxay qayb-aad u muhiim u ah ka yihiin dhinaca siyaasadda iyo dib-uheshiisiinta dalka, waana in ay qayb-aad u wayn ka qaataan heerarka kala duwan ee noolasha bulshada. Waana in ficil ahaan loo bedelaa xaqqa afka laga sheego oo ay haweenka leeyihiin .” Ayuu yir Kay.

Ergaygu waxa uu hoosta ka xariiqay baahidda loo qabo in la qaado talaabo lataaban karo oo ku aadan dhowrista xuquuqda haweenka iyo gabdhaha, hadii an si kale u dhigo, waa in la abuuraa jawi amaan ah oo ay haweenka ku helaan cadaalad ayada oo aaynay jirin baqdin.

“Waxaan oogu baaqayaa Dowladda iyo Saaxiibaddda kale ee muhiimka ah ba in ay dedegiyaan dhaqangelinta Baaqii sida wadda jirka ahaa ay u soowadda saareen Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Qaramadda Middobay, kuna saabsanaa sidii looga hortegi lahaa xad gudubyadda ku saabsan galamdda”, ayuu yir Ergaygga gaarka ah. Qaramadda Midoobay waxay diyaar u tahay in ay kala shaqayso Dowladda sidii loo horumarin lahaa nolosha haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed”

Xafiiska UNSOM waxaa wajibaadkiisa ka mid ah in uu gacan ka gaysto siddi loo horumarin lahaa awoodda Dowladda ee ku addan xurmaynta xuquuqul insaanka iyo awood siinta haweenka.

Dhamaad.