Ergaygga Qaramadda Middobay oo hambalyeeyay Maamulka ku-meelgaarka ah ee Jubba

20 Jan 2014

Ergaygga Qaramadda Middobay oo hambalyeeyay Maamulka ku-meelgaarka ah ee Jubba

Muqdisho – Ergaygga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramadda Middoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Nikolas Kay, ayaa maanta soo dhoweeyay Dhismaha Golaha Fulinta Maamulka ku Meelgaarka ah ee Juba.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa hogaamiye Sheikh Axmed Madoobe caleemo saarka maaamulka ku-meelgaarka ah ee Jubba iyo magacaabista la magacaabay madaxdda ku xigeenadda ah iyo Wasiiraduba. Hirgelinta heshiiskii lagu gaaray magaaladda Addis Ababa bishii Agosto 27 deeda 2013 ahaa ah guul wayn oo lagu faani karo”, Ayuu yiri SRSG Kay, mar uu ka qaybgalayay xafladdii caleema saarka ee Maamulka Jubba ee ka dhacaysay magaaladd a Kismayo.

Wuxuu hoosta ka xariiqay baahidda loo qabo in uu maamulku ixtiraamao dhamaan dadka ku nool seddexdda Gobol, ayadda oo fiira gaarha la siinayo kaqaybgalka Haweenka.
Ay ka qaybgalayaan maamulka

“Waxaan ku amaanayaa Maamulka sida ay ooga go’antahay hirgelinta Heshiiskkii Addis Ababa. Waxaana ku dhiiri gelinayaa in ay horay u sii mariyaan wixii horumar ah ee ilaa hadda la gaaray. Sidoo kale, E rgaygga waxa uu aad muhiim oogu tilmaamay wereejinta maamulka Dekedda, Garoonka Diyaaradda, iyo ku soo celinta magaaladda lagu soo celinay maleeshiyooyinka magaaladda dibaddeeda joogga,”, Ayuu yir Mudane kay.

Qaramadda Midoobay waxay sii wadi doontaa la shaqaynta ay la shaqaynayso jaalayaasha caalamigga ah, waxayna ka la shaqayndoontaa siddi loo heli laha dhaqaale lagu taageero Arrimaha Muhiimka u ah Maamulka cusub ee Jubba taas oo waafaqsan Qorshaha Hiigsigga cusub. Xafiiska UNSOM waa uu joogaa kismayo, wuxuuna sii wadi doonaa fududeeynta arrimaha wadda hadalka, wuxuuna ku deeqi doonaa kaalmo farsamo, asaga oo taageerayo Dowladda Federaalaka ah iyo Mamulka Kumeelgaarah ah ee Jubba.”, ayuu yir Mudane Kay.