Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo hadal ka soo saaray munaasabadda bilashada bisha barakaysan ee Ramadaanka

28 Jun 2014

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo hadal ka soo saaray munaasabadda bilashada bisha barakaysan ee Ramadaanka

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa maanta hambalyo u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed iyagoo isu diyaarinaya bisha barakaysan ee Ramadaan.

“Ramadaan waa waqti ay qoysaska iyo bulshadu isla wadaagaan farxad iyo raynrayn markay isugu yimaadaan afurka iyo salaadaha. Waa waqti la yeesho fikir qotodheer iyo dibuheshiisiin, laguna xusuusto dadka danyarta ah oo naga liita. Bishan waxaa nala xusuusinayaa in nabadda, sinaanta iyo naxariistu ay yihiin waxa isku kaana xira, aadna uga xoog badan wax kasta oo na kala qaybiya. Anigoo tan rumaysan, waxaan dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda u rajaynayaa bil Ramadaan oo nabad ah oo barakaysan. Ramadaan Kariim!” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.