Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika oo soo dhoweeyay Hubert Price oo ah Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

20 Oct 2016

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika oo soo dhoweeyay Hubert Price oo ah Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

 

WAR-SAXAAFADEED 25/2016

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u Qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, iyo Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) u Qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira, ayaa maanta magaala madaxda Soomaaliya kusoo dhoweeyay Hubert Price oo billaabaya gudashada xilkiisa cusub ee ah Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Somaaliya (UNSOS).

Mudane Price wuxuu xoogga saari doonaa arrimaha istiraatiijiyadeed ee xiriirka ka dhexeeya Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo Hay’adaha Amniga Qaran ee Soomaaliya .Wuxuu qaabilsanaan doonaa hawlaha maaraynta guud ee hay’adda UNSOS iyadoo Agaasimaha hadda Amadu Kamara uu xoogga saari doono hawlgallada maalin kasta ee hay’adda UNSOS.

“Waxaan rajeynaynaa inaan la shaqeyno Mudane Price waxaana filaynaa inuu gacan mug leh ka geysan doono xiriirka aan la leenahay Qaramada Midoobay, iyo gaar ahaan wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee ciidamada militeri iyo boolis ugu deeqa AMISOM,” ayuu yiri Ergeyga Midowga Afrika Madeira.

Booska Madaxa UNSOS waxaa la aasaasay kadib markii la dhamaystiray dib u eegistii istiraatijiyadeed ee UNSOS sanadki 2015, taas oo lagu garwaaqsaday mas’uuliyadda sii kordheysa ee hay’adda UNSOS ka saaran taageerada  AMISOM iyo UNSOM.

Mudane Price wuxuu xilkiisa kusoo kordhinayaa khibrad ka badan 20 sano oo uu kasoo shaqeeyay hawlgallada nabad-ilaalinta, meelaha uu ka hawlgalayna ay kamid yihiin Mozambique, Angola, Bariga Timor, Cote d’Ivoire iyo Liberia. Xilkii ugu dambeeyay ee uu qabtay wuxuu ahaa Kusimaha Kaaliyaha Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Waaxda Taageerada Hawlgallada Qaramada Midoobay ee xarunteeda dhexe ku taalo New York.