Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarda madaafiicda goobaha fog lagasoo tuuray ee lala beegsaday xarunta QM ee Muqdisho

1 Jan 2019

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarda madaafiicda goobaha fog lagasoo tuuray ee lala beegsaday xarunta QM ee Muqdisho

WAR-SAXAAFADEED 01/2019

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa si kulul u cambaareeeyay weerarada riddada fog ee maanta lala beegsaday xarunta ugu weyn Qaramada Midoobay ee ku taal magaala madaxda Soomaalliya. 

Toddoba hoobiye ayaa galabta kusoo dhacay gudaha xerada, waxaana ku dhaawacmay labo xubnood oo ka tirsan shaqaalaha QM iyo hal qof oo qandaraasle ah. Dhaawacyada midkoodna ma aha mid halis gellinaya nolosha.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka

“Weerarka aan tooska ahayn ee maanta lala beegsaday xarunta ugu weyn QM ee Muqdisho wuxuu u dhigmi karaa xadgudub ka dhan ah xeerka caalamiga ah ee xilliyada colaadaha, waxaana cambaaraynayaa falkan aan loo baahnayn ee gardarrada ah ee ka dhanka ah shaqaaleheena,” ayuu yiri Md. Haysom. “Ma jiro ajenda siyaasadeed lagu gaarayo rabshado si ula kac ah loola beegsado xubnaha hay’adaha caalamiga ah ee taageeraya isku-xirka nabadda iyo xoojinta hay’daha maamulka [dowladeed] ee Soomaaliya. Waxaan u rajaynayaa saaxiibadeen inay si buuxda uga bogsoodaan dhaawacyadooda.”