Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarka lagu qaaday saldhigga AMISOM

1 Sep 2015

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarka lagu qaaday saldhigga AMISOM

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabislan Soomaaliya, Nikolas Kay, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii maanta ay xagjiriinta Al-shabaab ku qaadeen saldhigga AMISOM ee ku yaalla deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo ay maamulaan ciidamado ka tirsan kuwa Uganda.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaskii weerarkii maanta ku waayay dadkoodi ay jeclaayeen. Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa dadka iyo dowladdaha Uganda iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah, Kay. “Geesiyaasha (ka tirsanaa ciidamada nabad ilaalinta) waxay naftoodi u hureen dadaalada hadda socda ee la doonayo in nabad waarta iyo xasilooni loogu soo dabaalo Soomaaliya.”

“Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay taageerto dadka Soomaaliyeed. Sida aan u garab taagannahay Ciidamada/Ergadda Midowga Afrika ee joogta Soomaaliya, iyo hay’adaha amniga ee Soomaaliya dadaalka ay ugu jiraan jebinta Alshabaab kuna dhisaan nabab iyo xasilooni – waa arrimo aan is bedeli doonin.”