Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarki lagu qaaday ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan

20 Oct 2014

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarki lagu qaaday ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa cambaareeyay weerarki lagu qaaday ciidamada Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM) ee ku sugan gobolka Hiiraan wuxuuna Ergeygu ku baaqay xasilooni iyada oo beelaha iska soo horjeeda ay xasilooni darri ka abuureen deegaanka. Shalay subax ayaa rag hubeysan iyo banaan-baxayaal ay waddada ka xireen oo ay weerareen ciidamada AMISOM oo usii socday howlgal ay ku caawinayeen soo celinta nabadda meel u dhow tuulada Deefow.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkii shalay lagu qaaday ciidamada AMISOM meel u dhow tuulada Deefow ee gobolka Hiiraan. Waxay goobta u joogeen si ay xaaladda u dejiyaan oo sare loogu qaado dib u-heshiisiinta. Arrinta laguma xallin karo rabshado dheeri ah. Hogaamiyeyaasha deegaanka iyo odayaal dhaqameedka waa inay wadajir uga shaqeeyaan sidii xaaladda loo dejin lahaa waana inay madmadowga u dhexeeyo ku dhameeyaan wadahadal iyo wadashaqeyn buuxda oo ay la yeeshaan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada. Dadka Soomaaliyeed dhib ku filan ayaa gaaray weyna ogyihiin in wanaag ka imaaneyn colaad iyo amni darro dheeraad ah. Waxaa naga go’an in aan taageerno dadka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka iyo AMISOM oo wadajir uga shaqeeya soo celinta nabadda.” ayuu yiri SRSG Kay.

SRSG Kay wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo saaxiibada dadki lagu dilay ama uu dhaawac kasoo gaaray colaada gobolka Hiiraan.


Dhamaaad.