Ergeyga Gaarka ah ee QM oo aad u cambaareeyay weerarkii Muqdisho ee lagu qaaday baaruurtii kolonyoda ahayd ee wadday saraakiil ka socotay Imaaraadka

24 Jun 2015

Ergeyga Gaarka ah ee QM oo aad u cambaareeyay weerarkii Muqdisho ee lagu qaaday baaruurtii kolonyoda ahayd ee wadday saraakiil ka socotay Imaaraadka

Muqdisho  Ergayga-gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa si kulul u cambaareeyay weerakii maanta lagu qaaday baabuurtii kolonyada ahayd ee wadday saraakiil ka socotay Imaaraadka Carabta, taas oo sababtay in ay dhintaan tiro dad ah. Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda werarkaasi.