Ergeyga Gaarka ah ee QM oo soo dhoweeyay dhaarinta xubnaha baarlamaanka Maamulka Ku-meelgaarka cusub ee Galmudug

22 Jun 2015

Ergeyga Gaarka ah ee QM oo soo dhoweeyay dhaarinta xubnaha baarlamaanka Maamulka Ku-meelgaarka cusub ee Galmudug

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay dhaarinta xubnaha baarlamaanka Maamulka Ku-Meelgaarka cusub ee Galmudug oo maanta ka dhacday magaalada Cadaado.

“Waxaan Dowladda Federaalka, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, Guddiga Farsamada, iyo Odeyaasha dhaqanka Gobollada Dhexe ugu hambalyeynayaa tallaabadan muhimka ah ee ay qaadeen oo ah horumar la taaban karo oo loo qaaday federaalaynta Soomaaliya. Waxaan sidoo kale ku hanweynahay in guul lagu dhammeystiro marxaladaha ka harsan geeddi socodka maamul sameynta gobollada dhexe, oo ay ka midtahay doorashada Madaxweynaha iyo dhisidda maamulka cusub.

UNSOM wuxuu sidoo kale taageero buuxda u fidinayaa geeddi socodka maamul sameynta ilaa iyo inta si buuxda looga dhammeystiro, wuxuuna ugu baaqayaa dhammaan daneeyeyaasha ama dhinacyada ay arrintu khuseyso inay u sii heelanaadaan wadatashi wax ku ool ah, isu talaasul iyo dibuheshiisiin. In la xaqiijiyo hanaan caddaalad ah oo loo wada dhanyahay iyadoo Shirka Cadaado uu dooranayo Madaxweynaha iyo Maamulka Ku-Meelgaarka ah ee Galmudug waxay qayb ka qaadanaysaa in la gaaro nabad waarta iyo xasillooni ka dhacda ma aha gobolkan keliya, bal ee sidoo kale Soomaaliya oo idilba.

Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay taageerto geeddi socodka dalka ee nabadaynta iyo dowlad-dhisidda.”

Dhammaad.