Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarrada argagaxiso ee Muqdisho

11 Jul 2015

Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerarrada argagaxiso ee Muqdisho


Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii argagaxiso ee shaley lagu qaaday goob fariisin u ah AMISOM iyo laba hoteel oo ku yaalla magaalada Muqdisho kaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah, xubno ka tirsan ciidamada amaanka, ciidamo ka tirsan AMISOM iyo saraakiil Dowladda ka tirsan. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarrada.

"Waxaan sida ugu kulul u cambaareynayaa weerarradii argagaxiso ee shaley Muqdisho ka dhacy waxaana aad iga xumaaday sida ay kuwa weerarrada geystay ayna haba yaraatee ugu aabayeelin nolosha dadka rayidka ah,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay. “Weerar la qaado waqtiga salaadda Maqrib ee afurka ka dib, oo ah waqi bakakeysan oo ay qoysaska iyo bulshadu isu yimaadaan, waa weerar lagu qaaday iimaanka ay rumeysanyihiin Muslimiinta dhammaan adduunka oo idil.”

"Waxaan ammaanayaa tallaabada degdegga ah ee ay qaadeen ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika, oo ku guuleystay inay ka hortagaan weerarrada, ayna baajiyaan dhimasho iyo dhaawac intaa ka badan. Qaramada Midoobay waxay sii wadaysaa shaqada ay ku taageerto Dowladda Federaalka, AMISOM iyo saaxiibada beesha caalamka si loo dhiso amniga qaranka oo xoog leh iyo hay’adaha dowladda si loo sugo amniga dalka,” ayuu raaciyay Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo saaxiibada dhammaan dadkii lagu dilay weerarradii shaley wuxuuna caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadkii weerarrada ku dhaawacmay.


DHAMMAAD