Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerrarada argagaxisada ah ee ka dhacay Baydhabo

6 Dec 2014

Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay weerrarada argagaxisada ah ee ka dhacay Baydhabo

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa cambaareeyay weerarradii argagaxisada ahaa ee shaley ka dhacay magaalada Baydhabo oo laga cabsi qabo inay ku dhinteen ugu yaraan shan iyo toban (15) qof ayna dhaawaceen dad intaa ka badan.

“Waxaan cambaareynayaa weerarradii argagaxisada ee arxan darrada ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Baydhabo oo bartilmaameedsaday dad rayid ah, kuwaasoo ay ku waxyeelloobeen dad farabadan, oo ay ka mid ahaayeen dhowr ka mid ah siyaasiyeenta magaalada iyo saxafiyeen. In falal aan loo meeldayin oo sidaas oo kale ah loo adeegsado dadka Soomaaliyeed waxay muujinaysaa sida la yaabka leh ee loogu tuntay mabaadi’da asaasiga ah ee baniaadanimada. Kuwa falalkan ka mas’uulka ah waa in caddaaladda si dhaqsa ah loo horkeenaa,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

“Qaramada Midoobay iyo AMISOM waxay maamulka degaanka ku taageerayaan in la soo daadgureeyo dadka dhaawaca ah ee u baahan in daaweyn dheeraad ah lagu siiyo magaalada Muqdisho. Waxaa naga go’an inaan taageerno dadka Soomaaliyeed oo ku hawlan sidii ay u xaqiijin lahaayeen rajada ay ka leeyihiin mustaqbal nabad ah oo xasilloon,” ayuu raaciyay.

Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska iyo saaxiibada dhammaan dadkii ku waxyeelloobay weerarradii shaley.