Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay dilka Mudanaha Baarlamaan

3 Jul 2014

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya oo cambaareeyay dilka Mudanaha Baarlamaan

Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay ayaa cambaareeyay dilka loo geystay Maxamed Maxamuud Xayd oo ahaa xubin ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed kaas oo lagu dilay Muqdisho maanta. Sidoo kale Ergeygu wuxuu dareen ka muujiyay weerarada ka socdo caasimada oo ay sheeganeyso Alshabaab, weeraradas oo bilowday bishan barakeysan ee Ramadaan.
Mudane Maxamuud iyo sarkaal ka tirsan ciidamada ayaa la dilay ayaga oo gaari ku socday magaalada Muqdisho saakay. Sarkaal kale oo ka tirsan Baarlamaanka oo gaariga kula jiray ayaa la dhaawacay, xubin kale oo ka tirsan Baarlamaanka oo isna la socday ayaa ka badbaaday.

“Waxaan ka naxay geerida ku timid Maxamed Maxamuud Xayd. Si xoogan ayaan u cambaareynayaa dilkaas. Bisha soon waa bil nabadeed iyo dib u heshiisiineed (sidaas darteed) in la geysto dilkaan naxariis darrada ah bishaan barakeysan gudeheeda waxay ku tuseeysaa naxariis darrada ay dambiilayaashu u hayaan dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah.

“Waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiinta in ay sameeyaan dadaal kasta oo suurto gal ah si dambiilayaasha loo hor keeno cadaaladda horteeda sida ugu dhakhsiyaha badan. Waxaa naga go’an taageerada aan u hayno dadka Soomaaliyeed iyo wakiiladooda kuwaas oo ku howlan sidii lagu xaqiijin lahaa mustaqbal nabad iyo xasilooni ku dheehantahay” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah.

Ergeyga Gaarka ah ayaa tacsi kal iyo laab ah u diray qooyskii iyo asaxaabtii uu ka geeryooday Mudane Maxamuud iyo sarkaalkii ciidanka ahaa. Sidoo kale wuxuu tacsi u diray Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeeyay intii dhaawacantay in dhakhso u bogsoodaan.